April 16, 2008

Wargeyska Haatuf, Wuxuu Noqgay Aalad Loo Adeegsado Iska Horkeenka Bulshada Somaliland

Ka dib markii ku dhawaaqidii dib ula soo noqoshada madax-bannaanida xorriyadda Somaliland, dalka waxa ka hano qaaday saxaafad kala duwan oo isugu jirta mid dawli ah iyo mid madax bannaan, taasi oo bulshada gudaha iyo tan debadaba u tebin jirtay macluumad ku saabsan habsami u socodka dhismaha nidaamka dawladeed ee curdinka, ahayna muraayad ay dad badani ka dheehdaan horumarka Somaliland. 

Waxanay si rasmi ah uga qeyb-qaadan jirtay horumarka hannaanka dimuqraadiyadeed dalka, isla markaana waxay fashilisay han-taaqooyin badan loo maleegayey.

Saxaafada wadamada Dimuqraadiga ah waxaa lagu tilmaamaa awooda afraad ee dalka. Saxaafada Somaliland waxay la kowsatay xili xasaasi ah oo gunta laga soo unkayey nidaam ka soo doogay dagaalo kala duwan, waxay soo martay duruufo qalafsan oo waayaheeda lahaa, kuwaasi oo caqabad ku noqday gudashada waajibaadkeeda, waxanay kaga soo gudubtay dhabar adayg iyo isku duubni ay ku dheehnayd geesinimo, iyadoo aan taakulo dibadeed iyo gudeed, balse taa bedelkeeda la kulantay cago-juglayn iyo xadhig, taasina kamay leexin yoolka ah in ay dadkeeda ka haqab-tirto warka iyo macluumaadka kale dalka, si wadaniyad lehna ugu adeegto.

Warbaahinta madaxa bannaan ah oo lagu tilmaamo kuwo curdin ah marka loo eego ta caalamka ayaa hadana marka la eego sida ay wax u tebinayaan la odhan karaa wey la jaan qaadi karaan kuwa dunida horumartay, marka loo eego qaabka ay xirfadahooga u gudbinayaan oo ay ku ladhan tahay aqoon iyo khibrad suxufinimo.

Maadaama  wakhtigan aanay jirin Tv iyo Radio dalka wada gaadha, waxaa kaalintaasi banaan buuxiyay wargeysyada madaxa bannaan, oo si toos ah u wada gaadha guud ahaan Gobolada iyo degmoonka wadanka. Inkastoo duruufaha kala duwan awgeed ay Wargeysyo badan oo hore u soo bixi jiray baaba’een, hadana dhawr Joornaal ayaa ku guuleystay in ay himiladoodii.

Saxaafada madaxa-bannaani waxay ku heerkaa ku soo gaadhay dhabar-adayg, warar iyo dhacdooyin hufan, dhex-dhexaad ah oo ku qotoma xaqiiqo ka turjumaysa mihnad suxufinnimo, waxana ka caaganaa been abuur, qabyaalad, nin jeclaysi, eex iyo in loo adeegsado dano gaar ahaaneed. Sideeddaba warbaahinta waxa ku waajib ah in ay si siman wax uga tebiso dhinacyada iska soo horjeeda ee siyaasada isku haya oo aanay dhinacna u xaglin.

Inkastoo ay Saxaafada Somaliland dhaqanadaas ku meel martay, haddana beryahan waxaad moodaa in ay soo if-baxeen dhaqano ugub ku ah bahda warfaafinta maxaliga, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in loo adeegsado gaar ahaaneed, qabiil, goobo ganacsi iyo dheh, waxyaabahaas oo mamnuuc ka ah saxaafada, isla markaana magac xumo iyo bar madow ku ah sumcadii ay ku soo caano maashay.

Guud ahaan Saxaafada Somaliland waxay u qeybsantaa dhawr qeybood.

1. Warbaahin Dawli ah; oo lagu xantaa in ay ku hadlaan afka dawlada; kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wargeyska Maandeeq, SLNTV iyo Radio Hargeysa (Voice of the Government).

2. Warbaahin si dhex-dhexaad ah u shaqeysa oo aan cidna si gaar ah u taageerin, oo lagu tilmaansado horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinaca warbaahinta iyo xorrayatul-qawlka (Free Press), inkastoo ay  mararka qaarkood ay dhaliilo culus la kulmaan.

3. Qeybo si dadban u taageera xisbiyada mucaaradka ah, gaar ahaan Xisbiga Kulmiye, kuwaasi oo gudbiya farrimaha xisbiga, si kulul-na u dhaliila xukuumada taladda haysa.

