March 22, 2008
Internetkii Ma Waxuu Noqday Meel Doqon Iyo Fariidba Kulmisay?
Waxan la yaabay maqaalka mawduuciisu yahay….Suldaan Saleebaan Waxan Leehay Cidda Ad Wax U Doonaysaa Ma Beeshaada Mise Dadyaw Kale Oo Wax Ka Maqanyihiin ? Ee uu qoray ninka magaciisa ku sheegay Nabaddoon C/aahi Diriye Samatar. Tifaf tirayaasha amma maamulayaasha shabakaduhuse miyeyna dibba u akhriyin qoraallada ay caalamka u soo bandhigayaan.
Siday doontaba ha u dhacee, ilama aha in maqaalka uu shakhsigaasi qoray ka turyumaya siyaasadda iyo dhaqanka shacabka ku nool gobolka Awdal, waxanan u arkaa in uu yahay dacaayad raqiis ah oo lagu kala jabinayo shacabka reer Awdal amma lagu khaldayo. Sida aan fahamsanahayna waxa ololahaasi u tafa xaytay ee wadaa waa dadka u janjeedha xukuummadda, ee ujeeddada gaar leh. Mana aha markii ugu horreysey ee aan maqaal noocan oo kale ka akhristo shabakadaha reer Awdal ay leeyihiin iyo kuwa kaleba.
Haddaba, akhristow ma kula tahay in maqaalkani yahay, mid uu qoray waddani reer Awdal ah oo la socda duruufaha iyo siyaasadaha ka jira dalka? Waxa aan shaki ku jirin in ay jawaaabtu noqonayso MAYA. Qoraha maqaalkani iyo kuwa kale ee la nooca ahi, waxa ay sawir khaldan ka bixinayaan xaqiiqada ka jirta Awdal. Waxana ay mar walba u adeegayaan cadowga iyo kuwa ka danaysanaya mujtamaca Awdal. Dhallin yarada iyo dadka kale ee Internetka amma saxaafadda xiiseeyana waxan uga digayaa in aanay run moodin sheeka xariirta noocan oo kale ah, ee lagu adeeganayo qabiilka iyo waxa la midka ah.
Iyada oo aanan maanta cidna looga sheekaynayn, arrimaha isku laaqan ee ka jira guud ahaanba waddanka la baxay Somaliland, ayaan misana fahamsanahay in aan lala yaabin oday dhaqameed ay shaqadiisu tahay qabiil oo ka dhawaajiyo magac qabiil amma damac qabiil. Waxana ila fiican in aan dhinaca xun wax laga eegin, ee bal dhinaca wanaagsanna loo rogo. Haddii gaf laga tabanayana uu dhiggiisu gogol u dhigto. Laakiinse aanay habboonayn in saxaafadda lagu aflagaadeeyo.
Ta kale, reer Awdal ahaan yaanaynu innagu isku soo meeraysannin, ee aan kala foofno, oo aan dada sad-bursanaya aan wax la qaybsanno, oo aan si siman wax u wada qaybsanno. Laakiin MAKAAHIIL amma HABAR-CAFAAN ayaa wax badan qaatay iyo MAXAD CASE ayaa wax badan qaatay yaanaynu ku daalin. Hana laga koro arrimo badan oo dib u dhac innoo leh. Arrimaha isbeddel doonka ah ee ay wararka badani ku hoos jiraanna hallala socdo. Oo mawqifka innagaga beegan ha laga fikiro.
Ahmed Wali Goth
Email: shueebi@hotmail.com







