April 18, 2008
Maxaa Lagu Gartaa Qofka Isku Kalsoon…????

Waxaan marka hore salaamayaa dhamaan ba akhrisatayasha sharafta badan iyo waliba bahda Harowo.com, inta ka dib waxaan maqalkan kaga hadli doonaa faraqa u dhexeeya garaadka lagu kasbado cilmiga iyo kalsoonida uu qofku yelan karo.
Hadaba, waxa jira garaad lagu kasbado barashada cilmiga kaasi marnaba kuma xidhna hadba qofka inta ay da’diisa leegtahay balse waxa uu ku xidhan yahay hadba qofku inta uu cilimi iyo khibrad korodhsado. Hadaba sida qofka marka la arko muuqaaliiksa loo qiyaaso garaadkiisa, ayaa isla markaana waxaa loo qiyaasi karaa maqaamka uu ka joogo bulshada iyo waliba miisaanka uu ku leeyahay,waa marka aad aragto fikradihiisa iyo sida uu wax u wado.
Dadku inta badan laba arrimood oo dan u ah midna ma tixgeliyaan. Midda kowaad waa in qofku xor yahay, oo aanu cidna marti ugu ahayn habka uu u fikarayo iyo qaabka uu u noolaanayo. Midda labaad waa in uu dadka kale u oggolaadaa sida ay jecel yihiin iyo aragtida ay xiisaynayaan,isaga oo tixgalinaya inay haboontahay dhagaysiga dadka kale fikradahooda.Haddii labadaas arrimood la waayo waxyaabo badan ayaa la waayayaa.
Marka kowaad waxaa lumaysa aragtidii dadka oo qofku in uu fikiro waxaa kala weynaanaysa in uu wax aanu isagu ku hindisoon fuliyo, waxayna dadka oo dhami noqonayaan in maskaxda lalawadaago, oo dad kale la yeeshaan oo kolba waxa ay iyagu ku fikiraan ay kula fikiraan, isla markaana ay ku adkaato inay fikirkooda gaarka ah cabiraan, oo ay noqdaan qaar kalsoonidii ka lunto, taasina waxay inta badan keentaa cabsi qofku uu ka qabo fikradiisa. Maskaxdaadu yay noqon maqaam lagula leeyahay(Ibraahin Gadhle).
Dad badan oo waxaad arkaysaa naftooda aan ku kalsoonayn oo ay ka muuqato inaanay iyagu fikrad la iman karin ay iska leeyihiin, islamarkaana aad arkaysid inay ku socdaan fikrado dad kale leeyihiin oo waliba lagu haraaday beri hore, taasina waxay bulshada dhaxalsiin kartaa horumarla,aan iyo waliba kala daadsanaan.inta badana markaad u fiirsato dadkeena waxaad meelo badan ku arkaysaa inaanay dadku si xor ah u doodi karin, taasna waxaa keenay baan odhankaraa kalsooni darada, wayo kalsoonidu waa tan kuu saamaxaysa in qofku si xor ah u doodo.
Hadaba, maxay tahay kalsoonidu, kalsoonidu waa: qofkii si baqdin ama cabsiyi ka dheertahay u fikira,awoodna u leh in uu wax wanaagsan samayn karo, xor ah, aan cidna ku xidhnayn Allah mooye ama aan hoggaanka loo hayn, aaminsan Ilaahay iyo naftiisa kaliya, taa waxaa daba socota in qofku is oggolaado in uu yahay qof jira isla markaana ku faraxsan ama ku qanacsan jiritaankiisa, taas waxaa ku xiga in uu qofku aaminsanaado in uu yahay mid qiimo badan ku leh agtiisa yacni og in uu yahay mid naftiisu qiimo ugu fadhido, is badbaadin kara, qanac weyna ku qaba waxa uu Ilaahay Subxaanahu watacaala siiyay ama ha yaraadaan ama ha badnaadaan.
Doodaha badan iyo aragtiyaha kala duwani waxay keenaan horumar, laakiin waa in uu qof kastaa oggolaado in uu khaldanaan karo, ee aanu isku arag in uu xaq ku taagan yahay, mar kasta, dadka kalena ay lunsanyihiin. Isla markaas waxaa muhiim ah in aanu qofka maskaxda furani la murmin qof ay dad isaga oo kale ahi madaxa ka haystaan, oo raadiye lagu hadlo ah. Waxaa intaa dheer in aanay dadku xagga fahamka iyo xagga hadalka isku heer ahayn, oo ay intii isku si u fikiraysaaba wada doodaan oo ay wax kasta ka wada sheekaystaan, si aanu qofna naftiisa qaaliga ah ugu xadgudbin.halkaasna waxaa ka soo bixi kara dad badan oo naftooda ku kalsoon oo macquul ah dadka kalena wax u sheegi kara, isla markaa tusaale u noqonkara jiilasha soo koraya.
Waxaa fiicnaan lahayd in si buuxda loo fasaxo aragtida bulshada si looga baadho bal in ay ku jiraan dadka kuwa aan maskaxda laga haysan oo fikarayaa, laakiin dadka taa garanayaa waa in ay laftoodu marka hore yihiin kuwo iyagu fikaraya, ee aanay ahayn kuwo dhinac u janjeedha, oo waliba aan arigti toos ah lahayn.
Hadii ay taasi iman lahaydna waxaa la kala ogaan lahaa dadka sida tooska ah u fikiraya iyo kuwa aynu ka soo sheekaynay ee bilaa kalsoonida ah, laakiin nasiib daro maanta dalkeena oo ah dal yar, oo aan wali gaadhin meelo badan oo lagu soo bandhigo, in dadku si xor ah u doodaan ama ay fikradohooda isku dhaafsadaan ayaan saamaxay in la isku yimaado, dadka laftooda ayaa waxay iska caadaysteen marka ay isugu yimaadaan meelo in ay adagtahay in ay si caadifadi ka dheertahay u wada doodaan, oo waxay had iyo jeer isku mashquuliyaan wax yaabo kale oo aan fa’iido u lahayn, ama waxaaba dhacda in ay kala taageeraan laba guruub, oo is haysta taasina u malayn maayo in lagu gaadho horumar.
Maanta laakiin somaliland waxad moodaa dadku in ay wax yaabo badan ka fa iidaysteen oo ay hore u socdaan, hadaba waxaan hadalkaygii ku soo gabgabaynayaa ha noqonmid ay kalsoonidu ka maqantahay isku day inaad si xor ah u fikirtid hana noqon mid la adeegsada ee maskaxdaada isticmaal.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Cabdi Samaale
Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga
Udub ee Magaalada Bristol
Email: samalos@hotmail.com