Qeybtan saddexaad waxa ku lamaan kuwo si qaldan u adeegsada mihnada suxufinimo, dano gaar ahaaneed u isticmaala, taasi oo ka soo horjeeda macnaha uu xambaarsan yahay magaca ay huwan yihiin, kana baxsan qawaaniinta Caalamka, tan Somaliland iyo dhaqanka suuban.

Haddaba aynu u soo noqono’e wargeyska Haatuf wuxuu ka mid ahaa kuwa ugu magaca weyn Wargeysyada mudooyinkan dambe Magaalada Hargeysa ka soo baxa, waxana uu ku caan baxay dhaliila xukuumada iyo faaqidaada arimaha gaarka ah (Privacy), kuwaasi oo ay dadweynuhu ka muujin jireen aragtiyo kala duwan.

Inkastoo ay hore u jireen waxyaabo badan oo wargeyska Haatuf baahiyey oo xaqiiqada ka fog, marar baddana eedaymo loogu soo jeediyey, hadana beryahan waxa lagu dhaliilaa in uu ka digo-rogtay sifihii suxufinimo, una ban-baxay weerarka shaqsiyaad gaar ah, (Personal Attack), taasi oo ka baxsan xayndaabka suxufinimo iyo dhaqankeena suuban.

Waxa la rumaysan yahay in uu Wargeyska Haatuf baahiyo warar 50% aan sal iyo raad toona lahayn, oo ay ka dambeeyaan ujeedooyin gaar ah, Somaliland-na ka dhigo goob mar kasta la isku haysto oo khilaaf ka dhex taagan yahay, taasoo meesha ka saartay kalsoonidii ay hore bulshada ugu dhex lahayd. Waxana lagu tilmaamaa in uu ka mid yahay aaladaha loo adeegsado iska horkeenka iyo tafaraaruqa bulshada Somaliland.

Waxaa mid lala yaabo ah in mihnada saxaafada Haatuf iyo qorayaasha bilowga ah (Joiner)  ay u adeegsadaan sidii qorigii day-dayga ama ay dalka ku soo kordhiyeen xirfada loo yaqaana (backmailing), isla markaana ay madaxda qaranka iyo Muwaadininta kale ee ay xoolo ku  tuhmaan ay ugu cago jugleeyaan inay soo qori doonaan fadeexado ay wax ugu dhimayaan sumcadooda iyo sharaftooda gaar ahaaneed. Diinta islaamka waxaa ka xaaraan ah in lagu xad-gudbo qofka sharaftiisa iyo dhigiisa.

Wargeyskani si rasmi ah uguma dhaqmo anshaxa iyo qawaaniinta suxufinimo, waxana uu badana tebiyaa farriimo bulshada naxli iyo kala fogeyn ka dhex abuura, oo dhinacyo u xaglinaya, taasi oo boog ku noqday bahda saxaafada xorta iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland.

Tifaftiraha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe oo lagu tilmaamo nin midabo badan leh oo aan la isku halayn Karin, waxa uu mar  gudoomiye ka ahaa Jimciyada Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal ayaa la sheegaa in ay la kowsatay burburkii iyo tafaraaruqii ku yimid Sooyaal oo hore u ahayd xarun ka shaqaysa mideynta iyo dib u jiheynta muhaajidiinta (demobilization and reintegration), ka dib markii uu ka dhigay madal siyaasadeed oo garabyo badan leh, waxana ku dhaliila in uu wakhtigaa lunsaday aduun fara badan oo ku qaatay magaca Sooyaal.

Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo suxufiyiin kale oo hore uga tirsanaa Wargeyska Jamhuuriya waxay wadajir u samaysteen Wargeyska Haatuf, muddo yar ka dibna waxa uu khilaaf soo kala dhex-galay qaar ka mid ah suxufiyiintaas iyo Mr. Gaboobe kadib markii uu la soo baxay caadooyinkiisii lagu yaqaanay ee iska horkeenka iyo khiyaamadu saldhiga u ahaa. Balse waxaa ka roonaaday warfidiyeenadii kale oo iskaga tegay, taasina waxay sababtay in uu wargeysku halkii ka sii wato hawl-maalmeedkiisii.

Ugu dambeyn ficilada iyo farsamooyinka cusub ee uu adeegsado Wargeyska Haatuf waxay cambaar ku noqdeen saxaafada xorta iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland, waxan u soo jeedin lahaa in ay ka waan toobaan arrimahan ay caadeysteen, Waxaanan ku soo gunaanadayaa “Dhidar Xabaalo qodaa qudhun buu ugu tagaa”.

Suleiman Nour Abdirashid (Afey).

Hargeisa Somaliland.

Email: snafey@live.com

Related Entries