April 7, 2008
Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirweynihii 2aad ee Xisbiga Kulmiye Ma Dhaxalsiin Karaan Guuldaro Mar labaad Ku Dhacda Mucaaradka?
Waxan la yaabi jiray hadallo ay inta badan taageerayaasha madaxweyne Rayaale ay ku ammaani jireen sida uu u kala hor joogo ama u kala ilaalinayo beelihii taageeri jiray SNM, kuwaasoo haddii uu maalin keliya ka soo dhexbaxo aanay nabadgelyo dhexdooda ka jirayn. Waxa kale oo aan la yaabi jiray haddalo kuwaasi oo kala ah oo lagu tilmaamayo in aanay Beelahaasi aqoon u lahayn maamulka dawladnimo, iyaga oo ka doorbida ganacsiga iyo sida dhaqaalaha loo abuuro.
Wax kale oo an is odhan jiray hadallo ah beelaha dhexe ee Soomaaliland waxay yihiin kuwa aqlabiyadda ku leh gobolada woqooyi ee dalkii hore loo odhan jiray Soomaaliya, balse maanta shaki badani ayaa igaga jira inay beelaha SNM ee aqlabiyadda sheeganayaaa goyn karta aayaha Soomaaliland.
Waxayaaban aan kor ku soo xusay oo dhami, waxay maskaxdayda ku soao maaxdeen markii uu dhammaaday sghirweynihii labaad ee xisbiga ugu weyn mucaaradka Soomaaliland ee Kulmiye, shirkaas oo go’aamadii kasoo baxay ee lagu magacaabay hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye, kuwaas oo aad uga wareeriyey dadweynaha Somaliland, gaar ahaanna gobolkan Awdal iyo beelaha kale ee darifyada Somaliland, iyada oo qaar ka mid ahi aad ugu hanweynaa xisbiga Kulmiye, balse maanta dib uga joogsaday, lana yaaban maamulka xisbiga.
Dadweynaha Reer Awdal, ayaa weli sii hadal haya go’aankii lagu magacaabay hoggaanka xisbiga Kulmiye, iyaga ayaa oo ka bixinaya afkaar kala duwan iyo rajo kala duwan, afkaartaas oo la filayo inay sii socondaan ilaa inta laga gaadhayo wax soo afjara ama waddo kale oo looga leexdo waxyaalihii kasoo baxay shirweynaha xisbigaasi.
Hadal haynta go’aamadii ka soo baxay shirweynihii xisbiga Kulmiye kuma koobna waxa hoggaanka lagusoo dari waayey C/raxmaan Aw Cali, dhegoweyne iyo rag la mid ah iyo maxaa Saylici loo siiyey booska 4aad, laakiinse waxa soo ifbaxaya tuhun la xidhiidha labada nin ee xisbigaasi ka haya mansabyada ugu sarreeya, kuwaas oo dad badan oo mucaaradka taageeraa u arkaan inay yihiin wedka xisbiga Kulmiye dili kara wakhti madaxweyne Rayaale cidhiidhi ku jiro.
Siilaanyo iyo Muuse Biixi, waa rag usoo halgamay dagaalkii lagu xoreeyey dalkan, maantana way mudanyihiin in la xuso, balse dad badan ayaa dareensan in hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye gacanta u galo laba nin aanay maanta dan u ahayn aayaha xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye.
Ugu horeyn waxay dadka Reer Awdal leeyihiin haddii laga reebay hogaanka sare ee xisbiga DR. Axmed Xuseen Ciise, isla markaan la ogolaan waayey inuu tartan xalaal ahi ka dhaco xisbiga gudihiisa, taasi waxay meesha ka saartay inuu xisbiga Kulmiye aaminsan yahay hanaanka dimoqraadiga ee Somaliland ku faanto.
Muuse biixi oo dad badan oo Reer Awdal ahi u haystaan inuu yahay cadowga koowaad ee danaha gobolkan haddii aanu isku ogeyn xoog iyo awood uu maanta reer Boorama iyo maamulkooda Rayaale ku muquunin karo, muxuu u qabsaday hoggaanka sare ee xisbiga? Dad badan ayaa iyaguna shaki ka qaba Axmed siilaanyo malaha si xisbiga Kulmiye loo baabiiyo wuxu Rayaale heshiis kula galay in la magacaao hogaan kala didinaya dadka reer Soomaaliland?
Su’aalahan iyo kuwa kaleba waa kuwa ay isweeydiinayaan dadkii jeclaa inuu xisbiga Kulmiye ka guuletso xukuumadda madaxweyne Rayaale, balse maanta arintaa shaki badani kaga jiro.
Waxa laga yaabo in aragtida Reer Hargeysa ka duwantahay kuwa Reer Awdal, balse kolleyba waxa jira dareen ay ka simanyihiin beelaha Soomaaliland ee kala taageera xisbyada siyasadda ee qaranka. Beelaha reer Awdal badankoodu waxay taagero hiil iyo hooba siin jireen ilaa imikana siiyaan xisbiga talada haya ee UDUB, inkasta oo maanta taageeradaasi ay hoos usoo dhacayso. waxana ay dad badani sheegeyaan in qaabka laga dareemay xisbiga kulmioye durba kor u qaadday taageeradii xukuumadda Rayaale, isla markaana soo nooleysay rajo laga qabo in Rayaale dalkan sii xukumo ugu yaraan shanta sano ee soo socda, maadaama aanay saaxadda ka muuqan siyaasaddii iyo siyaasiyiintii beddeli lahaa hoggaanka dalka intii ka dmabysay marxuum Cigaal.
Waxa kale oo shaac baxay dad u badan dhallinyaro reer Boorama ah oo taagero u haya xoghayahii arrimaha debedda ee xisbiga Kulmiye, Dr. Axmed Xuseen Ciise, inkasta oo aan is lahaa weli Reer Boorama iyo siyaasighaasi isma yuaqaannaan. Waxanay inta badan ka xumaadeen sida Siilaanyo ugu dheggenyahay kursiga xisbiga Kulmiye, isla markaan siyaasiyiinta dhallinyarada ah uga hortaaganyahay inay qabtaan hoggaabnka xisbigaasi. Sidaa darteedna ay dareesanyihiin in wixii looga fadhiyey Kulmiye iyo waxa kasoo baxay, inkastoo la sheegeyo in aysan ahayn kama dambaystii uu yahay kaaf iyo kala dheeri, taasina ay run ka dhigayso hadallo reer Boorama weligoodba ku xaman jireen guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.
Si kastab ha ahaatee, waxa dad badani saadaalinayaan in haddii aan la beddelin jihada siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye kusii socdo ay aakhirataanka dalkan daxalsiin doonto inuu sii socdo siina daba dheeraado xukunka madaxweyne Rayaale.
Maxamed Cumar Hyena
Harowo.com, Boorama, SL
Email: moshimu@hotmail.com







