April 5, 2008
Faalo: Soo Noqoshada Rayaale, Sagoontinta Siilaanyo, Siibashada Faysal iyo Saadaasha Doorashada
Waxa fooda inagusoo haya doorashooyinkii labaad ee Somaliland oo sida lafilayo mar kale dhex mari doona sadexdii siyaasi ee Shan sano kahor ku kala calaf qaaday kursiga looga taliyo Jamhuuriyada Somalialnd.
Waa President Daahir Rayale Kahin oo ah Gudomiyaha Xisbiga Somaliland ugu weyn ee UDUB, Gudomiye Ahmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ah Gudomiyaha Xisbiga Mucaaridka ugu weyn ee Kulmiye iyo Gudomiye Eng Faysal Cali Waraabe oo ah Gudomiyaha Xisbiga labaad dhinaca mucaaridka ee UCID.
Bal hadaba aynu midba markiisa sooqaadano duruufaha kuxeeran, horumarka uu sameeyay ee uu markale doonayo inuu kuhoryimaado shacabka Somaliland ee ucodayn doona iyo Saadaashada doorashadaba:
President Daahir Rayale Kahin (UDUB)
Waa musharixii Xisbiga UDUB ee shan sano kahor guusha usoo hooyay xisbiga talada haye ee UDUB, kadib markii uu meel isaga tiirshay hogaamiyayaashii mucaaridka ee latartamay, inkasta oo codad wax yar uu kabadan 200 kaga helay godomiyaha xisbiga Kulmiye Ahmed Siilaanyo. Hadaba waxa lafilayaa inay mar labaad badka soo dhigaan xisbiga UDUB musharaxoodii hore, sababo loobadninay isaga oo doorashadii hore guul kasoo hooyay, haatana horumar lataaban karo kasoo hooyay qaar kamid ah balanqaadyadiisii ugu waaweynaa xiligii ololaha doorashada sida fidinta maamulka ee gobolada bariga iyo siyaasada arimaha dibada oo haatan meel fiican maraysa, kadib markii uu olole balaadhan oo ictiraaf raadin ah kuqaaday wadamada Afrika, midawga Yurub, Carabta iyo America.
Dadaaladaasi waxay Daahir Rayale usoo gacan galiyeen taageero xoog leh oo aanu hore u haysan Gobolada bariga sida Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle oo lafilayo inay doorashada soosoctaa ka qabsoonto. Waxa kale oo Daahir Rayale Codad mug leh ka heli doonaa dhamaanba dadka ku nool gobolada iyo degmooyinka Cusub ee uu dhawaan magacaabay, oo xisbiyada mucaaridka ahi kutilmaameen inuu doorashada Kugalayo, balse marka si dhab ah loo eego dheefi ugu jirto dadka deegaankaas, maamul daadejintaba iyo xisbiga talada hayba. Waxa kale oo xisbiga UDUB siwen uga faaiidaysanayaan taageerayaal badan oo xisbiga Kulmiye Kulahaa gobolada Galbeedka iyo bariga, oo aan kusoo bixin doorashadii hogaanka Kulmiye siiba Gudomiyaha iyo kuxigeenka kowaad oo lafilayo inay noqdaan musharixiinta xisbigaas.
Arimahaas iyo kuwo kale oo badan markaad iskudarto, waxay dad badani saadaalinayaa soonoqashdii Rayaale iyo Sagootinta Siilaanyo oo marka Soosocta. Saadaashaasi runnimadeeduna waa mid aynu sugi doono doorashada soo socota.
