April 19, 2008

Shir Jaraa’id oo uu Qabtay Suldaanka Beesha Bariga Hargeisa (Suldaan Yussuf Xiirey)

(Harowo) - Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Suldaan Yussuf Xiirey Hotel Xaraf, waxaa uu kaga jawaabay nin ka mid ah beeshiisa oo suldaan iyo boqor sheegtay, aflagaado iyo cayna u gaystay wasiirada qaar sida Wasiirka H/Guud.

Suldaanku wuxu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in uu isagu yahay suldaanka beesha Bariga Hargeisa, isla mar ahaantaana aanay waxba ka jirin sheegashada uu sheegtay ninka lagu magacaabo Saleeban (Habaar) inuu yahay suldaan, balse uu ka mid yahay dadka ugu liita uguna maangaaban ee ka tirsan beesha.

Suldaanku wuxuu ugu baaqay Wargeyska Haatuf inay ka fiirsato waxay ay qorayaan, kana waantoobaan buunbuuninta iyo qorista waxaan jirin.

Suldaanku wuxuu xaal siiyey Wasiirka H/Guud oo ninkaasi sheegtay waxaanu ahayn, isaga oo ku aflagaadeeyey maqaalkiisii uu ku soo daabacay Haatuf.

Wuxuu Suldaanku ugu baaqay ciidamada C.I.D in ay baadho, kana daba tagto ninkaasi aan waxba ahayn ee sheegtay waxaanu ahayn.

Ugu danbayntii, mar uu Suldaanku ka hadlayey marxalada maanta wadanku maraayo, wuxuu ugu baaqay dawladda, axsaabta qaranka iyo komishanka in lagu dhameeyo wada hadal iyo si nabad galyo ah.

Abdi Muxumed Gaas

Email: gaas2003@hotmail.com