April 3, 2008
Kulmiye oo u Xuubsiibtay Kaladire: “Ha ka dhicin salaannada qaar lagu sigtaa jira …”
“Nin dooran maxaa doorta noo tidhaahdeen” Shirib
Layaab ma aha in aad maanta aragitid markale 75 jirka maquuste Siilaanyo oo horjooge u ah xisbiga Kulmiye. Hase yeeshee, waxaan aad ulayaabay qaab dhismeedka ee ah gudoomiye iyo afrta g/xigeen oo waxaaban is idhi maxaa toloow ka dheexeeya shantii golaha sarre ee kacaanka la oran jiray.
Waa mare shan nin bay ahaayeeen oo seddex isku beel tahay labana beelaha kale ee Soomaliyeed. Kulmiyaha, Kaladiraha noqdayna, Seddex baa isku beel ah oo ah SL, halaka labda kale yihiin beelaha daafaha ee ah Sooraca-SL.
Siilaayo waa aqoonyahay xaga qorsheeynta ku xariifa, haddaba mudo shan bilooda ah ayeey ku qaadatay inuu xubnaha xisbiga ku fayliyo oo iskudubarido, midh midhka baran kafaylka noqdana meesha uga tuuro. Waad la socotaabaan filayaa in uu ahaa arday ku wanaagsan oo A+ qaadan jiray rajiimkii Siyaad Barre, taasi waa mida keentay in 600 oo ergo ah in laga arki waayo nin keliya oo yidhaahada maya Siilaayo. Dabeedana Xaajigu wuxuu ergooyinka ku wargeliyey inaan kursigan cidnaba hunguri ka galin inta uu noonyahay waxaanu yidhi “…. Kurisigaan kaadibaan u soo cabaye la socda … yaa..” waa runtii Xaajiga, ayuu mid kamida ergooyinka uu cod dheer ku yidhi. Intaa kadib shirku wuxuu u afduubnaa koox yar oo keliya madasha ka aqriyeysay xilal qaydhiinka lagu soo qaybsaday.
Sida saxaafadu ay qortay, dabcan taageerayaasha Kulmiye oo filaayey in hogaan cusub uu xisbigu yeesho oo xaajigana si wacan loo sagootiyo ayaa markay arkeen Siilaayo oo wilwile goyna
Hoooooooooy waaay kaa oo
Hadana way kaaaaaaa Harmadee hana haaabaa
Waar kaadibaan u soo cabay kurisganyeeey
Harmadee hana haaabaa
Anigaa qorsheeyni ogaayeey
Harmadee hana haaabaa
Waar sidaan rabay ma iigu dhacday hoooy
Harmadee hana haaabaa
Waar sidu sidaa weeyee Siilaayo dhaha
Hidii …Hidiii… Hidiii
Ayeey qadhuuftooda dib u liqeen, hadda waxaa la filaaba waa fal celisaka taageerayaasha Kulmiye. Haddadiiba, saadaashu noqoto sida dad farabadani sheegayaan oo ah in Kulmiye u xuubsaday Kaladire, waxaa dhabarka ka jabay hankii dad badani qabeen ee ahaa in la helo badiil xisbul xaakinka UDUUB. Maalamaha soo socdaayina waa maalmo aad muhiim ugu ah xisbiga Kulmiye ee haduun dib u caleemo saaray maquuste Al-Xaaji Axmed M. SIILAANYO.
Waxaan ku soo gabagabeenayaa maqaalka heestaan kor ku xusay ee Axmed S. Bidee lahaa ee ay qaado Knsi X.Aadan:
“ …Halakaan cagaha saarnay
Waan intood la seegtaa
Haka dhici salaanada
Qaar lagu sigtaa jira.eeeeeeey.”
Wabilaahi towfiiq
Maxamed Axmed
Ottawa, Canada.
Email: mahmed631@hotmail.com







