April 7, 2008

Prof. Ismaaciil Muumin Oo Soo Jeediyay In la dhiso Dawlad Wadaaga, Madaxweynahana kula taliyay inuu Sharciga Ixtiraamo.

Hargeysa, (Harowo) - Professor Ismaacil Muumin Aare oo ah murashax u taagan jagada Madaxweyne-ku-xigeenka  Xisbiga KULMIYE, isla markaana ka mid ah Siyaasiyiinta Aqoon-yahanka ah ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa soo jeediyay in la dhiso  dawlad  qaran oo dhan yahay, marka la gaadho 15 May oo ku began  muddada uu madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin xilku kaga egyahay.

Isla mar ahaantaana waxa uu Prof. Aare ku tilmaamay Komishanka  dorashooyin kuwo aan xilkooda ka soo bixi Karin. Hadaladdaas Professor Ismaaciil Muumin ka dhawaajiyay ayaa waxa ay ka mid ahaayeen Waraysi uu Prof. siiyay wargeyska madaxa bannaan ee Haatuf oo ka soo baxa Magaalada Hargeysa.

Wargeyska oo caddadkiisi maanta soo baxay daabacay waraysigan Professor-ka ayaa sheegay in Ismaaciil Muumin Waraysigaa siiyay isaga oo ku sugan Caasimada dalka ee Hargeysa.

Prof. Aare ayaa Madaxweyne Rayaale  uga digay  inuu ku tallaabsado wax mudd kordhin ah, oo aanu taa ku mashquulin, waxana uu xalka ugu wanaagsan ku tilmaamay in  Xisbiyada iyo gollayaashu ka hawl galaan sidii dawllad Qaran oo loo dhan yahay loo dhisi lahaa mar arrintaa uu ka hadlayayna waxa uu yidhi "Madaxweynuhu waa inuu ixtiraamaa dimuqraaddiyadda iyo shuruucda loogu igmaday  isla markaana fuliyo  Mandate-kii uu xilku kaga ekaa oo ah 15ka May 2008  mana aha in uu madaxweynuhu  ku mashquulo qoraalo  muddada loogu kordhinayo, mana aha inuu Madaxweyne Rayaale  uu mar kasta  dalbado in xilka loo kordhiyo, waxaan soo jeedinayaa in marka la gaadho 14ka April 2008 ay xisbiyada iyo golayaashu ka hawl galaan sidii dawlad qaran loo soo dhisi lahaa, dawladdaa loo dhan yahayna ay si kumeel gaadh ah xilka u sii hayso.

Suurto galna maaha toddobadii san ee aan xilka hayay waxba maan qaban  haddana hala ii kordhiyo. Waxaan kaaga  digayaa inaanad dalka  u horseedin tii  dalka Kenya oo kale  mana aha inaad ka aamin baxdo dadka reer Somaliland  ee markii horeba  xilka kuu dhiibtay hana ku kalifin shicibku inuu sidii  Milosevic-kii Yuguslaafiya  inay gadood xilka  kaaga fara marojiyaa". Ayuu yidhi Prof. Aare.

Professor Muumin ayaa mar uu ka hadlayay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ku tilmaamay in xilka loo igmaday aanay ka soo bixi Karin, ee ay xafiiska iska fadhiyaan mushaharadana qaataan inta laga dhisayo dawlad Qaran"Komishanka doorashooyinku waxa uu u muuqdaa mid aan ka soo bixi Karin  xilka loo igmaday, balse waxaan soo jeedinayaa inta dawlad ku meel gaadh ah la dhisayo in ay is ka joogaan oo ay xafiisyada sii ilaaliyaan  mushaharkoodana iska sii qaataan." Ayuu yidhi Mr. Aare.

Hadalkan Professor Aare ayaa daba socday dhawaaqii uu habeenkii axadda ee todobaadkan jeediyay gudoomiye-ku-xigeenka guddida doorashooyinka qaran Mr. Xirsi Cali X. Xassan kaas oo walaac wayn ka muujiyay surta galnimada doorashooyin xiligoodi ku qabsooma sidoo kale waxa uu xiligaa sheegay Gudoomiye ku-xigeenka Komiishanku in dawladu fara galin ku hayso guddidooda oo ay waliba gacanta ku maroojinayso sidii ay waraaq ugu qori lahaayeen loo gudbiyo gollaha guurtida taas oo macnaheedu yahay muddo kordhin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadaba tan iyo wixii xiligaa ka danbeeyay waxaa soo baxayay dhawaaq kala duwan iyo aragtiyo laga bixiyay arrintaas.

                                              Prof. Ismaaciil Muumin Aare

Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland

Email: daralla06@yahoo.com