Gudomiye Ahmed Maxamed Maxamud Siilaanyo (Kulmiye)
Gudomiyaha xisbiga Kulmiye oo dhawaan dib loodoortay waa isla musharixii shan sano ka hor xisbigaas guuldarada usoo jiiday, waxayna qaar badan oo taageerayaasha xisbiga ahi aamisan yihiin in loo baahan yahay mushar cusub oo ka badin kara musharaxa xisbiga UDUB, waxaase taasi ka batay taageero badan oo Gudomiye Siilaanyo xisbiga ku dhex leeyahay oo dib candhuuftiisa ugu celisay musharixii rajaynayay inuu kula tartamo jagadaasi. Waxaana soo shaacbaxaysa taageerayaal badan oo kulmiye ahaan jiray oo aan haatan ku qancin qaabkii ay u dhacday doorashadii hogaanka Kulmiye, kadib marii musharixiintii ay taageerayeen si aan dimuquraadi ahayn dibada looga dhigay doorashadii hogaanka sare ee Kulmiye, kuwaasi oo lafilayo in aanay ucodayn doonin hogaanka cusub ee haatan xisbiga Kulmiye Loodoortay.
Waxana uu Siilaanyo xooga saarayaa inta u dhaxaysa Gobolada Hargeysa iyo Togdheer oo uu taageero fiican ku leeyahay Marka laga reebo Gobolka Saaxil, sida kamuuqata hogaankii sare ee dhawaan lagu doortay oo Gudoomiyaha iyo labadiisa kuxigeen ee ugu horeeyaaba kasoo Jeedaan, waxaanu taasi badalkeeda daaqada ka saaray (Apportunity Cost) taageerada Gobolada kale ee dalka. Waana siyaasad cusub oo aanay cadayn isku halaynta ay yeelan karto, sababtoo ah waxa jira dad badan oo kunool gobolada Hargeysa iyo Togdheer oo aan ladhacsanayn siyaasada Cusub ee Kulmiye soo wado o ah musharixiin udhalatay gobolada Hargeysa iyo Togdheer, Waxaana laga yaabaa inuu xisbigu taageerayaashaasi lumiyo. Waxayna Ddka fikradan qabaa in arkaan in ayna suurtagal ahayn in laga tago ama lalumiyo taageerada Gobolada Bariga iyo Galbeedka.
Markaad isku xooriso umuurahaasi iyo kuwo kale oo badan, waxay dad badani saadaalinayaa inay mar kale tahay sagootintii Siilaanyo iyo soonoqoshadii Rayaale, balse taasi runnimadeedu waa mid aynu arki doono dhamaadka doorashooyinka Soosocda hadii alle yidhaa.
Gudomiye Eng Faysal Cali Waraabe (UCID)
Gudomiyaha xisbiga UCID oo isagu kamid ahaa qurbajoogii wadanka Filand, waxa uu wataa fikrad kaduwan ta xisbiyada kale oo aynu soo sheegnay, faasi oo lagu sheego siyaasada cusub ee Somaliland. Waxayna siyaasada xisbiga UCID kasoo bilaabantaa qurbaha, wadanka gudihiisana xoog kumalaha, sababta oo ah xisbiga kuma jiraan siyaasiyiin ruug caan ah oo mudo ku soo jiray siyaasada Somaliland.
Waxaana lagu sheegaa in xisbiga UCID oo hantiya talada Somaliland ay wakhti qaadan doonto, maadaama ay tahay siyaasad wax badan isaga eg ta lagaga dhaqmo wadakada ay kasoo hayaameen hogaamiyaasha xisbigu.
Mar hadii Siyaasada Xisbiga UCID aanay haatan kashaqayn karin gudaha wadankana waxa loo badinayaa in uu Gudomiye Faysal mar labaad si dhibyar ulumin doono doorashada Soosocta. Sida dhawaan lagasoo xigteyna waa markii ugu dambaysay ee Gudomiye Faysal isusoo sharaxo jagada Madaxweynenimo ee Somaliland. Sidaa awgeed musdambeedka siyaasadeed ee Xisbiga UCID waxa loo sibir saarayaa mid ubaahan tadawur iyo wakhti waafi ah oo lagaga dhaadhiciyo shacabka Somaliland. Taasina waxay dad badani madasha soodhigayaan inay doorkana tahay Siibashadii Faysal ee ugu dambaysay, balse taas runnimadeedu waxay ina hor iman doontaa doorashada fooda inagusoo haysa.
Ahmed Ismail Abdi
Email: ahmedxaaji@gmail.com







