April 19, 2008
Fikradaha Xalaasha ah iyo Doodaha Furani Waxay Abuuraan Horumar iyo Kalsooni, Laakiin Calool Xumo ma Reebaan.
Waxa jirey marar badan oo aan dhacdooyin,doodo iyo fikradoba kusoo bandhigay shabakadaha.Maaha in qofku uu qumbacaddiisa uun ligligga haytso oo uu marwalba isku arko inuu boqolkiiba boqol saxsanyahay. Sidoo kale maaha inuu qofku uqaato in fikirkiiska iyo doodiisa dadku la wada dhacsanyahay.
Dadbadan oo soo dhaweeya waa la arkaa,qaarbadan oo aan ka helinna waa la arkaa oo soomalidu warka BBC-da ee ay wada dhageysanayaan bay kula bixi waayeen oo marka ay idaacadu ka baxdo la isku mari waayaa "sidaasuu ujeeday iyo sidaa ama ahayn ee ma anagii dhageysanaynay baad nala murmaysaa".
Hadaba, qof fikirkiisa cabirey ama dhacdo dhacday ka faaloodayna maxaad umalayn "waa muruqa laba suul ee ninba si ku ah".Horta maaha inaad qofka maskaxda furan fikirkiisa shakhsiga ah iyo faalooyinkiisa ka masuugto.Kadibna aad calool xumo iyo xiqdi ugu qaado qofkaasi runta uu sheegay darteed adigoo ku colaadinaya.
Haddii aanu qofka fikirkiisu ku cajabin lagugu khasbi maayo.Dhacdada uu ka faalooday ama arinka uu soo bandhigay hadii aanad iskaga aragti ahayn adiguna sida ay kula tahay soo bandhig. Fikaradaha xalaasha ah iyo doodaha furani waxay abuuraan horumar iyo kalsooni, laakiin calool xumo ma reebaan. Shakhsiyan anigu waan soo dhaweeyaa qofkasta oo wax qora,haddii aan fikirkiisa dood ka qabo waxan kaga jawaabaa si hufan anigoo umarinaya meeshii uu kusoo bandhigay ee ahayd saxaafada, caloolxumase uma qaado mana xag xagto.
Anigu waxan isku qabaa kalsooni,ma jecli inaan la yooyootamo ashkhaas gidaarka dabadiisa ka hadasha oo aan ihor iman karin.Wixii lama dhaafaan ah ee ila soo darsay ama ila soo darsa ee aan dadka qaar kala kulmay si cadbaan usoo bandhigi doonaa, ficilkiisii iyo qofka uu yahayba haddii ilaahay yiraa. Laakiin Ma doonayo qof calool xumo qaba oo dad isaga oo kale ahi maskaxda ka haystaan oo makarafoon ah inaan la murmo.
Ha Samaato
Jawhar Qalinle
Email: Korwaayeel@hotmail.com







