April 11, 2008

Hadday Hammaddaadu Been Kuu Sheegtay, Taagtaadaa Kuu Run Sheegi Doonta!!!!

Ka dib xadhigii dheeraa ee ay soo qaateen qolada reer Haatuf, waxaa wali ka dhex guuxaaya cadaawada iyo nacaybka ay u hayaan Madaxweynaha JSL, iyo qaar ka mid ah Wasiiradda Sharafta iyo maamuuska inaga mudan.
 
Hadaad akhriste aragtay haatuf maqaalkii soo baxay bishan April 10keedii qaybta Badheedhaha Wargeyska, oo dabcan ah aragtida Wargeyska ama Tafatiraha, waxuu si badheedh ah oo aan loo aabbo dayin u weeraray xubno ka tirsan golaha wasiiradda, maqaalkaasi oo uu qoray Yussuf Gabbobe oo ah Guddoomiyaha Haatuf, wuxuu cadaystay oo waliba hiil indho la’ la garab istaagay xisbiga Kulmiye oo wasiiradu ay ku eedeeyeen inuu ka danbeeyey Qaraxii ka dhacay Guurtida.

Haddaba, miyaanay wax lala yaabo ahayn in wargeyskii dhamaa uu si badheedh ah cidna u weeraro cidna u difaaco, iyadoo labada dhinacba waa xukuumadda iyo Kulmiye ay eedaymo is waydaarsadeen.

Waxaa taas ka sii daran iyadoo Aragtidii wargeyska iyo tii kulmiye ay noqdeen isku mid, sidaa daraadeed waa u doqoniimo Haatuf inay lumisay dhexdhexaadnimadii ummada, lana safatay kulmiye.

Waxaa iska cad in yusuf Gaboobe uu qarsan kari la yahay calool xanuunka iyo xiqdiga ku raagay isla mar ahaantana uu u adeegsaday joornaalkii yaraa ee haatuf mid uu iskaga nafisiyo waxa haya.

Waxaan ku leeyahay Yusuf gaboobow haday hamadaadu kuu been sheegtay taagtaada ayaa kuu run sheegi

Dhaleecaynta Wasir Cawil iyo Wasiir Sulubna waxba kaga qaadi maysid ee ka ka naxaaya waxqabadkooda iyo raganimadooda waxaan leeyahay ka ka naxoow nafta waaa!!!

Ummada Somaliland way istaqaanaa imika iskuma cusba ee hadaad rabto in waxaad wado lagula wado diyaar ayaan u ahay. Waxaan kala garan la ahay in ciil sokeeye ku hayo iyo in ciddi hoosteedaa lagaa hayo.

Haddaan sacabka xeeli ku jiran, maxaa habeenkii loo tumaa? hadaanay wax kale kugu jirin maxaa labad wasiir ee isku reerka ah aad mar walba u abbaartaa oo aad uga soo dhex xulatay 42 ka wasiir ee golaha xukuumadu ka kooban yahay.

Layligu kasha biyihiisa ku jira ayuu ka didaa, wax kugu jira ayaad garan la dahay si aad u soo bandhigto ee waxaan ku leeyahay Soo joogso hadii lagaa waayey, soo jiifso ayaa lagaa heli doonaa!

Nabadeey.

Abdi Abdalla (abukhayr)

Burco Somaliland.

Email: abukhayr@hotmail.com

Related Entries