April 5, 2008
Faallo: Sadex Geesle Saambuuse oo Saxan La Saaray Soor Miyaa ..????
Koodh Weyn ooy Soo Xadeen, oo Ku Dhacda ay ka Gateen, oo Kiiskiisii Soconaayo, Ayey la kadaaliyayaane, Hanoo Keenin Waxooda!
Gudi Ceebeedka isku tilmaamay inay wakiil ka yihiin taakulaynta dadkii ku tabaaloobay roobabkii barafka watay ee dhawaanta ka da’ay meelo ka mid ah Gobolka Awdal, ayaa waxa hada si cad oo aan madmadow ku jirin u soo ifbaxay wajigoodii runta ahaa, kaas oo marwalba ku salaysnaa siyaasad iyo qabyaalad badheedh ah.
Gudidan oo laga filaayey inay xoola nool u iibiyaan dadkii ku caydhoobay duufaanadii ka dhacay Gobolka Awdal, ayaa iska daa caysaan yar oo dheg la qabto lehe, waxay soo bandhigeen 4 kartoon oo saliida ah, dhawr kiis oo sonkor ah iyo 10 kabdadood oo bariis ah, iyaga oo ku andicoonaya lacagahii laga soo ururiyey Qurba Jooga Awdal oo kor u dhaaftay $83,000 inay intaa ka badan goyn waayeen.
Horaa loo yidhi "Hal Xaaran ahi Nirig Xalaal Al Ma Dhasho". Hadii aan dib u raacno taariikhda gudidan iyo siyaabihii loo maroorsaday qaadhaanka Qurba Jooga Awdal, waxad arkaysaa tuhunkii laga qabay gudidan iyo shakhsiyaadka ka dembeeya inay maanta si aan shaki ku jirin mudh usoo yidhaahdeen.
Wax yar ka dib markii laga maqlay daafa qurbaha, gaar ahaana Waqooyiga America, qayloo dhaantii ka soo yeedhay badhasaabka Gobolka Awdal, taas oo ay hormood faafinteeda ka ahayd Shabakadda Harowo.com, ayaa waxa bilowday ururinta qaadhaan lagu taageerayo maatada ay dhibaatadu ka soo gaadhay roobabka iyo duufaankii ka dhacay gobolka, kuwaas oo mudo 48-tan saacadood ah kaga baxeen wixii maal iyo mooreba ay hanti u lahaayeen.
Ugu horeyntii ma jirin wax dareen siyaasadeed ama qabiil ah oo ka muuqday ururinta qaadhaankan, waxayna dadku lacagtooda u bixinayeen Hor Ilaahay, iyada oo ay qof walba si gaar ah u taabatay laxaadka diifta ka muuqatay yar iyo waayeelba sawirada dadka iyo xoolaba ee laga soo qaaday jiidaha ay dhibaatadani ku habsatay.
Hadaba, iyada oo ay arintu meel fiican marayso, ayaa waxa qaadhaan ururintii ka hoos kacay kooxo dano siyaasadeed oo gaar ah leh, kuwaas oo adeegsanaya dhalin yar caadifad qabiil in mudo ahba lagu guubaabinayey. Kooxahan ayaa wax hogaan u ahaa urur siyaasadeedka la magac baxay AACNA oo ay xaruntiisu tahay magaalada Mineapolis (Minnesota, USA). Ururkaas oo sida la ogyahay ku bahoobeen mucaaradka Qurba Jooga Awdal, ayaa waxay ku heeshiiyeen inay lacagatan isbaaro u dhigtaan, ka dib markii ay ku hungoobeen meelo badan oo ay duqeeyeen. Samaynta urur siyaasadeedka AACNA, ayaa waxay dhalisay kala jab, tafaraaruq iyo uur xumo ka dhex dilaacda Qurba Jooga Awdal ee Waqooyiga America, iyada oo dhinaca kalena taageerada ay ka haystaan dadweynahu ay aad u hoosayso, marka laga reebo shakhsiyaad u oleleeya mucaaradka mayalka adadg ee Reer Awdal.
Maaha markii ugu horeysay ee urur siyaadaka AACNA Isbaaro u dhigtaan qaadhaan laga soo ururiyey Qurba Jooga Awdal ee Waqooyiga Ameerica. Waxaynu ka wada dheregsannahay in mudo haatan laga joogo sanad iyo badh lacag ka badan $ 40,000 ay horey u lunsadeen, lacagtaas oo loogu talo galay in lagu qabto shirweyne lagu mideeyo waxqabadka Qurba Jooga Awdal - ilayn "Gacan Waxqaad Baratay Gumudkaa Dhaqdhaqaaqa".
Sida ay Shabakadda Harowo.com u xaqiiyeen qaar ka mid ah dadkii qaadhaanka magaalada Ottawa (Canada) wax ka ururinayey, waxa khadka Telefonka kuwada shirey Abwaan Maxamed Xuseen Hadi, oo isagu markaa ugu door roonaa waxgaradka lacagta lagu aaminay iyo xubno dhawr ah oo ka socday urur siyaasadeedka AACNA oo uu hogaaminayey ninka la yidhaahdo Cali Baxar. Shirkaas ayaa sida ilahan xoq ogaalka ahi tibaaxayaan lagu go’aamiyey sidii qarsoodi loogu dhici lahaa lacagayowga qaadhaanka ah ee dadka laga ururinayo, isla markaana loogu adeegsan lahaa olalaha siyaasadeed ee haatan ka aloosan Somaliland. Waxa intaa dheer iyada oo aan haba yaraatee waxa talo ama tusaale ahba lagala yeelan dadkii hormoodka ka ahaa ururinta qaadhaankan ee magaalooyinka Waqooyiga America.
