April 17, 2008
Talada Kulmiye Waa Seddex Baan Ku Samri: Nin Dantiisa Gaabani Wadiyo Kursi Kaliye Doonow Mar Kale Hayga Diddin Guusha!!

Nin dabatu ahaan jirey oo isaga iyo qoyskiisuba ku noolaan jireen gabraarashada iyo dabashada ugaadha ayaa subax inta oo uu xadhkihiisii la kacay ku yidhi gabadhiisii “waan gabraarasho tagayaaye haddii inta aan maqanahay Tuke meelahan soo fadhiisto oo aad aragto waa inshaaro wanaagsan oo waan guulaystaye cadkaa yar ee inoo yaala iska cun, haddii Tuke kuu iman waayana cadkaa yari ha ii yaalo”.
Waxay ugu jawaabtay waa hagaag. Tukaha waa la yaqaanoo meeluu raq ku bartay kama maqnaadee galin horaba wuu isa soo shubay waxaanu soo fadhiistay duleedkii.Gabadhii waxay aad ugu faraxday imaatinkiisii waxaanay u jahaysay qadarkii yaraa ee cadka ahaa.
Casargaabadkii ayaa waxa soo noqday ninkii ugaadhsiga tagay oo faro dhabanaya oo huggo, daal, harraad iyo gaajo intuu laafalugadoobay bir iyo bas aan midna doonayn. Intii aanu salkaba dhulka dhigin ayuu gabadhii ku yidhi “ cadkii keen oo iigu dhaqso” waxay inta ay amakaagtay tidhi” hebelow sawkii Tuke ii yimid saaka ee aan calfaday hilibkii yaraa” wuxuu yidhi “waxaa iska dhaafoo hilibka ii keen baan ku idhi”. Markii hadalkii la isku celceliyey ee aflagaadu iyo cananiba dhamaatqay talana qir iyo qir noqotay ayaa wuxu yidhi;Waxa kaliya ee aan ku samri karaa waa adigoo I yidhaahda seddex midkood; “Waakane ma kula weynaa, hooyoo ku go’ iyo waan kaa hadlinayey.”
Sida ka muuqata hadalka ninkaasi seddexda arimoodba macnahoodu siii uu mar walba ku heli lahaa cadkii yaraa ee aanu calafka ku lahayn.
Waxaan uga socdaa sheekadaasi xisbigan Kulmiye sida aynu ka aragno falalkooda iyo fadqalalayntoodaba taladoodu waa gar iyo gardaro, qalooc iyo toos, sharci iyo sharci daraba xukunka iyo kursiga keena, waxaanu arinkoodu la mid yahay ka ninkaa gabraarta ahaa ee aynu kor kaga sheekaynay.
Sida lala wada socda waxa xisbiga Kulmiye uu mudooyinkan danbe si aan qarsoonayn u maciinsaday laba arimood oo kala ah qas abuur badheedha iyo aflagaado qaawan oo xayaha iyo xishoodkaba ka madhan. Waxay si daahira iyo si deddanba weeraro qas abuura ugu qaadeen daganaanshaha guud, iyaga oo sida aynu ognahay dagaal hanti burburin iyo dhawacyaba keenay ku qaaday Golaha guurtida oo ah ka ugu maamuus iyo xushmayn badan golayaasha qaranka, dhacdadaasi oo noqotay waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee ka dhaca Somaliland tan intii dalka laga hirgaliyey abuuritaanka asxaabta siyaasiga ah, waxaanay dadka siyaasadaha ka faaloodaa ku macneeyeen taasi tu ka dhalatay fakir siyaasdeedka maanguulsan ee xisbiga iyo maloawaalka iyo muhashada aan loo meel dayin ee ku maqiiqan medextooyada iyo kursiga xukunka.
Sidoo kale waxa jira aflogaadooyin iyo deelqaafyo si xushmada ka madhan uga soo burqanayey qaar ka mid ah madexda xisbiga kulmiye, kuwaasi oo gaadhsiisan ilaa xad quruun dhan iyo rag wadanka looga yaqaano odayaal soddogyo ah lagu tilmaamo dhidigood iyo dhufaano.
Waxa xusid mudan in afkii kalmadahani ka soo yeedheen uu hadalkan hadalkisii ku xigay xaadiriyey magacyo rag kale oo uu ammaan u soo jeediyey isaga oo ugu jeeda in uu ku danbabaso aflagaadada qaawan ee sida badheedhka loo yidhi.
Kulmiyaw hadalku wuu kaa qubtuu kaa qaloocsamaye
Wuu kaa qanddoodaa siddii qoddadka waaweyne
Qiimmigu afkiinii ka madhay qaana kugu reeb.
Mar hore waxaan idhi “haddii Kulmiye talada wadanka qabto waxay odhan doonaan dadka waxaan Kulmiye ahaynow kabo la’aan ku soco” maantana waxa muuqata in haddii ay talada dalka qabtaan sida laga arki karo hadaladooda odhan doonaan “Ragga waxaan kulmiye ahayni waa dhidigood dumarkana waxaan kulmiye ahayna waa lababeeb”.
