March 22, 2008
War saxaafadeed: Madaxtooyada Somaliland - 22/03/2008
Aniga oo Tix-raacaya warar uu soo qoray Wargeyska Haatuf Cadadkii tirsigiisu ahaa 1682 oo soo baxay Maalintii Jimcihii , kaasi oo xambaarsanaa Warar ku saabsan in Somaliland la keeni doono Ciidamo Qaramada Midoobay oo laga soo dejin doono waa sida uu hadalka u dhigaye Magaalada Berbera, taas oo uu ku tilmaamay in ay ku qornayd warbixintii Xoghayaha guud ee QM.
Warkaasi waxa uu yahay war been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, iyada oo mar walba wargeyska haatuf caadaystay in ay dibin daabyo iyo fawdad ku abuuraan shacbiga Somaliland dhexdiisa.
Report-kii ugu dambeeyay ee Xoghayaha QM ka soo diyaariyay Arrimaha Soomaaliya meel ay kaga qoran tahay in Ciidamo ka socda QM la keeno Somaliland ma jirto , waxase wax laga xishoodo ah wararka noocaasi oo kale ah oo aan xog iyo meel loo raaco toona lahayn in uu soo qoro , ummadana u bandhigo Wargeys ka soo baxa Somaliland oo sheeganaya inuu yahay wargeys wadaniya.
Waxa aanu Shacbiga Somaliland u sheegaynaa in aanay u dhag taagin wararka noocaas oo kale ah oo ah Beentii iyo hadradii looga bartay Wargeyska Haatuf , Wargeyskana waxaanu kula talinaynaa iyaga oo tix gelinaya Qaranimada Somaliland in ay ka digtoonaadaan Wararka dhaawacaya Qaranimada ummada reer Somaliland.
Alla Mahad leh.