Waxa kale oo shirkaasi lagu go’aamiyey samaynta gudi ka kooban shakhsiyaad xidhiidh dahsoon la leh mucaraaradka Awdal, kuwaas oo u hogaaminayo Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi, oo dhawaanta iska casilay hogaanka caafimaadka ee Gobolka Awdal, ka dib markii muran siyaasadeed oo mudo soo jiitamyey uu dhex maray isaga iyo xukuumadda Somaliland. Sida lagu shaacyey dhawaan war baahinta Awdal, warar laga soo xigtay Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi ayuu ku caddeeyey "inuu nidar ku galay sidii uu uga aarasan lahaa xukuumadda madaweyne Rayaale iyo madaxda kale ee Gobolka Awdal".
Hadaba, bal akhristoow waxa isweydiinle maxaa kuu caddeynaya mu’aamardaha la xidhiidha dhaca badheedhka ah ee qaadhaankan dar Ilaahay loogu ururiyey masaakiinta ku caydhooday roobabkii barafka watay ee ka da’ay Gobolka Awdal badhtamihii bisha January ee sanadkan?
1. Weerarka, aflagaadada iyo dacaayadda lagu hayo Shabakadda Saylac.com iyo qof kasta oo walaac ka muujiya dhacan badheedha ah ee lagu maroorsaday deeqihii loo ururiyey masaakiinta.
2. Is been fariinka urur siyaasadeeka AACNA, oo aan haba yaraate lug ku lahayn ururinta qaadhaankan, laakinse ka faa’iidaystay xaaladda deg dega ah ee ay ku sugnaayeen dadka dhibaataysan, maadaama aany hada jirin urur samafal oo mideeya Qurba Jooga Awdal, iyada oo dadka lacagaha ku tabarucayna u badan yihiin haween iyo dhalin yaro garab rarato ah, isla markaana khiyaamo intan leeg oo shaki gelisaa aanay hore u dhicin.
3. Gudida Boorama oo aan ilaa hada la ogayn goorta ay ku biireen Urur Siyaasadeeka AACNA.
4. Gudida Boorama ee isku magacowday inay masuul ka yihiin taakulaynta dadka tabaalaysan oo aan wax xidhiidh ah ama wada tashi ah la lahayn ururada samo falka ee gobolka, madaxda gobolka iyo hay’adaha kale ee ku hawlan taageerada loo fidinayo dadka dhibaataysan.
5. Gudida Boorama oo gaashanka ku dhufatay in dad iyaga ka madax baanaani wax ka ogaadaan siyaabaha ay u baxaday lacagihii lagu aaminay, iyaga oo markastaba markhaati u qabsanaya shirkada Dahabshiil, taas oo aan ahayn wax caqli gal ah, waayo shirkadda Dahabsiil maahaa "Independent Auditor", cid hawshaas u xilsaaratayna ma jirto.
6. Gudida Boorama oo marwalba oo ay shir jaraa’id qabtaan isku khilaafa meelaha ay dhibaatadani saamaysay, waxaana iska cad sida ay u xaqiijiyeen Shabakadda Harowo.com qaar ka mid ah warbaahinta Awdal inay kala jiitaan qadar yar ee raashinka ah ee ay soo bandhigeen.
7. Ma la rumaysan karaa lacagta kor u dhaaftay $83,000 ayaa goyn weyday wax ka badan dhawr kiish oo sonkar ah, 4 kartoon oo saliid ah iyo 2o kabdadood oo bariish ah, taasi waa mid caqliga ka fog, waxayna arimaha noocaas oo kale ah Reer Jabuuti yidhaahdaan "Mocooyo U Sheeg". Mida kale maxaaba keenay bariiskan/saliidan iyo sonkortan, miyaanay ahayn in dadkan loo iibsho Hadhuudh iyo waxyaabo la mid ah si ay wax badan oo wada gaadha ugu noqoto. Taasi waxay ku tusaysaa in waxyaabahan yar yar ee la soo bandhigay aanay u soconin dadkii ku caydhoobay roobaka, kuwaas oo sida la ogyahay u badnaa reer guuraa.
8. Meeday xoolihii lagu baaqay in loo iibinayo caydha wali xeryaha hoganaysa, iyaaba isku ogaa in lacagtan saliid iyo sonkor lagu iibsho intay doontaba ha gaadhee?
Ugu dembayntii, waxa la yaable culmidan la is hor wado ee gaashaanka laga dhiganayo minaanay ogayn in kitaabku xaaraamayey dhaca iyo boobka maatada. Xagay kaga taala kitaabka is been fariinka, qabyaalada iyo in loo adeegsado siyaasad guracan dhawrtada masaakiinta loogu deeqay. Wadaadka Yagow Yam Yamow, Yar Yarayso Yaad Marganine!
"Naa Bariiska Beelan Soo Qaad, Subaga Shagari Soo Gaad, Timirtana Daba Cad Soo Qaad…..Baaho Baahaa La Sheegaayee Boqolkii Faran Badh Soo Celi" Oday Qorqode ah
Axmed Sheekh
Harowo.com







