March 29, 2008

Waa Maxay Sababta Dhabta ah ee Dr Ahmed Xuseen Ciise Uga maqnaaday Shirkii Kulmiye ee Shalay Furmay?

Waxa aan gabi ahaanba shalay kasoo qayb galin furitaankii shirka labaad ee Kulmiye Xoghayaha xisbigaasi, isla markaasna ah musharaxa madaxweynaha ee xisbiga kulmiye.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxa sababaha maqnaashaha Dr Ahmed Xuseen Ciise. Waxayna wararka qaarkood sheegayaan in siweyn laysugu  khilaafay gudida shirgudoonka shirka oo uu soo magacaabay gudoomiyaha xisbigu isaga oo aan wax latashi ah kala samayn musharixiinta kula tartamaysa kursiga.

Warar kale oo aan wali soo shaac bixin ayaa iyaguna sheegaya in shirka dibadiisa lagusoo dhameeyay dhamaanba qaybsiga kuraasta ugu saraysa, taasi oo siweyn uga cadhaysiisay Dr Ahmed Xuseen Ciise, isaga oo dhakhtarku saluugay qaabka wax looqaybsaday oo lagu saleeyay hab qabiil iyo intii ugu dhadhawayd gudomiyaha si meesha looga saaro taageerayaasha Dr Ahmed Xuseen Ciise.

Si kastaba ha ahaatee, waxa lafilayaa in maalmaha soo socda warar dheeri ahi kasoo bixi doonaan wararka huursan iyo weerarada hoose ee aan soo shaac bixin.

Ahmed Ismail Abdi

Email: ahmedxaaji@gmail.com