April 13, 2008

Odhaahda Akhristaha: Ma SNM Ayaa la Cafiyey, Mise SNM Ayaa wax Cafisay, Waaba Yaabe …..?

Marka hore waxa aan salamayaa harowo.com marka labadna waxa aan salamayaa akhristayasha sharfta mudan. Hadii aan udhadhaco dulucda maqalkaygani waxa bar yahan ku cusub warbahinta in ay xisbiga kulmiye iyo madaxdiisuba cadaysteen in ay aflagadeeyan dadka reer awdal iyo sool iyagoo markasta hal hays ugu soo qadanaya kuwii la cafiyey ayaa manta nahaysta.

Malin dhaweyd ayay ahayd markii uu siilanyo qabtay press conference hadaladii uu halka ka yirina waxa ka mid ahaa (waxa isa soo uruursatay Faqash, Hangash, NSS iyo beelihii la cafiyey.), Waxaasi waxa weeye wixii aynu ka heshiinay, Ninka waxaa inagu celinayaa ee 1991-kii-90kii ama dhawr iyo sideedankii inagu celinayaa, oo maaha nin aan jiritaanka Somaliland ogolayn. SNM jihaadkii ay waday dadbay ku laynaysee Caano iyo biyitoona kumay siinayn. SNM ciddi ka soo jeeday in laga adkaaday ma qabtee iyada ayaa adkaatay. Waa maxay ciil-qabka mar walba loo soo xasuusinayaa dadka halgankii iyo SNM-nimadii iyo cid-baa la cafiyey iyo cid-baan  cafinay, soo maaha bur-burka Somaliland waxa la horseedayaa .

Xisbiga kulmiye manta ma’ aha xisbi dalka usoo wada rajo iyo horumer lakin waa xisbi soo wada inuu dalkani fawdo galo tasi oo ina tusaysa sida aay manta wax uwadan oo maahmaah somaliyeed ayaba tiraa daadka aad horantiisa aad arki maxad ka sugi gadashiisna marka kulmiye manta oo uuna xil hayn ayaban arkaynaa waxa uu yahay barina maxa laga filayaa.

Hadii aan usoo noqdo ciwanka maqal kayga waxa aan aad ula yabay snm ayaba cafisay gaderbuursi iyo harti oo run ahantii anan ahayn biilihii ku jiray snm , wana arin aynu manta wada sugaynay in aay manta snm xaquuq dheerad ah ama dhiig dhereed ah ayka radsato dadkii ay iyadu shalay xasuuqday , somalida ayaba ku maahmaahda doqonta usha agteeda ku jiid haday garan waydana boga ugali ,

Marka manta dadka reer awdal iyo reer sool way garan weyan inay criminal court  soo tagan nimankii snm hagaminayey ee dadka innocent ah layey lakin waa nasiib daro oo tasi way dhici weyday lakin manta snm ayaba xaquuq radinaysa ee reer awdalow dee dacwadiina sii diyarsada aad kaga jawabi doontan waa sida aay snm wadee …..!

BY ENG AHMED YABAAL

Email: ramadaan@hotmail.com