March 22, 2008
Gadhwadeenimadii xisbiga ee Axmed Siilaanyo iyo higsigiisii hogaaminta dalka oo u labaduba eeg in ay ku gabagaboobeen geddii Juxihii laanta isku gooyey.
Jaho wareerka iyo baxaadaga siyaasadeed oo ku ladhan xisbiga Kulmiye waxay la soo unkantay talomurug sanaantii majarihiicawajka ahaa ee lagu balaysimay aasaasidii xisbiga, taasi oo ahayd mid cid kaliye u qoondeysay kolba sida isiga raaligalinaysay. Waxaana inta badan u sabab ah arimahan.
Duminta qawaaniintii xisbiga laga soo bilaabo tartankii Medextooyada, kadib doorashadaasi xisbiga lagaga adkaaday waxa la filayey in xisbigu samaysato golle dawlad u yaala oo ku kala aadan wasaaradaha dalka si medexda xisbigu u kala yeeshaan xilal mucayin ah, xisbiguna u noqday mid meel marin kara waajibaadka saaran xisbi mucaarid ah oo rasmi ah. Haseyeeshee taa waxa diiday hogaamiyaha xisbiga isaga oo uga jeeday in ay waxwalba gacantiisa ku urursanaadaan xisbigana u maamulo siddii walax qof leeyahay, waxaanay ahayd halkii ay ka bilaabantay buburinta sharciga iyo distoorka xisbigu.
Waqtigii ay soo dhawaatay shirweynihii labaad ee xisbigu oo ku beegnayd badhtamihii sanadkii aynu soo dhaafnay waxa guud ahaanba la duuduubay distoorkii xisbiga waxaana la deedafeeyey haldoorkii iyo indheergaratadii xisbiga iyada oo qabashada shir xisbi iyo tartan furan laga doorbiday shir beeleed mutaxan. Taasi oo ay ka biyodiideen dad badan oo ahaa horyaalkii xisbiga sida odayaasha Cabdi Haybe, Fagadhe iyo sidoo kale Cismaan Claahi Cigaal- Cismanhindi oo ahaa dadka xisbiga miisaanka weyn ku leh marka ay noqoto xagga dad kasbashda iyo culayska siyaasiga ah( the most influential and campaigning champion with in the Kulmiye political machine). Dhamaantoodna waxa u cuntamiweyday in ka qaybqaadashada shirbeelkan lagu maxlalayo shirkii xisbiga in ay isku qaawiyaan.
Balanqaad iyo balanfur isku muuqda oo kolba qof ama qabiilo lagu baayaco maskabyada xisbiga qaarkood in durbadiiba lagu balanfuro iyada oo isla maskabkii qof iyo qolo kale lagu sawirayo. Farsamooyinka iyo xeeladahan wuxuu hogaamiyuhu uga jeeday waxay ahaayeen colaad abuur shakhsi ah iyo mid beelo ah labadaba si aanay marna indhaha dadku isaga u qaban dadka xisbiga ku jirana loogu mashquuliyo dhaaminta foosto daba la’. Tanina waxay xisbiga gudihhisa ka abuurtay kala shiki aan qiyaas lahayn iyo in xisbigu lumiyo taageero laxaadle dadkii hore u taageerijirayna u wareegaan xisbiyada kale.
Heshiisyo la galida dad fara ku tirisa oo la yidhaahdo waxay matalayaan beel hablaayo, taasi oo uu ugu jeedo hogaamiyuhu in ku xakamayeeyo maskabdoonka ka soo jeeda beeshaasi ee isagu doonaya in uu sifo xisbinimo oo dimuqraadi ah wax ku doonto ama isku sharaxo. Kuwaasi oo ay ka horyimaadeen heshiisyada isdabraya ee uu hogaamiyaha xisbigu la galay beelahooda. Waxaana tusaale inoogu filan Dr Ahmed Xuseen Ciise, C/raxmaan Aw Cali Faarax iyo Dr Cabdi Aw Dahir.
Waxaana la qorsheeyey in ay beelahaasi ka yimaadaan shirweynaha la hadal hayo Odaydhaqameedyo iyo dad aan aqoon u lahay xeesha iyo istabcaynta siyaasiga ah.Talaabada noocan ahi waxay keentay in dad badan oo u ah indheergaratadii xisbigu dib isku weydiiyaan ka tirsanaanshahooda xisbiga iyo siyaasadahan qalaamo rogadka ah ee hogaamiyuhu ku dhaqaaqay.
Isku muujinta hogaamiyaha in uu huwan yahay magac beeleed. Hogaamiyuha xisbiga Kulmiye sida ka muuqata afcaashiisa wuxuu muujiyey in uu hogaamiye u yahay beel ka mid ah beelaha Somaliland isga oo jeclaystay in xisbinimada beelnimadu ka muhiimsan tahay uguna faana taasi dadka kale ee xisbiga gudihiisa kula tartamaya. Haseyeeshee dadka u daacada ah xisbinimada iyo tartartanada dimuqraadiga ah waxay markhaati ka noqdeen hogaamiyahoodii oo aaminiwaayey xisbinimo halka uu daacad kal iyo laab ah uga noqday beelnimada rerrnimada laga guurey, taasi oo guud ahaan ku noqotay xisbiga Kulmiye dhabarjab iyo dib u dhac soo dhaqsaday.
