February 16, 2008

Aaskii Alaha u Naxariiste X. Nuur Muxumed Madar oo si Xoogle Looga Soo Qayb Galay

DUBAI, (Harowo) - Dad aad u tiro badan, ayaa ka soo qayb galay aaskii Xaaji Nuur Muxumad Madar, Guddoomiyihii Bisha Cas ee Awdal, oo maalintii Jimcaha, 15 Feb. 2008, ka dhacay magaalada Dubai, dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. 

Aaska oo ka dhacay xabaalaha Al Qouz ee magaalada Dubai waxa joogay dad badan oo ka kala socda bulshada Reer Awdal iyo Jaaliyadda Somaliland, Djiobouti iyo Somali kale oo deggan dalka Imaaraadka. Maydka Xaajiga waxa iilka dhigay walaalkii Ismaaciil Muxumad Madar, Wasiir-Ku-Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo dad kale.

Xaajiga oo haysta Jinsiyadda Jubuuti waxa aaskiisa ka soo qayb galay Cusmaan Muuse Dharaar, Qunsulka Guud ee Jamhuuriyadda Jubuuti u fadhiya Dubai iyo xubno kale oo ka socda Qunsuliyadda. Waxa kale oo aaska joogay Xaaji Cabdiraxmaan Cileeye oo ah odayaasha Awdal, saaxiibna ay ahaayeen Xaaji Nuur.

Waxa kale oo joogay Xildhibaan Axmad Yasiin Sheikh Cali Ayaanle oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ahna ehelada Xaaji Nuur. Dadka aaska joogay waxay isaga yimaadeen dhammaan qaybaha kala duwan ee Imaaraadka Carabta iyaga oo badidoodu ka soo kicitimay Abu Dhabi, Dubai, Al Ain, Sharjah, Ras Al Khaimah iyo Ajman.

Xaaji Nuur wuxu maalintii Arabacadii 13 Feb. 2008 ku geeriyooday Cusbitaalka Rashid ee ku yaala magaalada Dubai.

 

Hashim Goth

Email: hashimgoth@hotmail.com