April 6, 2008
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Iyo Macdanta Iyo Biyaha oo Dalka Ku Soo Laabtay

Hargeysa, (Harowo) - Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Macdanta iyo Biyaha Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Qaasim Sheekh Yuusuf Ibraahin ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday ka dib markii ay soo dhamaysteen socdaal shaqo oo mudo sadex todobaad ah ay ugu maqnaayeen dalka Ethiopia.
Labadan masuul oo safarkooda ku sheegay mid shaqo ayaa sheegay in kulamo ay la yeesheen ururo, Hay’addo iyo masuuliyiin ka tirsan dawllada Ethiopia iyo dallal kale oo dunidda ka kala socday.
Wasiirka Arrimaha dibadda Md. C/llaahi Maxamed Ducaale oo warbaahinta dawladda ugu waramay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International ayaa sheegay in ujeedada safarkiisu ahayd sii xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal Somaliland iyo Ethiopia isaga oo xusay in mudadii uu ku sugnaa dalkaasi uu la kulmay dhigiisa Sayun Masfin, kulankaas oo sida uu sheegay wasiirku ay iskula soo qaadeen labada dhinac sii xoojinta arrimaha dublamaasiyada dibada ee Somaliland iyo sidii dhidibada loogu sii adkayn lahaa xidhiidha saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal.
Md. C/laahi Maxamed Ducaale waxa kale oo uu sheegay in intii uu joogay Magaalada Addis-ababa uu kulano la yeeshay Dublamaasiiyiin shisheeye ah oo ku sugan dalkaas iyo dad kala duwan oo madax ka ah Mac’hadyo dawliya iyo Hay’addo kala duwan kuwaas oo dhamaantood iyaga iyo Madaxda dalkaas ay isku afgarteen waxyaabihii ay ka wada hadleen dhamaana guul ay ugu soo dhamaadeen.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. C/laahi Maxamed Ducaale ayaa nasiib daro ku tilmaamay warbixintii dhawaan loo gudbiyay golaha amaanka ee Qaramada midoobay oo gabi ahaanba laga reebay Somaliland taas oo uu sheegay inay tahay wax laga yaabo, waxana wanaagsanayd buu yidhi in wixii jira ee Somaliland tahay uun ay sheegan, sidoo kale waxa uu dedaafeeyay jawaabta ergada qaramada midoobay ee Somaliland iyo Somaliya qaabilsani ay ka bixiyeen markii la waydiiyay sababta ay Somaliland ugu soo qaadi waayeen, taas oo ay ku andacoodeen in mudaharaadyo ka jireen Somaliland oo aanay iman karayn, hadalkaas oo uu C/laahi Maxamed Ducaale ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah. Laakiin waxa uu Wasiirku xusay in wakiilka Xoghayaha guud u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya uu si fiican uga jawaabay su’aalihii laga waydiiyay xaaladda dalka taas oo uu sheegay in Somaliland ka duwan tahay Somaliya inteeda kale.
Wasiirku waxa uu warkiisa ku sheegay in Madaxweyne Rayaale u diray Xoghayaha guud ee qaramada midoobay waraaq cabasho ah oo uu ku dhaliilayo warbixinta wakiilka qaramada midoobay ee Somaliland iyo Somaliya siiyay golaha amaanka, ugu danbayntii waxa uu Wasiirku ka dhawaajiyay in ay dalka ku casuumayaan Wakiilka Xoghayaha guud u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaaliya isla markaana ka dalbanayaan inuu ugu yaraan sadex cisho dalka ku sugnaado si uu uga buuxsado xaqaa’iqa dhabta ah ee Somaliland ka jira.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland Md. Qaasim Sh. Yuusuf Ibraahin ayaa isna u sheegay warbaahinta dawladu maamusho markii uu ka soo dagay Madaarka u sheegay in sababta uu dalka Ethiopia ugu kicitimay la xidhiidhay sidii iskaashi laba dhinac ah ay ula samayn lahaayeen Wasaaradda dhigooda ah ee dalkaas taas oo sida uu xusay ay wax badan oo labada dal dan u ah isla soo qaadeen, sidoo kale waxa uu tilmaamay in arrinta labaad ee ugu muhiimsanayd socdaalkiisu ay ahayd, sidii uu ugu googol xaadhi lahaa socdaal dhawaan wafdi uu hogaaminayaa ku tagi doonaan dalka Maraykanka halkaas oo ay kaga qayb galayaan shir balaadhan oo lagu gorfaynayo arrimaha shidaalka, shirkaas oo uu tilmaamay in sanadihii u danbeeyay Somaliland ka qayb gashay gaar ahaana sadex jeer oo lagu kala qabtay dallal kala duwan, waxa uu xusay in casuumada ka qayb galka shirkaas ay ka shaqaysay shirkad Iskaashi balaadhan ay leeyihiin Wasaaraddiisa.
Labadan Wasiir ee maanta dalka dib ugu soo laabtay oo mudo bil ku dhow maqnaa ayaan hore loo shaacin safarkooda iyo mudada ay maqnaanayaan midna sidoo kale waxaan iyadana la sii ogayn soo noqodkoodan, marka laga reebo Warbaahinta dawladu maamusho oo iyadu noqotay isha kaliya ee laga helo wararka masuuliyiinta dawllada iyo waxyaabaha ay qabanayaan.
Wasiiradan ayaa noqonaya kuwii ugu danbeeyay masuuliyiin tira badan oo mudooyinkan u danbeeyay safar ku tagayay dalka Ethiopia, kuwaas oo dhamaan socdaalkooda lagu sheego inuu yahay mid la xidhiidha adkaynta iyo xoojinta xidhiidhka labada dal iyo isku xidhka laamaha iyo Wasaaraddaha dhigooda ah ee dalkaas. Hasa yeeshee su’aasha in badan dadku is waydiiyaan ayaa ah, baahida keentay in maalin maalin loo Update gareeyo xidhiidhka labada dal iyo xiliga la fulinayo heshiisyada labada dal kala saxeexdaan, waydiintaas oo aan ilaa wali laga bixin jawaab lagu qanco.
Qaasim Sheekh Yuusuf Ibraahin, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha
Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Arimaha Dibedda
Faysal Maxamed Xassan
Reporter Harowo.com
Hargeysa Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com






