April 21, 2008

17 Sano Ka Hor Jidkii uu ku Fashilmay “Siilaanyo” Ayuu Maantana Cagta Saaray!!!!

Waxay ahayd xiligii uu madaxweynaha dalka ka ahaa ala how naxariistee, Cabdiraxmaan axmed cali "tuur", waxaa wadanka ka jirey maamul xumo, dhaqaale la’aan, jahawareer siyaasadeed, qabyaalad meel walba gaadhey, ciidamadii SNM oo ardaa ardaa u kala fadhiyey, dareen dadweyne oo hagitaan u baahnaa, shaqo la’aan aan cidna dhaafin, dawlad aan cago badan ku taagnayn, dhac iyo baadhasho loo gaysan jirey dadka rayidka ah iyo waxyaabo intaaba ka badan oo aanan hada qoraalkan kooban ku soo dhamayn karaynin.

Axmed siilaanyo waxaa uu ahaa siyaasi aad uga dhex muuqday soomaliland iyo jabhadii wadanka qabsateyba xiligaa, waxaa uu ahaa nin ay dadku aad ugu hanwayn yihiin aadna loogu dheg taago hadaladiisa, rayigiisana loo arkayey mid dhaxalgala. runtiina loo baahnaa maalintaa dawlad iyo shiciba aqoontiisa iyo kartidiisaba inuu ugu guntado oo umada ugu adeego talo iyo tusaale wuxuu hayona u soo bandhigo dawlada iyo dadkaba.
 
Hadaba akhristow waxaa maalin maalmaha ka mida siilaanyo oo gurigiisa burco jooga waraysi dheer la yeeshay saalax cawed cali oo ahaa tifaftirihii wargeyskii ugu horyeey ee somaliland ka soo baxa wixii ka danbeeyey dhicitaankii dawladii siyaad barre oo la odhan jirey "codka hargeysa" su’aalaha la weydiiyey waxaa ka mid ahaa bal sida uu arko axmed, dawladii soomaaliland ee xilgaa wadanka ka jirtey, waxaanu ku jawaabey oo uu si sahala’ u yidhi "dawladi ma jirto adeer". Runtii jawaabtaasi may ahayn mid looga fadhiyey ama uu ku qawlo nin siyaasiya oo aad loogu hanweynaa, si wayna loogu baahnaa rayigiisa iyo fikirkiisa caafimaadka qaba xiligaa, isla markaana garanaya waxa ay keeni karto dhib iyo dheefba odhaahda noocaas oo kale ahi, maadaama aanay dawladu cago badan ku taagnayn xiligaa dalkana uu ka jirey burbur iyo dhaaqaale xumi aan la soo koobi karayn.
 
Sidii la filayeyba waxaa markiiba kelmadii "dawladi ma jirto" qaatey oo faafiyey oo ku camal falay dad aan wax garad ahayn oo wadankii waxaa ka bilawday qas iyo jahawareer kaasoo sababay dhimasho iyo burbur aan runtii la qiyaasi karin. ma doonayo inaan dhex galo dagaaladii iyo dhibkii ay keeneen kelmadahaa kooban ee uu siilaanyo sida dhibka yar u yidhi,oo intiina badani waad ka warhaysaan sidaan filayo, balse waxay kelmadahani si xoogle u dhaawaceen sharaftii iyo karaamadii uu siilaanyo bulshada dhexdeeda ku lahaa, waana tii keentay inuu silaayo ka fadhiisto siyaasada xiligii marxuun Cigaal wadanka madaxda ka ahaa. Waa tii keentay in marxuun cigaal uu diido dhex dhexaadintii uu islahaa ku kala dhex gal isaga iyo saleebaan gaal oo xiligaa ahaa mucaarid doonaya shir beeleed in awooda dalka lagu yimaado.

Waa tii keentey in Daahir riyaale oo dadku aanay aqoon dheer u lahayn uu kaga adkaado doorashada madaxtinimo ee soomaaliland 2003dii, waa ta keentay in siilaanyo dad badani aamini waayaan balanqaadyadiisa siyaasadeed, waa ta keentay in uu xisbigiisa dhexdiisa ku bixiyo $1,500.000 (hal milyan iyo shanboqol oo kun oo dollar) oo laaluusha si uu ugu soo baxo jagada gudoomiyenimo ee xisbiga kulmiye.
 
Isku soo wada duuboo waxaad moodaa inuu siilaanyo bilaabay hadana wadadii uu ku burburin lahaa soomaaliland mar labaad, waxa axmed doonayaa inuu soo dhiso dawlad labaad oo laga garab dhisayo dawlada hada jirta, waxaa uu doonayaa inuu adeegsado faysal cali waraabe oo doonaya in loogu yeedho mudane madaxweyne mar’uun sifadey doontaba ha ku timaadee, waxa axmed doonayaa in ciidamada qaranka soomaliland loo kala saaro reer reer sidii snm oo ay iyagu iska hor yimaadaan, waxaa axmed doonayaa in wadanku fawdo galo.
 
Waxaan ku soo koobayaa wadankani sidii ilaahay ugu talo galay ayuu noqanayaa, cid qadarka bedeli kartaana ma jirto, balse waxaan axmed siilaanyo kula talinayaa soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "cimri tegay ceeb laguma sootiyo" taariikhdana waxaa loo bartaa loona qoraa in dhibka danbe ee dhici doona iyo ka joogaba lagu maareeyo looguna odoroso, mar tijaabisey in fawdo wax lagu noqdo suurtana geli waydey dhibkii dhacayna waa laga noolyahay ka danbena waa laga noolaanayaa hadii Alle idmo, ee adigu  axmed adeer "maskax kale keen", burbur iyo fawdo soomaaliland madaxweyne kaga noqon mayside. Dadka reer soomalilandna waxaan leeyahay waa inoo waraaq aynu sanduuq ku ridno oo aynu ku kala saaro inamadeena damaca wanaagsan ee siyaasadeed wata, kuwa fawdo wax ku doonayana waxaynu nidhi "maya".

Wa Billahi Tawfiiq

Qalinkii Faarah Guuleed

Email: fuaad04@yahoo.co.uk

Related Entries