April 17, 2008

Odhaahda Ahkristaha: Qaxooda Maxaa Iga Galaya???

Marka horeba waxa wax laga xishooda ah in la sheegto mucaarid iyadoo la ogayahay halka Somaliland ka soo bilowday taas oo aynu usoo galay wadan gabi ahaanba burburay, ta toosani waxay ahayd in xisbi keliya lawada noqdo meel loo wada jeesto inta laga gaadhayo hadafkeena oo ah ictiraaf, dhaqaale abuurid wadan, waxbarasho wanaagsan oo loo wada siman yahay IWM.

FAISAL: PASSAPORKAYGU WAA FINISH FIGTA HORE MARKAY ILAA FEERFEER FIRDHAANA FIIDKABA FINLANDBAAN FANTASIYEYNAYAA (maxaa iga galay qaxooda).

SILANYO: PASSAPORKAYGU WAA BRITISH BUGTA HORE MARKAY BARAKACANA BARQADIIBA BRITAINBAAN BEEBKAYGA BUDHBUDHINAYAA.(maxaa ig galay qaxooda).

Waxa markiiba baxay MUCAARID, mucaarid waxa sheegan kara wadan dhisan degan ictiraaf haysta,laakinse sida aduunyada kale ee aynu arkayno, laakinse mucaaridkeenu wuxuu ku odhanayaa waxbaanu saxaynaa wax ay saxaana ilaa iminka maynu arag waxaynu xasuusanaa sidii ay uboobeen doorashadii golaha wakiilada ooy keligood guddomiyihii kuxigeenkii iyo wixii oo dhan ay isku sharaxeen xisbigan wadanka xukumaa wixii uu ka yidhi iyo sidii uu u ayiday waynu ognahay.

Markaa manta boobkii ay sameeyeen waa ka sababay in ay ka soo xaadiri waayaan shirarkoodii ahaa hawlmaalmoodkooda qaarna sidii ay u dhoofeen mabay soo noqon, maalin baan meel ka akhriyey ina Cali Warabe oo leh xilifkii Kulmiye waanu ku khasaaray taas oo ah in degdegii uu wax u boobay uu manta gartay natiijoxumadeedii markaa mucradkeena hadii manta suaal aynu weydiino.

WAAR MAXAA IDIN SHIDAYA ma saddex bilood baa sugi kari weydeen dhinaca kalese maxaa idinku markii hore u soo jeediseen in doorashooyinka dib loogu dhigo oo dawladuna idinka ogolaatay.

Hadaba mushkilada mucaaridku waxa shidaya waxa weeye horumarka manta ay dawladu samaysay dhinaca waxbarashada,xuduudihii ay dawlada ku khuukhin jireen  oo la gaadhay,horumarka dhinaca siyaasada oo meel sare maraysa, gobolada cusub ee la sameeyey, wadan dhismay oo kala dambayn jirto. Markaa waxaas oo dhan oo horumar ah waxa ka cadhaysiinaya dhibaatada mucaaridka liano wixii ay dawlada ku canaanan jireen oo dhan ayaa guul laga gaadhay markaa waxa weeye waar maxaad waxaas oo dhan u samaysay anaa samayn lahaaye. Markaa runtii President Riyale iyo dawladiisu amaan iyo in la yidhaa shukran ayey leeyihiin ee in xagxagasho iyo xaalad abuur la sameeyo may ahayn.

Ta kale ee ka cadhaysiisay mucaaradka khaasatan Kulmiye waxa weeye shirkoodii ku dhamaaday fashilaada oo markii ay khatimeen ee ay dib ugu soo noqdeen rayigii dadweynaha iyo wadanka ayey ogaadeen in ay bad khalad ah sameeyeen taasooy ugu weynayd beelihii bariga iyo galbeedka oo yidhaahdeen looma baahna beel keliyana ay saddexdii mansab ee ugu horeeyey ku safeen markaa taasi ma talo wadaag baa mise waa kharbudaad iyo ismaandhaaf dhexdooda yaala. Markaa manta mucaaridku siyaasadoodii KU JIQSII ayey wadaan laakinse mid laga yeelayo maaha.

Ahmed waxaan xasuusin lahaa markii SNM ay ku kaceen qoladan manta shidhka ugu jirta ee QAXO ay doonayeen in ay ka takhalusaan isagoo maqan miyaanay odayadii guurtida ahaa ee qurbaha Sucudiga ka yimi ahayn kuwii kaga dhaartay Dhegaweyne, ina Bixi, ina Xashi, Cabdiraxman aw Cali in jagada Chairmaanimada SNMta laga qaado Silaanyo taas oo shirar badan ka dib ay ka ogolaadeen in jagada difaaca oo iyaga khusaysana Cabdillahi Askar loo magacaabo kursiga Chairmaankana Silaanyo aan loogu iman taas oo halkaa laga waday ilaa Congresskii Silaanyo ay ku rideen la gaadhay.

Hadaba odayaasha guurtidu ilaa SNMtii gacanta ayey ku soo hayeen maantana  GUURTIDAN joogta oo la ogyahay waxay qabteen ayuu cay iyo cambaarayn ku hayaan silaanyo iyo Faisal. MR. SILAANYO guurtidan joogtaa waa kuwii damiyey dabkii iyo fidmadii aad sababtaweyn u ahayd ee ka dhacay Burco,Berbera iyo Hargeisa. Ina Cali waraabe ayaa yidhi ma wuxuu Riyale moodayaa in odaygan Cabdi Waraabe wax u qabanayo, Mr. Faysal marka hore wax aad samayn kartaa majirto mana gaadhid kabaha Sheikh Cabdi Warabe wuxuu naga mudan yahay ixtiraam iyo taariikhda oon ku qoro ee maaha in aflagaado odayaasha loo gaysto ta kale shacabka Somaliland dhaqan uma laha in ay odayaashooda caayaan laakinse adigu waxaad ka timi XAMAR oon qiimaha odayaasha lagu aqoon taasina ay tahay ta manta halkaa dhigtay Xamar.

Mohamed Omer Jama

Saudi Arabia

Email: Respectedman38@hotmail.com

Related Entries