April 15, 2008
Hadhadigii SNM; Uduub iyo Qaranka Aan la Aqoonsan ee SL, Maxaa Kala Haysta !!
Waakan markale hadhaagii SNM, ama QAAXO dheh… ama… ama… oo udbahoogii iyo dhigahoogiiba wata oo raba in 15 MAY 2008 inay afganbiyaa xukuumada SL. Sunta QAAXO oo hadda diyaarka u ah inay ku saydho Somaliland oo dhan, ayaa ka danbeeysay dhawaanta markii hal sanno loo kordhiyey xukuumada.
Marka hadaba aan fiirino siday arimuhu u dhacayaan, waxaa muuqanaysa in dabinada la rabo in lagu burburiyo nabada iyo xasiloonda SL ay hada si wacan iskugu duba dhaceen, oo qurigana xabadu dhuunta u gashantahay keebkan uu gaganta ugu jiro hadhaaga SNM ama QAAXO.
Waxaase xaqiiqa ah in dadweenaha SL, aanan sinaba loo maran habaabin karayn. Dadku waa bislaadeen, oo Safka Neceb Maamulka ama SNM, waa la ogyahay inaanay jirin waxala waxay dalkaan u soo sidaan, balse kelya waxay rabaan inay wadanka qas iyo maamul la’aan dhigaa. Hase yeeshee, waxaa xusid mudan in mar weriyaha VOA ee Hargaysa makrafoonka la dhexmay dadk reer hargaysa ay 100% ragu taageereen golaha guurtida, halka 100% dumarku ka soo horjeesteen guurtida. Macluumaadkaas kooban wuxuu ina tusaya in QAAXO, ay shacbiyad ku leeyihiin dadka intaba hugun raaca oo aan siday wax u dhacayaan taxliil ku samayn karayn. Midaas weeyi mida wadankaan si fudud qas uga abuuri karta, oo dabcan marka caruurta iyo dumarka la adeegsado waa arin wal walkeeda leh.
Qolooyinka kale ee xukuumada sheegta waa UDUB, aniguse waxaan ugu yeedhaa UDUUB, waayo waxaan sidaa u idhi kadib markii ay wadanka gacan bira ku dhigeen, oo xataa ay xadhiga ka badiyeen dadka naqdiya ama wax ka sheega maamul xumada iyo musuqa baahsan. Eregu waad garan kartaa yoo, markaynu baan jirnay quraanka waxaa lagu samayn jiray ardayga baashaalka ah washamsi marka macalinku yidhaahdo “u duub hebl” markaas baa la ciqabayaa. Waa isla sidiiyoo kale, waxa lagu hayo siyaasiyiinta; saxaafada iwlm, kii hadl maagana waa UDUUB, micnaha jeelka ku hubsada oo ciqaaba.
Markaa xisbul xaakimka jiraa maaha mid xal u ah ummadaan, waa mare waa xukuumad aan hawlgalin kaadir aqoon u leh waxa uu qabnayo, taasuna waa mida keentay musuqa baahsan ee ka jira dalka. Mida kale, waa xuukuumad ka kori weeyday kelya inay ku faanaan “Nabadaan ilaalinaynaa” waar hadadba ma askartii koofiyad-buulg ahaa ee UN kaa, waa yaabka yaabkiis….
Isku soo wada duub, wadaankaan yaree curdinka , aan cid aqoonsatay jirin ma wuxuu u dhaxeynayaa askarta koofiyad-buleega ah ee UDUUB iyo ururka Safka Neceb Maamulaka eeSNM salaamaad aloow dariiq hal raacay u bixi.
Wa bilaahi tawfiiq
Maxamed Axmed
Ottawa, Canada
Email: mahmed631@hotmail.com








