March 22, 2008
Odhaahda Akhristaha: Hashu Haday Caawa Godlan Weydo, Miyaa La Gowracaa?
Asalaamu caleykuma: Dhamaan waxaan halkan ka salaamayaa websedka harawo news oo sifiican nooga dherjiya baahida warka gobalka Awdal iyo dhamaan bulshada reer Awdal iyo akhristayaasha sharafta leh.
Hadeen ka waramo ciwaankeyga hashu hadey caawa godlan weydo miyaa la gooracaa . hadii la gooraco habeenka ey godlan weydo reerku soo bilaa caano ku dhici maayaan. Soo maaha in daajiyo oo la siiyo biyo iyo baad.
Reer awdal leeyahey ama aan talo siin lahaa dadka iga weyn iyo kuwa aan isku dada nahey. Madaxweynahey jamhuuriyada somaliland. Mudane:- DAAHIR RAYAALE KAAHIN. oo siyaasi weyn ah oo somaliland iyo gobalka awdal iyo dibadba sharaf ku leh inaan taageerno.
Wuxuu ka soo jeedaa gobalka awdal. waa adeer ayuu ii yahey.
maanta hadey wax igu dhacaan ilaahey wax iima keena isaga ayaa i caain kara o i dhaw aabaheyna saaxiib ahaayeen.
Xisbi kale ama reer beri oo aan isku luuqad iyo isku dhaqan aheyn codkaga sii oo haku maamulo hore ayaan usoo arkey maamulo. Awrka aan kala tego Awdal iima gaadhi karo bari ama gobal togdheer.
Waxaan ku waano siin lahaa reer Awdal in la taageero madaxweyne jamhuuriyada somaliland, iyada oo la tixgelinayo miizaanka uu leeyahey iyo Kartidiisa farabadan, waxan filayaa inuu waxyaabo badan inoo qaban doono.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Mahamed Aare Nuur Cismaan
Email: stillaare@hotmail.com








