February 11, 2008

Boqor Buur Madow Ma Xaramkii Ayuu Dumiyey

Waxa maalmihii ina soo dhaafay shabakadda internet-ka ee Somaliland.org lagu soo qoray dhowr maqaal iyo baaq daba socday oo lagu deedafaynayo waraysi jariidada Haatuf la yeelatay Boqor Cismaan Aw  Maxamuud Maxamed (Buur Madow).  

Inkasta oo maqaalada lagu cambaarayno Buur Madow ay qoreen shaqsiyaad aan u shaqayn Somaliland.org, haddana waxa aan shaki ku jirin in maamulayaasha shabakadda iyo hoggaanka kulmiye ee la difaacayeyba ay raali ka ahaayeen maqaaladdan af-lagaadada xambaarsan ee Boqorka lagu deedaafaynayey. 

Intii aanan arkin waraysiga Boqor Cismaan Buur Madow ee Haatuf ayaan akhriyey maqaalada (fikradaha) lagu soo daabacay Somaliland.org.  waxaa iga yaabiyey oo amakaag igu riday xanaaqa, hanjabaadda, goolaaftanka iyo af-lagaadada aan xadka lahayn ee nimaanksaas qoraalkooda ka muuqatay.  “Waar Boqorku ma kacbadii ayuu gubay?” ayaan isweydiiyey.  “War bal ha deg degine, waxa ragga waaweyn ee akhyaarta ah ka xanaajiyey raadi” ayaan isku qanciyey. 

Haddaba, intii aanan weli helin waraysigii Haatuf qortay ayaa waxa aan la hadlay dhowr nin oo xagga siyaasadda Somaliland iiga fara dhuudhuuban, kuwaas oo aan weydiiyey in ay akhriyeen waraysiga Haatuf ee Boqor Cismaan.  Waxa ay nimankii ii xaqiijiyeen in Boqorku soo jeediyey dhowr fikradood oo ay ugu muhiimsanaayeen:

1)      in musharaxiintii xisbiyada mucaaradka ee doorashadii hore ka qayb galay ama laga “adkaaday, waa siduu hadalka u dhigaye” ay jiilka siyaasiyiinta cusub fursad siiyaan oo aanay mar kale is sharaxin iyo

2)       in saddexda xisbi ka midaysan yihiin in aan urur ama xisbi kale oo siyaasadeed aan la furin. 

“Waar fikradahaas dad badan ayaa qabee miyuu Boqorku wax kale sameeyey?” ayaan nimankii ii waramayey kula dooday.  Waxaanu dooddii (aniga iyo nimankii ii waramayey) isla jiid jiidnaba waxa aan markii dambe go’aansaday in aan aniga laftaydu xaqiiqada raadiyo oo akhriyo waraysigii Haatuf Boqor Buur Madow la yeelatay.  Waxaana ii suurtowday in aan maqaalkii waraysiga ahaa ee Haatuf daabacday akhriyo.  Dhowr jeer ayaan ku noq noqday oo dib u akhriyey si aan u hubiyo hadalka ragga akhyaarta ahi ka biyo diideen ee Boqorku yidhi.   Nasiib darro, wax ka duwan labada qodob ee kor ku xusan oo laga boodaa iigama soo bixin.

Waxa aan mar kale dib ugu laabtay maqaaladii nimanka cadhaysani qoreen oo aan mar kale si fiican u akhriyey.  Waxa aan dib u tiriyey inta eray ee gefka iyo garooxu ku jiro ee Boqorka lala beegsaday.  Waxa erayada aan loo aabba yeelin ee Boqorka lala tiigsaday ka mid ahaa: In Boqorka hadalka ka soo yeedhay uu ayaan darro iyo badownimo yahay.  In uu dad duudsiyey isaga oo qaar kale isticmaalayaan ama u xaglinaya.  In Boqorku waxa uu ka hadlay aan hore loo maqal.  In uu maamuuska marada la huwiyey ee la amaanaysiiyey meel kaga dhacay.   In uu gef galay warkiisuna baadi ahaa. 

In uu ku dhaqmay siyaasad malcuumaysan.  Waxa kale oo lagu eedeeyey in uu u hiiliyey maamulka Daahir Riyaale Kaahin oo uu kaga rajeynaayey maal adduunyo.  Waxa ay ragga qaarkood ku sii dareen hanjabaad iyo boolo xoofto iyo in hadalka Boqorku yidhi uu dhaxalsiin doono cawaaqib xumo.   Nin qorayaasha ka mid ahi waxa uu soo jeediyey “in karaamada iyo milgaha uu huwan yahay ee ummadda reer Somaliland ku metelayo iska tiriyo.”

Arrintu si kastaba ha ahaatee, aniga oo aaminsan, markastana difaaca sawdka xorta ah iyo fikradaha kala duwan ee dadku aragtidooda ku cabirayaan; haddana waxa khalad iila muuqata in iyada oo shaqsi ama urur ama xisbi la difaacayo qof kale xuquuqdiisa lagu tunto meelna looga dhaco karaamadiisa iyo shaqsiyadiisaba.  

Qoraalka ay shabakadda Somaliland.org daadihisay dhaawaca uu Buur Madow u geystay waxa ka weyn kan uu Xisbiga Kulmiye iyo raggii la difaacayey u geystay, waayo waxa aan aaminsanahay in haddii aanay maamulayaasha Somaliland.org iyo hoggaamiyayaasha Kulmiye aanay raalli ka ahayn aanay suurto gasheen in hadal af-lagaaddo ah oo cad lagu soo qoro shabakad aad loo qaderiyo oo dad badani akhristaan.  Haddii aan hadalka si kale u dhigo, cay iyo af-lagaado aan madaxda Kulmiye loo quudhin Somaliland.org-na aan lagu soo qoreen in dad kale oo qaderin mudan loo quudho kuma ay haboonayn.  Midda kale, haddii aanay madaxda Kulmiye ka jawaabin hadalkii Buur Madow micno ma leh oo ushii lala dhacay ayey wax ka agaasimayeen ayaan odhan karaa. 

Ugu dambayntii, Buur Madow arrinta uu ka hadlay waxa ay ahayd siyaasad.  Sida uu labada qodob ee aan kor ku xusay ku soo ururiyeyna, dad badan ayaa la qaba fikradda ah in xisbiyadu ay dhaqan geliyaan dimoqraadiyadda dhabta ah, oggolaadaana in lala tartamo; iyo in ay oggolaadaan in asxaab kale iyo ururo siyaasadeedba la furo.  Ruuxii dadku jecel yahay waa la dooran doona, kaan la rabinina wuu iska hadhi doonaa.  Sidaas darteed, waxa haboon in la is ixtiraamo lana joojiyo in shabakadaha internet-ka la isu isticmaalo oo la isku magac dilo.  Boqor Buur Madow Xaramka ma dumine siyaasad ayuu ka hadlay ninkii siyaasadda ku khilaafsanna waxa habboonayd in uu hadal hufan oo siyaasadaysan ugu jawaabo. 

Faarax Aw Maxamuud

Washington, DC

Email: qurbaawi@gmail.com