Waxaad moodaa in xisbiga Kulmiye qorshaystay aflagaadooyinkan iyo caytankan ku wajahan goloyaasha qaran in uu ku dhigto dugsi iyo gabbaad ulasho oo uu kaga gilgilanayo ididiilo xumada ku gadaaman muuqaalka siyaasadeed ee xisbiga. Iyaga oo si gaar ah u dhaleeceeya xilgudashada golaha guurtida, waxase la xusuusan yahay in xisbiga Kulmiye sideedaba ka soo horjeedo jiritaanka guud ee golaha guurtida, siddii ku caddayd aragtidii iyo qorshihii siyaasadeed ama maanufeestadii xisbigu ku galay loolankii doorashii medextooyada taasi oo kutagalka xisbigu ahaa in haddii ay ku guulaystaan doorashada ay qorshaha ugu jirto sidii guud ahaanba loo tirtiri lahaa jiritaanka golaha guurtida.
Iyada oo sababta qudha ee ay taasi u hayeen ahayd kala duwananshaha ka jira guurtida oo boqolkiiba boqol daacad u ah qadiyada Somaliland iyo ajandaha qarsoon ee xisbiga Kulmiye ee la xidhiidha arintaasi. Waxa kale oo arintan inoo caddayn kara sidii ay u baylihiyeen golaha wakiiladu iyo gudoonkooda mucaaridka ahiba in ay sameeyaan sharcigii lagu dooran lahaa gole cusub oo guurti iyagoo isla markaana si mutaxan u diiday in loo kordhay waqtiga golahan guurtida ee imika jira. Tanina waxay muujinaysaa sida ay mucaaridku gaar ahaan xisbiga kulmiye u jecel yihiin in gabi ahaanba la tirtiro golaha guurtida.
Sida laga wada dharagsan yahay dib u dhaca ku yimid doorashadii Degaamada iyo tii Madextooyadaba waxa masuuliyadeed laha xisbiga Kulmiye oo ku masuugay in soo magcaabaan xubintoodii lagana sugayey muddo sagaal bilood ah si loo sameeyo Guddi Doorasho oo Qaran. Iyagoo taa uga jeeday khalkhal galinta xilligga doorashada iyo in ay dib dhac abuuraan si ay markaa ugu andacoodaan hadalada maalmahan ka soo yeedhay ee ah “ mar haddii doorashadii waqtigeedii dhici kari weyday waa in la iskugu yimaadaa shir beeleed si looga arinsado aayaha dalka” waxaynu ognahay sida fakir siyaasdeedka xisbiga Kulmiye u qarqisay ka hadalka qabiilka iyo shirarka qabiilaysan siddii ka muuqatay shir beeleedka xisbiga ee dhawaanta ku qabsoomay Hargeysa kaasi oo madex iyo mijo laga qaybsaday qaabab reereysan oo ah tii aynu xisbiyada ka samaysanay.
Guud ahaan marka aad eegto afcaasha iyo falalka ay geysanayaan hormoodada xisbiga Kulmiye arintoodu kama tagana qisadaa aynu kor kaga sheekaynay ee kala qabsatay ninka gabraarta ahaa iyo afadiisa ee ahayd si kastaba ha ahaatee cadka aan helo.
Darifkaa ka darifkaa dadku waa dadkaygii
Dalkuna waa dhulkaygii iyo dawladoodii
Isku duubni wada jira dantuna waa midkaa qudha,
Ma diddee Hargoowlow haygu durbaanada
Iyo daasaha madhan.
Xisbiga Kulmiye iyo talohogaamintiisu waxaynu aragnay siddii ay burburiyeen karaamada guud ee xisbiga iyada oo dib loogu celiyey qaab reereedadii qabiilka aynu ka soo gudubnay, imikana waxaad moodaa in ay soo qashaarteen sidii ay burburin lahaayeen kala danbeynta, dagnaanshaha guud iyo distuurka dalka iyagoo sida cid waliba la socoto ku celcelinaya in aanay aqoonsanayn jiritaanka shuruucda dalka iyo golayasha qaranka midna.
Waxa nasiib wanaag ah in guud shacbiga Somaliland aad uga foojigan yihiin qorsheyaasha bello alooska ah ee xisbiga Kulmiye mashquul ku yahay habeen iyo maalin.
Ishaa manta bidhiiqdiyo
Ogoobay libintayda
Rag baw haysta ilaaqe,
Inagoo dan aslaynoo
Ictiraaf higsanayna
Nin qabyaalad unkaayiyo
Nin u qooqay Iddiisu
Cirkuu roob ku og-yeeye
Awadii qudhahaydeen
Awadeed u idlaaniyo
Ummad yahay taladeena
Ku adaadurin mayo.
WABILLAHI TAWFIIQ
Xirsi Aw Cabdi Sheekh
Xubin gudduga fulinta UDUB UK
Gudoomiyaha UDUB West Midlands
Birmingham, UK
Email: hirsi2@hotmail.co.uk







