April 11, 2008

Maxamed Kaahin Miyaanu Ahayn Kii Dagaalkii 1991-kii Burco Ka Riday???

Waxa jirta in uu Maxamed Kaahin uu caadeystay Hadalo aflagaado ah, oo marar badan ka jeediyo shirar jaraa’id, iyo fagaara yaasha,  su’aashu waxay tahay waa maxay u jeedad ka danbeysa hadaladiisa, ma cid ayaanu waxba iskaga tirineyn, ma maskaxiyen ayaanu u fayoobeyn, mise ujeedooyin kale oo qarsoon ayaa jira.

Hadaba, ma haboon tahay qof  kana soo qayab qaatey dagaaladii sakooye, ee dalka ka dhacay gaar ahaan dagaalkii lagu xasuuqey agoontii SNM burco 1991kii, Maxamed maanta waa gartii hadii lala xisaabtami waayey inuu maalin kasta wuxuu doono ku hadlo, kuna tiraabo hadalo liita, oo ay ku dheehan tahay cunsiriyad, Aqoon darro, iyo liidnimo. Waana sababta qaraxydda loola beegsanaayo Bir mageydada dalkan ka badbaadiyey Dhibaato badan oo ay alooseen inta uu Maxamed horseedka ka yahay ee  maanta hadana dhibaatada iyo dagaalada ugu baaqeysa bulshadda nugul ee reer  somaliland.

Shalay bay aheyd markii Maxamed Kaahin   dagaalkii lagu hoobtey uu ka ridey Burco 1991kii  kuna  xasuuqdey Agoontii  iyo Naafadii SNM ee ka badbaadey Dagaalkii dib u xoreynta Dalka, taas oo kaliftay inuu magaalooyinka ku mari kari waayo si nabad ah isagoo sidii dhagar qabayaashu ku sifoobaan kala badali jirey gaadiidka iyo goyaasha shaalka ah.

Nasiib darose sannado ka dib, la xisaabtan laanta jirta  maanta waxa uu Maxamed Kaahin la soo baxay kalsooni dheeraad ah oo aanu burco ku  lahayena shalay, isagoo jidadka caasimadda Hargeysa ku mara si kalsooni leh, adigoo arkaaya  habeenkii kalidii isagoo laguynaaya, Maxamed Kaahin waxa maanta intaa u dheer inuu hadalo meelkadhac ah ku aflagaadeeya Masuuliyiinta qaranka iyo beelahaba, hadaladaas aflagaadada ah waxa ugu danbeeyey kii shalay ee meel kadhaca ugu gaystey Beesha Habar Awal iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha. 

Maxamed waxaan waydiin lahaa goortey Habar Awal noqotey Isaaqa dhadig, balse miyaanad ogeyn in C/laahi Cirro  iyo inta la mid ahiba ay  Dalkan hadh iyo habeen u soojeeda inay sugaan Amniga Maatida,  ugana laxo-jeclo badan yihiin adiga iyo adeerkaa Siiraanyo ee aad ku taageertid Reernimada.

Shalaybay aheyd markii aad Aabo iyo Inankiis ku kala sheegteen Shiish iyo Khaakh si aad u kala qaybisaan, iyadoo ay Dalkan badbaadiyeen Hayabada ay dadka dheer yihiin ee Guurtidu, balse aad shalay ugu abaal gudeen Qarax ay ka danbeyso u jeedo kursi doon.

Gunaanadkii waxaan u soo jeedinayaa Maxamed Kaahin in aaney marnaba aanaan ka oglaaneyn doonin in  Hargeysa Qaraxyo laga iyo inaad  aflagaadeysid kuwa kaa hortaagan dhiiga Agoomihii SNM, waxaanan kuu sheegayaa in aaney Hargeysi noqon doonin meel aad dagaal ka riddo, balse wuu naga dhamaadey dulqaadkii, adiga ayaana dhaafi doona Hargeysa haddii aad is barbardhig  waydo Nabada iyo Kalsoonida aad Hargeysa ku joogto iyo gu’ii shaalka ahaa ee burco, waxaana lagaa rabaa dhawursanaan iyo isdhuubid. Waxaana lagaa rabaa Xaal marinta Beesha Habar Awal.

Ismaaciil Xasan Daahir

Email: Layaali08@hotmail.com

Related Entries