April 16, 2008

Tifaftirahii Wargeyska Haatuf oo u Xuubsiibtay Siyaasi Nasakhan!!!

Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf, Yusuf Gaboobe, oo hore u ahaan jiray wariye ka tirsnaan jiray Wargeyska Jamhuuriya, muddo sii horreysana noqday Guddoomiyaha wargeyska Haatuf, ayaa in dhawaydba waxaa uu u xuubsiibtay siyaasi nasakhan oo sawaaban, ka dib markii uu bilaabay inuu u adeegsado wargeyskiisa aflagaadeynta iyo cayda Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland.

Iyadoo sida laga warqabo muddo horena lagu xidhay edeb darro uu kula kacay qoyska Madaxweyne Rayaale, ayaa intii ka danbaysay sii dayntiisii wuxuu u biyaystay inuu halkii ka sii wado qoraaladiisii iyo hadaladiisa yaqyaqsiga leh ee uu ku xagxaganaayo masuuliyiinta JSL.

Mr. Gaboobe oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, wuxuu ku dhici kari waayey inuu caddaysto mabda’iisa siyaasiga ah ee uu ku taageersan yahay kagana mid yahay Xisbiga Kulmiye, waxaanu doorbiday inuu gashado shaadh suxufi, deedna uu halkaa afkaartiisa ay ka buuxdo xiqdiga iyo xaasidnimadu uu ku faafiyo.

Waxay taasi run ahaantii muujinaysaa daciifnimada iyo karti darada Mr. Gaboobe, oo ku faana inuu ka mid ahaa mujaahidiintii SNM, laakiinse sida laga warqabo Gabobe wuxuu ahaa fulayaashii iyo calooshooda u shaqaystayaasha ku adeegta magaca SNM. Maxaa yeelay, meel muuqata kama soo gali karo ninkani halgankoodii wadanka lagu xoreeyey, waxa kaliya ee maanta sheegtaa waa SNM ayaan taageeri jiray.

Waxaad la yaabaysaa subax walba markaad aragto wargeyska Haatuf, oo ay ku qoran yihiin cayda madaxweynaha iyo Wasiiradda JSL, iyo hadalo kale oo dhamaantood markaad u sii fiirsato aad dareemayso inay yihiin afkaar xisbi mucaarad ah oo waliba xag jir ah, kana fog xeerka suxufi madaxbanaan oo caafimaad qaba.

Waxaan kuu sheegayaa gaboobaw in aanad waxba kaga qaadaynin Madaxda sharaftida iyo maamuskaba mudan  xagxagashadaada iyo dhaleecayntaada macno darrada ah ee ay ka muuqato daciifnimada maskax ahaaneed  iyo maan gaabnimadaadu.

Waxa hoos u dhacay suuqii wargeyska Haatuf, ka dib markii dadkii ay ka war heleen beenta iyo borobogaandada uu faafinaayo Mr. Gaboobe, ogaadeena in wargayskii u afduuban yahay wariyahaasi ka tagay wareyenimadiisii, gaadhina kari waayey inuu noqdo Siyaasi, dabadeedna soo baxay Waxa ay dadka reer Hargeisa u bixiyeen SIYAASI SAWAABAN OO NASAKHAN!!!

Waxaan u soo jeedin lahaa masuuliyiinta sharaftida iyo maamuuska mudan ee aanu gaadhi Karin Wariye Gaboobe iyo kuwa la mid ahiba in aanay u jawaabin wax qiimo ahna siinin ninka ay arrinkiisii noqday sidaas oo kale, maxaa yeelay umaba qalmo ninkaasi in wax jawaab ah la siiyo.

Maxkamadu waa in ay ku soo rogtaa Wargeyska Haatuf xayiraad, maxaa yeelay wuxuu si toos ah ugu xadgudbay anshaxa iyo xeerka saxaafadda, waxaanay noqotay meel laga caayo masuuliyiinta iyo dadka sharafta leh.

Ugu danbayntii waxaan u soo jeedin lahaa Mr. Gaboobe inuu sida ugu dhakhsaha badan leh uu u tago dhakhatarada cafimaadka, gaar ahaan kuwa caloosha si ay u badbaadiyaan caafimaadkiisa ka hor intaanu u dhiman calool xanuun iyo ciil gaamuray, oo uu u hayo Xukuumadda Madaxweyne Rayaale.

Maxamed Guuleed

Hargeisa, Somaliland

Email: salaxley24@yahoo.co.uk

Related Entries