March 17, 2008
Maxaa Keena Inuu Qofku Xumaan u Badhedho
Dadka had iyo goor siyaasada somaliland indha indheyaa waxay yidhaahdaan,dadkeennu waxay had iyo jeer xagga taageerada iyo mucaaridka ku dhaqmaan labo erey oo keliya , waana”Hebel baan raacsanahay” iyo ”Hebel baan ka soo horjeedaa”.
Qofka ama kooxda la raacsan yahay haddii ay khalad galaan iyo haddii ay wax fiican sameeyaan labadaba taageerayaashu wanaag bay u haystaan, oo waa in ay iska ammaanaan oo difaacaan, Qofka laga soo horjeedo waxaa loo arkaa in aanu haba yaraato ee wanaag samayn karin, oo tallaabo kasta oo uu qaadaa waa xumaan, waana in mar kasta la caayo. Isla markaana dadka isaga taageersani waa cadow, waayo waxay raacsan yihiin qof ama koox aan marna wanaag laga sugayn oo 100% xun.
Haddii qof laga soo horjeedo aad wax wanaagsan oo uu qabtay ku ammaantid waxaad noqonaysaa qof xubin weyn ka ah dadka raacsan, sidoo kale haddii aad dhaalliil uu leeyahay sheegtid waxaad xubin ka tahay mucaaridkiisa. Waxaa laga yaabaa in ayba bulshadeennu qofkii sidaas wax u kala saari kara ay magac kale ugu yeedhaan laakiin hadana waxaa wanaagsan in qofku uu noqdo mid aan xaqiiqda ka fogaan.maxaa yeelay hadii hadalka lala kala gabado waxa imanaysa in dadku ay runta isku sheegi kari waayaan oo ay xantu badato sida imikaba ka jirta meelo badan oo dalkeena ah,laakiin hadii hadalka siduu yahay lam iskugu dhiibo waxaa meesha ka baxaysa xantii.
Inay jawaabaha dadku inta badan ka bixiyaan su,aalaha la waydiiyo yihiin kuwo dagdag ah waxaa keenay baan anigu odhankaraa, in markii ay korayeen canaanta lagu badin jirey, dabadeedna ay dagaallo ba’an muddo ku soo jireen.maandooriyaha iyo soojeedka badan laftiisuna waxay keenaan in uu qofku wax kasta dhibsado, oo uu dhaqso dadka u canaanto, oo la isxagxagto,halkaasna ay ku lunto kala danbayn ama ixtiraam badan oo ka dhexaynjiray dad si weyn isku qadarin jiray.
Dadka laguma kala saaro waxa qalbigooda ku jira ama ay sheeganayaan ee dhaqdhaqaaq ay muujiyeen, karti, cod, iyo ficil baa la isku dhaafaa, waxaana qofka lagu qiimeeyaa in uu nolosha wax muuqda ku soo kordhiyey.ama uu yahay shaqsi la fahmi karo oo doonaya in horumar la sameeya ama daacadnimadiisu ka muuqato, Qofka aan waxba qaban waxaa dhaama mid wax uu isku deyey ku fashilmay, waayo dadaal buu sameeyey, dadaalkuna wuxuu ku danbeeyaa guul ama guuldarro.laakiin hadii dadaal rag sameeyeen aad noqotid mid isagu in lagu amaano raba ama arin aanu mutaysan in uu darajo ku helo dee waa wax aan macquul ahayn, dadlkuna inta badan ma qaadan karaa arimahaas oo kale.
Noloshu waa dhaqdhaqaaq ee munaafaqnimo iyo waxmatarenimo maaha, isla markaana bulshadii aan dadka wax qabta iyo kuwa iska faana kala aqooni way duntaa mana soo toosto, waana dhibaatada maanta ka taagan meelo badan oo dalkeena ah.waana mid loo baahanyahay in dadku kala fahmaan kii wax qabtay iyo kii iska faanaya. Haddii “waxqabad” la fahmo nolosha waa la fahmey, laakiin hadii dadku kii wax wanaagsan u sheegaya iyo ka munaafaqa ah ee iska hadlaya doonayana in dadku iska daba galaan ay kala garan waayaan meel lama gaadhayo.
Dad badan baa waxay is waydiiyaan dawlada imika tallada dalkeena haysaa maxay qabatay, anuu waxaan qabaa wax kasta oo maanta somaliland ka jira in ay dawladu qabatay, markaad sawirato maanta wanaaga faraha badan ee adduunku ku amaanayo somaliland dee waxa sabab u ah xukuumada wadanka ka talisa oo iyagaa inta ilaahay ka sokaysa qabtay,way jirtaa dadaal badan oo shacbbigu la yimid ilaa imika way dadaalayan laakii dee dawlada wadanka cid caawisayna ma jirto hadana maanta waxay suura galiyeen in dadku wax qabsadaan oo ay sugaan amaanka iyo waliba noloshii bini aadmiga ahayd ee dabiiciga ahayd,taasna amaan bay ku leeyhiin waxaanan hubaa hadii ay helilahaayen "International Relations", intaa iyo in ka sii badan bay qaban lahaayeen.
Darajada ugu liidata ee uu qofku gaadhaa waa in uu u maleeyo in uu xaq ku taagan yahay, oo aanay wax aragti ahi ka maqnayn, isla markaana u haysta in isaga iyo kooxda yar ee daba ordaysa ama u sacaba tumaysaa ay yihiin meel ama ceel aan gudhayn oo ay dadku aad ugu haraadanyihiin,taasna waxaa ka wanaagsan in qofka sidaa aaminsani uu ogaado in dadka ay ku jiraan ama ka buuxaan shaqsiyaad badan oo ka fikrad wanaagsan ama ka talo wanaagsan.Dadka qof kastaa wuxuu u fikarayaa si ka duwan sida uu midka kale u fikirayo, taasna nolosha ayaa ku dhisan oo waa wax macno weyn leh. Sidaa la’aanteedna lama noolaan kareen, oo bulsho may dhisanteen.waayo in fikirka lagu kala duwanaado waa wax iska caadi ah oo lagu garto bulshooyinka doonaya in ay nolosha horumar ka gaadhaan.
Hadaba, guntii iyo gabgabdii waxaan leeyahay,qof kastaa wuxuu u baahan yahay nabad ee colaad, xin,isdabagal,iskuxumayn,iyo xafiiltan uma baahna. Qof kastaa wuxuu u baahan yahay in aragtidiisa la dhegaysto oo si anshax ah loola doodo. Qof kastaa wuxuu u baahan yahay in aan la xaman oo aan lagu xadgudbin. Qof kastaa wuxuu u baahan yahay in aan bulshada laga xigsan ee uu ra’yigiisa soo gudbiyo, oo intii rabtaa ay ku raacaan inta kalena ay si fiican ula doodaan ama ka aamusaan. Qof kastaa wuxuu u baahan yahay in aan mabda’iisa iyo dhaqankiisa lagu caayin, laguna dilin ee laga dhegayso oo laga qaato ama aan laga qaadan. Qof kastaa wuxuu u baahan yahay in ay wax u kordhaan oo uu jahliga iyo maskaxda liidata ka horumaro,hana la iska daayo xiqdiga iyo buqdiga iyo waliba wax kasta oo dadka kala dilaya qofka caadiga ahna waxaa la gudboon intuu ka fikirayo sidii uu dadka u kala fogayn lahaa inuu ka fikiro sidii uu iskugu soo dhawaynlahaa.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Cabdi Samaale
Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Udub
Ee Magaalada Bristol
Email: abdirahm@aol.com







