March 13, 2008
“Arinta Somaliland Aad Baa Loo Danaynayaa Halkii Hore Way Ka Soo Dhaqaaqday…..” Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cirro
Hargeysa, (Harowo) - Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Maxamed (Cirro) ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday ka dib markii mudo ah uu safar ugu maqnaa dalal ka tirsan Qaarada Yurub iyo dalka Maraykanka.
Gudoomiyaha oo markii uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ay si diiran halkaa ugu soo dhaweeyeen labadiisa kuxigeen Md. C/casiis Maxmed Samaale iyo Md. Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaano iyo dadweyne aad u tira badan oo dhamaantood u diyaar ahaa soo dhawayntiisa.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo intii uu ku sugnaa qolka nasashada (VIP)-da ee Madaarka Saxaafadu wax ka waydiisay guud ahaan safarkiisaa, gaar ahaana dalalkii uu booqday, cidii u la kulmay, wixii ay isla soo qaadeen iyo waxa uu socdaalkiisu kaga duwan yahay kuwii u hore dibada ugu tagi jiray, kuwaas oo u dhacay sidan.
“Maadama Goluhu fasax ku jiray caadiya fasax baan galay markaa sidaasaan ku baxay intii aan fasax ku jirayna waxaan yeeshay balamo kale waxaan soo maray dalal dhowr Norway, Sweden, Finland, England, Holland iyo Maraykanka ah guud ahaan wadamada waxaan la kulmay masuuliyiin ka tirsan dalka Holland na waxaan la kulmay barlamaanka iyo Hay’adda Caawisa.” Sidaa waxa yidhi C/raxmaan C/laahi (Cirro) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay ujeedada safarkiisan uu ka soo guryo noqday.
Gudoomiyaha mar uu ka hadlayay socdaalkiisi Maraykanka iyo masuuliyiintii uu la kulmay ayuu yidhi “Intii aan Maraykan joogay waxaa iisuurta gashay in aan la kulmo Kaaliyaha Xog-hayaha guud ee Arimaha dibada Maraykanka u qaabilsan arimaha Africa, Wasaaradda gaashandhiga iyo US/Aidka iyo Mac-hadka caawiya Xisbiyaa qaranka kana qayb qaata doorashooyinka, guud ahaan masuuliyiintaa aan la kulmay waxaan kala hadlayay qadiyada Somaliland haday tahay xaga qadiyada Somaliland iyo kaalmooyinka waxa kale oo aan la kulmay jaaliyadaha reer Somaliland ee meelaha aan soo maray oo aan uga waramay xaalada wadanka.” Md. C/raxmaan Cirro
S. Gudoomiye waxa beryahan danbe soo baxaya calaamado muujinaya in dad fara badan oo ka gaban jiray Somaliland iyo aqoonsigeeda ama soo hadal qaadkeeda in baryahan danbe lagu dhiiran yahay dadkaa aad la kulantay maxaa kaaga muuqday arimahana mays la soo qaadeen?
J. Guud ahaan arimaha Somaliland aad iyo aad baa loo danaynayaa gaar ahaan doorashooyinka soo socda oo mujtamaca caalamku aad u eegayo waayo? Doorashooyinkeeni hore waxay u qabsoomeen si nabad ah, waxa dalalka hareeraheena ka dhacayana waad arkaysaa, markaa waxay jecel yihiin in sidii hore nabad ay inoogu dhacaan, waxaana filayaa in natiijooyinka doorashooyinkaasi ay dad badani danaynayaan. Laakiin guud ahaan waxaad moodaa in arinta Somaliland halkii hore ka soo dhaqaaqday oo danaysiga la danaynayo intii hore ka badan tahay.
Mudane Cirro oo la waydiiyay dhinacyada badan ee uu socdaalkiisa kula kulamay, dal iyo dad baahi badani u taalana uu ka tagay natiijada uuga soo baxday iyo waxa uu is leeyahay way ugu xoog badnaayeen? Ayuu ku jawaabay “Natiitada iiga soo baxday kolayba xaga kaalmooyinka iyo abaaraha jira aad baan ugala hadalnay, markaa qoladan US/Aid kuna waxay noo sheegeen in wafti uu dhawaan tagi doono Somaliland, malaha wuu yimid guud ahaana waxaan kala hadlay in kaalmada iyo abaaraha laga caawiyo Somaliland wixii xog waran ah waanu siinay ee ay naga waydiiyeen.” Md. Cirro Gudoomiyaha Wakiilad.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/raxmaan Cirro oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay In Golihiisa wax badani ka dhiman yahay sida Dhisme loo dhiso iyo tababaro aqoontooda kor loogu qaado madaama oo dadku ku xantaan in Golihii hore dhaamay, sidaa daraadeed kulamadii u la yeeshay dawladaha iyo Baarlamaanada in balan qaad dhinaca horumarinta ahi ku jiro? Wuxuu yidhi “Waxaan rajaynaynaa in dhisme cusub loo dhiso baarlamaanka waxa kale oo aan rajaynayaa tababarku in sidii hore ka bato oo xoog waynaado laakiin waxaan u malaynayaa dhaqankeena ayay ka mid tahay in qofku marka uu dhinto uun baa la amaana anagana marka aan ka tango ayaa la na amaani doona.” Ayuu yidhi Gudoomiyuhu.
Mar la waydiiyey Gudoomiyaha waxa uu safarkiisani kaga duwan yahay tiraba ilaa lixdii safar ee uu hore ugu baxay? Ayuu Gudoomiyuhu kaga jawaabay “Anigu kolay maan tirin lix iyo shan waxay yihiin, laakiin Waxay ila tahay arinta Somaliland waa qabyo markaa qabyadii uun baan halkii ka sii wadnay, waxayna safaradaasi la mid noqon doonaan kuwii ka horeeyay.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu.
.jpg)
Faysal Mohamed Xassan
Reporter, Harowo.Com
Hargeisa, Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com






