April 18, 2008
Yusuf Gaboobe, Waa Kaa Xaaran in Aad Awdal iyo Hargysa ood Isku Dirto Hogaamiye ku Noqto - Yaa Cunsuri
Waadigan diradiraalooy ku cabsiinaya, dadka Reer Somali land ciidan Reer Awdal ah, ayaa soo galay Hargaysa, Reer Awdal goormay ciidan shisheeya ah noqdeen oo dad lagu cabsiiyo. Hadii aad ogtahay markii kuwan aad u dacwiyeyso ee Reer Kulmiye iyo calan castiisuba ay dagaalka sokeeye ka bilaabeen Hargysa dhexdeeda Reer Awdal waa kuwii u adkaysan waayey dhiiga walaalohood ee talo xumdaadu sobobtay.
Dagaalkii nabadaba abuuray usoo galay somaliland maantana diyaar by u yihiin difaaca Somaliland ama Rayaale ha joogo ama nin kaleba ha joogee waa runtaa oo way soo galeen hargaysa, ilaa laascaanood iyagoo ah ciidan Somaliland oo qaran, waana arinta suurto galisay in ay Somaliland xuduudeheegii ay sugto oo ay gaadho.
Waxaanse ku leeyahay, waxaan ku sugayaa maalinta aad Somaliland madax ka noqoto ilaahay kama dhigee, adiga ah wariye Gaboobe Haatuf beenale iyo kuwa kula midka ahba ee aad u ololaynayso ee aad samayso qolo kali ah oo smaliland noqon karta ama aad samaysato ciidan khaas u ah dhiig Yacabyada u olelaynayso, kuwaas oo aanay ku jiran Awdal iyo Sool iyo hargaysa 90% marka laga reebo adiga noocaaga tirada yar Haatuf beenale.
Waxana aan ku leeyahay waad ka lunteen dariiqii madaxnimada, waxana aad lumiseen fursad aad Madaxweyne Rayaale xukunka kaga qaadan lahayd adiga oo cidkastaa kuu hanwayntahay. Waxana aan leehay mucaaradka guud ahaanba dadka u sheega wajigiina runta ah oo aad uga duwan ka idinka muuqda ee dibada uga baxsan akhlaaqda wanaagsan iyo wadan jacaylkuba. Ma waxaad u quudheen in aad guri sida lagu dhisay Ilaahay ogahay in aad marlabaad xaqdaro ku dumisaan iyo kursi jacayl daraadii? Waar nimanku iiman la’aa ilaahay ha naga hayee!!!!
Sad xun iyo dad wanaagsaniiba way ku jiraan xisbi kasta, lakiin nimankan umadii la mideeyey ee gacmaha la isku saaray, ee laga baabiyey colaadii, uurxumadii iyo umulo dooxadkii ka dhex jiray dib u soo nooleeyey ee isku diraya, ee nabaradii la dhayaayna sii dhaawacaya, ee bamamka tuuraaya, ee caruurta iyo hooyooyinka guryaha iska dhex hurda saska ku ridaaya, mujaahid ha ku sheegina. Marka uu wax qarxiyona idinku jeelka geeya, inta aanay dowladiba soo raadsan.
Nimanka xisbiyada mucaadka afhayeenada u ah ma waxaad u samayseen inay xisbiga wanaagiisa dadka baraan, mise inay aflagaadeeyo umad uu rabo in uu masuul u noqdo? Xisbigana waa in sharaftiisa la ilaaliyaa ood isla markaaba talaabo ka qaadaan, ood eridaan afhayeenada nocaasi ah, hadii kale la wada midbaad tihiin, wanad ugu talo gasheen. Xisbiguna in aanu noqon meel tuugta iyo maadharada (gacan-ku-dhiiglayaasha) lagu difaaco ama lagu ilaaliyo.
Waxaa ceeb aad u wayn ah marka mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka ah waaran makaxkamadeed loo keeno ee la yidhaa kaalay sharciga hortiisa halkii uu umada tusi lahaa u hogaansanaanta sharciga waxaad u samaysateen ciidan beeleed ku garab istaaga edebrada garna ku siiya oo yidhaa ma mujaahid hebel baa la soo doontay lama xidhi karo akhlaaqda fiicanina waxay tahay in uu ixtraamo askari yar ee loo soo diray oo iyada oo aanay daruuriba ahayn in askari loo soo diraa ay ka sii fiicanthay in telephone loogu yeedho inta gaadhigiisa ku qaado askari yare e shaqadiisu tahay sharci illaaliye uu tego meel alaale meesha looga yeedho waayo hadii uu nadiifyahay wax uu ka baqaa ma jiraan.
Sadexda xisbiba hadii la wada qiimeeyo waxa wanaagsan in sadexdooduba bedelaan madaxda xisbiyada oo ay dad cusub jaanis siiyaan, laakiin hadii ay ii gudboonaadaan sedexdaasi xisbi, waxaan foodkayga siinayaa Madaxweyne Rayaale, oo anan yaageere u ahayn. waayo xisbigiisu wuu ka akhlaaq fiicanyahay labada kaleba. Ninkii dambi gala jeelka ayey u dirayaan, halka kuwa kale la soo boodayaan geesibuu ahaa oo xaqdaraa lagu xidhay, iyaga oo aan xaqiijin in dambiga loo haystaa saxyahay. Waxayse ilowsanayhiin kuwan ay manta xaqdarada ku difaacayaani waa bari kuwii iyagaba dumin lahaa. Waxaana u wanaagsan in ay hadaba iska sii nadiifiyaan tuugta iyo cayaala suuqiinta ay moodayaan inay howl fiican u hayaan.
Madaxwaynaha somalilandna waxaan siinayaa talo u wanaagsan: Madaxwayne waxaad na xukumaysay 7dii sano ee u dambaysay, marka laga reebo intaad ku-xigeenka ahayd, waxaad noo qabatay hawl aad u wanaagsan oo ay taariikhda fiicani xusi doonto, waxaana aad ku sifowday oo Ilaahay kugu manaystay dulqaad iyo akhlaaq aad u wanaagsan.
laakiin Waxaa iga talo ah in la gaadhay in aad gudoomiyaha xisbiga aad ku wareejiso ninka (Udub adag ku abtirsada) ee aad u malaynayso in uu beertan nabadaysan eed beerteen adiga iyo madaxwaynhii kaa horeeyey ee midhidheedii soo muuqdaan ku hagaamiya inay Reer Somaliland u deeqdo si wanasan, aadana u yaqaana luqada cadowga somaliland ama ha noqdo kan gudaha ee kaba khatarsan kan dibada ama kan dibadaba.
Wa Billaahi Tawfiiq.
Abdi Dhere
Dubai UAE
Email: Abdidhere@yahoo.com