Waxa iyaduna xusid mudan siddii uu hogaamiayaha xisbigu ula dhaqmay dadweynihii u soo dibadbaxay taageerada Ictiraafka waqtigii waftigii Madexweynuhu ku sugnaa wadanka Mareykanka isga oo ka dalbaday in dadku daadiyaan calamada wadamada Mareykanka iyo United Kingdom ee ay lulayaan. Hadalkaasi oo dad badan ku noqday niyad jabin aadna la isku weydiiyey ujeedada uu ka lahaa. Sidoo kale waqtigii ay booqashada dalka ku timid wasiirka Mareykan u qaabalsan amuuraha Afrika Mrs Jendayi Frazer kulankii ay Seddexda xisbi la qaateen waftigaasi iyo gaar ahaan hadalkii uu ku yidhi Axmed Siilaanyo wuxuu mid aan laga filayn oo macnihiisu ahaa Somaliland waqtigan Ictiraaf dan uma aha inta xukuumada haatan jirtaa talada hayso. Waxaanay taasi noqotay mid dad badani la yaabaan shaki badana ka galisay siyaasadaha xisbiga Kulmiye ee ku aadan qadiyada Somaliland ee ka midho dhalinta Ictiraaf buuxa oo wadanku hello. Arintaana waxa xisbiga kaga ka fogaaday shacbiweyne badan iyo sidoo kale dad hore u taageeri jirey xisbiga Kulmiye.
Maalmahan ugu danbeysay waxay dadku si aad ah uga sheekaynayeen aadna u faalaynayeen seddex arimood xisbiga Kulmiye ku talaabsaday dhawanahan waxaanay kala ahaayeen;
Waa ta horee kulan xisbiga Kulmiye qabtay taageerayaal iyo dad horaba taageeri jirey Kulmiye oo la yaqaanay iyo waliba dad ka tirsan golayaasha kala duwan ee xisbiga, kuwaasi imika dadka iyo saxaafada loogu sheegay in yihiin beel guureysa oo xisbiga soo gashay. Waxaanay dadku aad ula yaabeen been abuurka iyo naaneysta beelaha la marmarinayo iyo waliba dhiirigalinta qabyaaladeed hore loogu yaqaanay imikana dharaarta u caddaatay.
Kulankaasi hadaladii kasoo baxay afka Gudoomiyaha Kulmiye waxay ahaayeen qaar aad looga xumaaday, waxaana ka mid ahaa hadadiisa wadanka waxa ka soo buuxsamay oo qabsanaya faqash isku habar wacantay iyo Hangash cumaamadan oo ah kuwii ayni hore wadanka uga xoreynay, hadaladaasi oo dadku u macnaysteen in uu ula jeedo Odayaal iyo waxgarad ka socday gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle oo maalmahan ku sugnaa caasimada Hargeysa. Sida la ogyahayna medexda xisbiga Kulmiye wali wax booqasho oo rasmi ah kumay tagin Buuhoodle iyo Laascaanood midna, iyadoo ay hore u jireen warar sheegaya in xisbiga Kulmiye ka soo horjeedo taakulaynta iyo maamul fidinta gobolada Bariga dalka.Hadaladaa aflagaadadaa hogaamiyaha Kulmiye u gaystay Odayaasha iyo waxgaradkaasi waxay noqdeen qaar aan laga filayn qof aynigaas ah oo waliba wadanka ka raba madexnimo.
Sidoo kale waxa soo baxaya warar sheegaya in xisbiga Kulmiye ka muujay mawqif diidmo ah arinta soo jeedinta Madexweynaha ee ku saabsan deegaanka Gabiley la siiyo gobolnimo si taasi suuragal u noqotana la dedejiyo dhameystirka sharciga gaarka ah ee loogu talagaley magaalo madexda, kaasi horyaala gollaha Wakiilada. Waxaana wararku sheegayaan in meddexda xisbiga Kulmiye u gudbiyeen talooyin la xidhiidha ishortaagista arintaasi gobolnimda Gabiley xildhibaanada xisbiga Kulmiye ee ku jira Golaha Wakiilada oo ugu horeeyo Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Cabdicasiis Samaale. Iyda oo waxa kaliya ee ku sababeeyeen tahay in arintaasi xukuumadu magac iyo taageero ka heleyso. Mawqifkaa diidmada ah ee Kulmiye waxay noqdeen qaar aad cadhaysiiyey dadka ku nool caasimada Hargeysa iyo kuwa reer Gabiley labadaba.
Mar la eego arimahaasi oo dhan waxaad moodaa in taageerda xisbiga Kulmiye dadka dhexdiisu tahay mid sii gabaabsiyeysa, sidoo kalana rajadii siyaasadeed ee Axmed Siilaanyo ee hogaaminta xisbiga Kulmiye iyo higsigiisii ahaa in uu mar noqday hogaamiyaha dalka ay noqdeen qaar ay hirrar madoobi ku gadaaman yihiin. Waxaanay dadku aaminsan yihiin in gooldarooyinkaa la soo gudboonaaday Axmed Siilaanyo ay yihiin qaar isagu gacantiisii ku samaystay marka laga eego fikir iyo afcaasha siyaasadeed ee uu ku mashquulsan yahay kuwaasi oo ah wax aan wakhtigan la joogo shaqeyn karaynin.
Maxamed Axmed Cusman
Freelance Jounalist
Hargeysa, Somaliland
Email: hubsiino@googlemail.com







