March 18, 2008

Tahriibayaasha Laga Soo Qabtay Xeebaha Saylac iyo Lughaya oo Hada Sii Kordhaya

Boorama, (Harowo) - Tahriibayaashii ugu badnaa ee ka imanaya dhanka koonfurta Soomaaliya, ee u socda dhanka Yaman, Djibouti iyo Eriteriya ayaa indhawaalo ahba ku soo badanaya xeebaha G/Awdal gaar ahaan degmooyinka Saylac iyo Lughaya.

12 bishan march ayaa laga soo qabtay meel u dhaw xeebta saylac 28 qof oo laash ay la socdeen halkaas kula cadilmay, dadkaas ayaa sida ay sheegeen ka soo kicitimay meel dhanka Bari ka xigta 30km dekeda Berbera, dhamaan dadkaas la soo qabtay ayaa loo taxaabay Jeelka magaalada Boorama markii ay soo gaadheen saldhiga dhexe ee magaalada.

Taliyaha Qaybta Booliska ee G/Awdal Cismaan Warsame Xijaab oo aan khadka telefoonka wax kaga weydiinay qodobka loo cuskaday dadkaas ee lagu xidhay ayaa u sheegay Harowo.com in ay ku xidheen go’aan gudi nabadgelyo, wuxuuna intaas ku daray in ilaa lagu celinayo meelihii ay ka yimaadeen lagu hayn doono halkaas, dadkaas ayaa kala ah 10 dumar ah iyo 18 rag ah sida uu xaqiijiyay taliyuhu, waxayna dhamaantood ka yimaadeen gobolada koonfurta Soomaaliya siiba Muqdisho.

Dhanka kale waxaa caawa fiidkii la keenay magaalada Boorama 46 tahriibayaal ah iyo 3 qof oo ah kuwii gadhwadeenka ka ahaa ee tahriibinayay, sida ilo xogogaal ah ay u sheegeen Harowo.com waxa tahriibayaasha la geeyay Saldhigyada Booliska ee magaalada, waxaanay iskugu jiraan 16 dumar ah iyo 30 rag ah, waana kooxdii ugu badnayd ee laga soo qabto degmada lughaya ee G/Awdal. dadkan ayaa u socda dhanka wadamada Djibouti, Eriteriya iyo Yamen.

Hawsha tahriibinta dadka ka imanaya dhanka koonfurta Soomaaliya iyo ethoipia ayaa noqotay, mid ay dadka qaarkii ka dhigtaan shaqo, si ay uga helaan lacag isla markaana ay dadkaas tusaan jidka iyo meelaha loo maro wadamada ay ku socdaan, kuwa laga dhoofiyo xeebaha ayaa loo kireeyaa Laashash iyo doonyo inta badan kula cadilma bada gudaheeda.

Hashim Goth

Harowo.com, Boorama, SL

Email: hashimgoth@hotmail.com