April 8, 2008
Shirkii Kulniye oo Inoo Dhigay Riwaayaddii Cabaaye!
Number 1-ku waa ISAAQ, Number 2-gu waa ISAAQ, Number 3-gu waa ISAAQ. Nin aanu saaxiib nahay ayaa igu yidhi waar shirkii mudada badan laga foolinayey ma DHICIS buu dhalay. Markaasaan ugu jawaabay ma Kulmiye markaasuu yidhi HAA.
Inkastoo xisbigani yahay Xisbiyada kuwa ugu waaweyn wadanka cidina burburkiisa doonayn, hadana waxaad moodaa in shirkani wax weyn u dhimay taageerayaashii Kulmiye waayo qaar badan oo taageeri jiray ayaa ii sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen xisbiga, taasna ay sabab utahay qaabka loo qabtay shirka oo beelaysan.
Taas oo ka hortimi dimoqraadiyadii uu xisbigani ku faani jirya, tani waxay markhati u noqotay Cisman Hindi oo ku eedeeyey in xisbiga shirkiisa la beel qabadsiinayo,dhinaca kale gudoomiyaha oo awoodii oo dhan gacanta loo geliyey oo isagu wax walba ahaa markaa siduu u ogalaan in la isla sharaxo mar hadii u wax walba isagu ka yahay. Tani waxay keentay in si xun loo bahdilo Dr. Ahmed Xusein, taas oo la gaadhsiiyey in xitaa kaadhkii shirka lagu galayey loo diido oo mid forgery ah uu ku galo iyo markii dambe oo la yidhi Silaanyo haloo baryo in la siiyo xubin golaha dhexe ah waayo waxa markii hore laga horjoogsaday saamigii beeshiisa SACAD MUSE oo ka mid ahayd kharaaidkii ay khubarada xisbigu u dhigeen Ahmed Xuseen.
Tan anigu waxaan ku eedaynayaa Dr. Ahmed oo markii uu kaambaynkiisa bilaabayeyba aan si fiican u bilaabin laa mid beelaysan, laa mid dimoqraadiyeysan, marka wuxuu sameeyey doqonimo, nacasnimo waxaana u fiicnaan laahayd in uu karaamadiisa ilaashado waayo kaadhkiisii siyaasadedd wuu gubtay. Manta wixii ka dambeeya xataa gudoomiye xaafaded cid u dooranaysaa majirto taasna raga ka dambeeyey wuu garanayaa Samaleh iyo ina Bixi oo ah aaladihii macalinkooda.
SILAANYO iyo SARAAKIISHA
Go’aamada shirka runtii dadku may jeclaysan waayo wuxuu u dhignaa shir beeleeysen oon hadana si xaq ah loo qaybin nimanka shirka wadayna khibradweyn bay u lahaayeen shirarkan oo kale oo waa kuwii SNMta golayaasheeda wax ku qaybsan jireen. Waa maxay waxa keenay in beel keliya la siiyo saddexda ugu horeeya 1,2,3 oo beelihii hareeraha la ilaawo? Tani waxay ina tusinaysaa in shirkan groupka ugu badan ee sirta Kulmiya haya oo ah QAAXO, in aanay dan ka lahayn in sanadkan xisbiga Kulmiye laga badiyo iyo inkale laakinse ay iyaga uga muhiimsanayd in ay helaan hogaanka xisbiga ee mustaqbalka.
Taas oo loo doortay Muse, waayo Silaanyo waa markii ugu dambeeysay mar dambena ma soo noqonayo. Markaa xisbi aanay cidna wax ka weydiin ee idinka la idinka weydiiyo ayaad hesheen, markaa tartanka Muse Bixi iyo Dhegeweyne waxay ahayd riwaayad rakhiis ah oo ay dadka u dhigayeen. Weligeen maynu arag Ibrahim Dhegaweyne oo kursi hore u doonay mid degaan, barlamaan iyo madaxweyne toona, laakinse waxa weeye mufakirka weyn ee shaxda soo dhisa, anigu Ibrahm iyo Muse waxaaban leeyahay congratulation halkii aydun doonayseen waa hesheen oo ah maftaaxii Kulmiye, laakinse waxa isweydiin leh cida idiinku imanaysa, xaq waa u leedihiin oo mujaahidiin baa tihiin laakinse karisma siyaasadeed iyo mid dad la socod midna malihidin.
Maanta waxaan hubaa hadii aan nimankan cidla ka helo oon idhaahdo waar sowdinkii 10 sanadood nalahaa Silaanyo SNM daacad uma aha, waa dictator, albaabka afweyne ayuu doonayaa in uu garaaco, maxaa manta idin hooskeenay, waxay iigu jawaabi lahaayeen waar meeshaanu ku kacsanaynaa runtii tiina way heleen oo waa kaa manta Muse maftaaxii gacantiisa galay, Musow mabruuk, laakinse beelaha hareeruhu waxay Muse weydiinayaan waar Berigii dawladihii hore ayaa qabiilkan Abgaalku ciyaarta shirka ay yidhaahdeen markay marayaan odhan jireen marna Rashid marna Rizak inta kale ma rootiyaa. Taasoo ay uga jeedeen Majeerteen mooyee miyaanay cid kale jirin.
Shirkan cadho iyo cabudhaad ayaa lagu kala tegay, dadka badan kooduna waxay iska ilaalinayaan eedaha ah xisbigaa wax ka sheegteen oo sirdoonka xisbigu waa xoog, Laakinse cabudhaadaasi waxay sababi doontaa qaraxweyn oo xisbiga ka dhex dhaca mustaqbalka dhaw, hadii aanay waxyaabo badan bedelin, taso suurta galkeeduna aad u adag yahay.
Anigu xisbina ma taageero, laakinse cidii Somaliland wax u qabanaysaa waxbaan la qabanayaa.
KULMIYE OO CODKII MADEXWEYNAHA KOR UQAADAY
Markaan dad badan weraystay manta hadii doorasho la qabto madexweynuhu codweyn ayuu kaga badin lahaa Kulmiye, taas ooy sabab u tahay waxa k soo baxay shirka Kulmiye iyo guulaha dawladu ka soo hooysay gudaha iyo dibedaba.
Mohamed Omer Jama
Email: Respectedman38@hotmail.com







