February 20, 2008

Faalo: Maxaa Laga Ogyahay Muhmalka iyo Tuhunka ka Dhashay Deeqaha Laga Soo Ururiyey Qubajooga Reer Awdal ee Woqooyiga America?

Boorama, (Harowo) - Waxa beryahan dambe magaalada Boorama ku wareegaya warar shegeya in  la garan laayahay meesha ay martay lacag deeq ahayd oo ay iskasoo ururiyen jaaliyadaha reer Awdal ee ku nool Woqooyiga Ameerika.

Lacagtaasi oo lagu qaddaray inay dhan tahay US $20,000- ilaa $25,000, ayaa sida la sheegay loogu talo galay dadkii reer Awdal ee ay dhibaatooyinku ka soo gaadheen roobabki barafka watay eegalaaftay nolosha kumanyaal neef oo xoola ah iyo boqollaal qoys oo ku nool degaanada roobabkaasi ka da’een bilowgii sannadkan.

Sida wararku sheegeyaan lacagtan, ayaa loo soo diray shakhsiyaad ka mid ah guddi la yidhi waxa laga soo magacaabay qurbaha, iyada oo aanay wax war ka hayn qaybo badan oo ka tirsana dadweynaha gobolka Awdal. Gudigan oo sida la sheegay isugu jirta qar ka tirsan culimada diinta iyo waxgarad kaleba, balse aanan shaaca laga qaadin cidda ay matalaan iyo qaabka loo soo magacaabayba, ayaa waxa dad badani isweydiinayaan inay hawsha baaxaddan le ka soo bixi karaan.

Shir Jaraa’id oo aanan saxaafadda gobolka la wada ogaysiin oo ay xubno ka mid ah gudidani dhawaan ku qabteen magaalada Boorama, ayaa waxay xubanaha gudidu tibaaxeen inay ka mid yihiin ururka Aacna, iyaguna ay soo magacaabeen, taas oo yaab ku noqotay ururada samafalka ee ka jira gobolka, maadaama aany ururkan hore u maqal. Dhinaca kale qaar ka mid maamulka ururada samafalka ee gobalka, ayaa walaac ka muujijiyey sifaha loo soo magacaabay gudidan, iyada oo sida la ogyahay aanay khibrad u lahayn hawlaha la xidhiidha taakulaynta dadka dhibaataysan. 

Haddaba, iyadoo wakhti dheeri ka soo wareegay wakhtigii lacagtaasi  gargaarka ahayd gaadhi lahayd dhulkii loogu taalogalay, ayaan ilaa imika la ogeyn qorshana ay gudigani ugu tallo gashay ama qaabka ay deeqahan ugu qaybin lahayd dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay roobabka. 

Wararka la xidhiidha lacagtaasi gargaarka ahayd oo aan isku dayey inaan wax ka weydiiyo xubnaha gudidan ee lacagta magacooda lagu soo qorey, ayaa ii suurto geliweyday, balse xubno ka tirsan maamulka dawladda ee gobolka iyo qaar ka mid ah dadka magaalada Boorama, ayaa ii sheegay in lacagtaas ay isu keeneen urur la yidhaa ACNA, oo fadhigiisunayahay dalka maraykanka, halka dad kelina ii sheegeen in lacagahaas laga soo ururiyey qurbajooga Reer Awdal ee Woqooyiga America laakiise urur ama hay’ad gacan ku lahayd aanay jirin.

Mar aan waxa ka weydiiyey maamulka gobolka Awdal, gaar ahaanna badhsaabka, Maxamuud sheekh Cabdilaahi Cige, ayaa waxuu ii xaqiijiyey in lacagtaasi lasoo dhigay xawaaladda Dahabshiil, balse aanu ogeyn cidda la gusoo qoray iyo cidda ay u socotay midna.

Dhinaca kale, mar aan badhasaabka weydiiyey inay gobolka ka jiro guddi taakuleyn ah oo u xilsaran gaadhsiinta  gargaarka dadka ku waxyeeloobay roobabkii barafka watay, ayaa waxa kale oo uu ii sheegay inaanu jirin guddi ka dalad ahaan iyo ka gobol ahaanba u xilsaarraa arrintaasi, balse awalkii ay jireen rag isku xilqaamaay oo  ka damqaday dhibta soo gaadhay walallahooda ku nool dhulka miyiga ah, waxana dhici karta ayuu yidhi guddoomiyuhu "in lacagta laga soo ururiyey dadkeenna maraykanku ay dadweynaha dhexdiisaa ka abuurtay guux iyo tuhun qabyaalded iyo mid siyaasadeedba sidaa darteedna laga yaabo in lacagtaasi loo adeegsaday arrimo an dan u ahayn dadka dhibaatadu soo gaadhay".

Si kastaba ha ahaate, shakiga ama tuhunka ka jira meesha ay ku dambayn doonto lacagtii gargaarka dadka dhibaataysan looga soo diray Woqooyiga America, ayaa laga yaabaa inay bulshada reer Awdal ee gudaha iyo debeddaaba jooga ka dhex abuurto is-aamin la’aan. Waxa kale oo iyaduna mudan in la xuso  sida loogu baahanyahay in la ogaado xogta iyo qorsha maamulka deeqdan gargaarka ah si loo hubiyo inay ku baxaday ujeedadii loo soo ururiyey. Taas oo dawo u noqon karta mustaqbalka deeqaha gargaarka ah ee ay reer Awdalka debedda joogaa usoo dirayaan dadkooda gudaha, isla markaana  aanay  ku dhicin  jeebadaha cid dano kale ugu adeegsata oo ka abaxsan gargaarka  dadweynaha gobolka sidii dhawaanta ku dhacday daawooyinkii xisbiga Kulmiye gacanta looga geliyey.

Maxamed Cumar - Hyena

Harowo.co, Boorama, SL

Email: moshimu@hotmail.com

Login