February 8, 2008
Warsaxaafadeed: Xisbiga Kulmiye
Xoghayaha Gudida Siyaasada Xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax War-saxaafadeed uu soo saaray 6, February, 2008, wuxuu sheegay in Jendayi Frazer kaaliyaha Xoghayaha arrimaha debada ee Dawlada maraykanku inay booqasho Ku timid wadankeena si ay u aragto “xaalada dhabta ah ee ka jirta dalka”.
Hadaba, wuxuu yidhi “Waxaan aad uga xumahay inaan maanta Xuso in XISBIGA KULMIYE kala hadlay Weftiga arrimaha Gudaheena".
Waxa ayaan darro ah in mas’uulkaas afka Xisbiga UDUB ku hadlayey uu been abuur iyo aflagaado u geysto Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, aflagaada noocaas ah ee ku wajahan Guddoomiyaha Xisbiga maaha markii ugu horeysay. Waxa arrintu u eeg tahay in intaas uun shaqo looga dhigay Cumar Jaamac, waa ayaan daro inuu maanta sheegto inuu Siilaanyo ka Muwaadinsan yahay.
Siilaanyo waa loo ogyahay inuu ka hadlay mar walbana si adag oo cad uga hadlo Madax-banaanida S/land, horumarkeeda, nabadeeda iyo midnimadeeda. Gudoomiyuhu waxa uu kulankaasi ka caddeeyey , hoostana ka xariiqay in arrintaasi Aqoonsi –raadinta Somaliland, mawqif mideysan oo aan khilaaf lahayn inay Dawlada iyo Hay’adaha Qaranka oo dhami meel ka wada taagan yihiin.
Waxa la wada ogaa oo Guddoomiya Xisbiga Kulmiye taageero iyo ducaba ugu gudbiyey Madaxweynaha markii uu America ku maqnaa munaasibadii mudaharaadka ee lagu taageeraayey madax-banaanida Somaliland ee dhawaan shacbigu isugu soo baxay.
Dawlada Maraykanku iyaga ayaa Casuumay Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Qaran, Xukuumadu mana casuumin, inay meesha ka muuqdaana ma jeclayn, Xataa Casuumadii Madaxweynaha ee Hotel-ka la wada joogeyna waa ka reebeen Asxaabta . America waa wadan Diimoqraadi ah, waa wadan doodihiisa siyaasadeed maalin walba Dunida oo dhami kala la socoto Warbaahinta.
Waxay mucaaridka ugu yeedheen iyagu ee Xukuumadu ugu yeedhi wayday, waa inay ogaadaan dareenkooda, cuqdada Xukuumadu arrintaas ka qabtana iyagu kama qabaan. Geedi-socodka Dimuqraadiyada iyo Doorashooyinku, waxa ugu weyn ee ay inta badan ka hadlaysay Jendayi Frazer ayey ahayd. Waxaa kaloo ay xageena ula diyaar yihiin inay ka caawiyaan Doorashooyinka , Horumarinta Dalka, iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh. Malaha Cumar wixii lagu hadlaayey ayaanu aad u wada fahmin.
WA BILAAHI TAWFIIQ
Maxamed C/laahi Xarbi
XARUNTA DHEXE EE XISBIGA KULMIYE







