February 15, 2008

Xisbiga kulmiye Waa Kala Geeyaha Ummada Somaliland !!!

Hadii aanu nahay ummada ilaahay ku abuuray gayigan Somaliland waxa aanu aad iyo aad uga dharagsanahay hadalada caadifadaysan ee had iyo jeer ka soo butaaca madaxda xisbiga kulmiye, kaasi oo looga bartay kicin dadwayne, isdka qiiraysiin, iyaga oo had iyo jeer curiya qabyaalad, aflagaado ay ku bartilmaansadaan beelaha Somaliland daga qaarkood.                              

Madaxdan xisbiga kulmiye oo ubadan rag ka tirsanaa ururkii snm ayaa waxa ay mararaka qaaarkood sheegtaan in ay Somaliland  cid kale oo madax ka noqota aanay u ogolayn aan ahayn nin kazoo jeeda qabiilka ay ku abtirsadaan(m.wayne iyo m.kuxigeen labadaba). Waxa ay had iyo jeer ku dhawaaqaan dadkan anaga ayaa xoraynay  anaga ayaana xukumayna.                                 

Hadaba, suaashu waxa weeyi dadkan ay leeyihiin waan idin xoraynay waa ayo, mise yahay arinkani wax jira? Maskaxdan daashay waxa aanu leenahay iska saara fikirkan qaldan ee aad aaminteend , dadkan soomaalida waxa soo dshex maray dagaalo sokeeye oo aad u qadhaadh qabiil yar iyo qabiil wayn midna in dhulkiisa laga qaato ama lagala wareego waa lagu guulaysan kari waayay woqooyi iyo koonfur labadada. Fikiracan caynkaasi oo kale ahina waxa ay horseedi karaan kala qaybsanaan iyo kala shiki timaada mustaqbalka.

Xisbigan kulmiye waa mid nuucee ah: 

1.  X. kulmiye waxa uu awooda saaraa sidii uu dhaliin yarada ugu beeri lahaa qabyalan iyo nacayb qotodheer si ay uga faaiidaystaan in ay u dagaalaman xaaladaha qalafsan.                        

2.  X. kulmiye waxa uu awooda saaraa sidii u ula midoobi lahaa cidkasta oo jecel baabinta iyo burburinta dalka ha ahadeen ururka (qaran) iyo kuwa soo bixi doona.

3.  X. kulmiye waa mid hoy u noqday dadka inta xun wax ka eegta, kuna soo biyo shubtaan shaqsiyaadka fikin ahaan iyo dabeecad ahaanba ay is fahmi waayaan axsaabta kale (udub iyo ucid).

4.  X. kulmiye waa mid ku horumaray buunbuuninta, mala awaalka, kadaba sheekaynta iyo been abuurka.

5.  X. kulmiye waxa uu had iyo jeer bulshada u bildhaamiyaa colaad iyo dagaalo, awoodana ma saaro nabada iyo barwaaqada.

6.  X. kulmiye waa mid dadka ku beerlaxoowsada anaga yaa xoraynay dalka. Waxa uuna u heelan yahay in uu dalka wax yeeleeyo.

7.  X. kulmiye waa xisbi milatari ah waxana laabahooda ka soo butaacaya mabaadiida ay qarsanayaan (musuq maasuq iyo kali talisnimo).

8.  X. kulmiye waa mid ku tagan in uu kursiga madaxtinimada hanto, macnana uma samaynayso waxqabadka iyo nabada uu dalku gaadhay.

9.  X. kulmiye waa caydhsadaha nabada iyo xasiloonida.

10.  X. kulmiye waa damqaha nabaradii bogsaday eekala gaadhay dadkan wada nool bari samadkii.   

11.  X. kulmiye waa mid xubnaha  ku soo biiraya ku xusha (indha adayga, afxumada, aqoon la’aanta iyo af lagaadada).

Waxa aan u sheegi laha mamulka iyo xubnaha kulmiye in ay noqdaan kuwo iska saxa qodobada aan kor ku soo sheegay, waxa aad moodaa in aad dagaal ku baraarugteen wakhti ay nabada iyo caqliga wanaagsani shaqaynayo.

Ha moodina in cod lagu hello hadalada kulul iyo cayda madaxwaynaha. Markasta awooda saara daganaanshaha iyo, soona bandhiga barnaamijyada muhiimka u ah ummada, dhawra sharciga iyo dastuurka dalkja, yaanay idinku kaliyaysanin taageerista urur aanu sharcigu  ogolayn.

Macnaha ha  noqonina  waayeelkii ilmaha sabiga ahi haleeyay. Markasta fisha mustaqbal wanagsan xaga fiicana wax ka eega, hana saadaalinina burbur, barakacid iyo ku shubasho xaga doorashada ah oo timaada mustaqbalka (macnaha haka hor dhicina qadarka).badala nidaamkan seef laboodnimada ah, xoojiya wada xaajoodka iyo wada tashiga u arka in dalkani yahay dalkinii cid xaqiina afdiiban kartaayna aanay jirin horayso iyo dambayso labadaba.kutala gala in aad doorashada helaysaan iyo ain aad wayaysaan.

Gabagabadii noqda kuwo dalka iyo dadkaba dan kaleh. Iska ilaasha indho la,aanta ,dhago la’aanta iyo af gamuurnimada ad ku kacdaan mararka qaarkoon dadka iyo dalkana aamina una adkaysta duruufaha adag ee imaan doona bari kamalin.

Guuleed Cumar

Email: guuleedgcm@hotmail.com