February 6, 2008

Soo Dhawaada, Soo Dhawaada USA

U.S.A waa dowlada ugu awoodweyn dunida  dhaqaale iyo siyaasadba, Somaliland-na in ay wax la qabsato waa arin aad iyo aad u muhiim ah. 03.02.2008 waxaa magaalada  Hargeysa soo gaadhay Jendayi Frazer oo ah kaaliyaha 1aad ee Xog.Ar.Dibada ee wadanka mareykanka.

Booqashada Jendayi ayaa waxaa lagu tilmaami karaa mid ka mid ah guulihii  ugu weyneyd ee Somaliland ka soo hoysay dhinaca arimaha dibada,dhinaca kalena waxaaba lagu tilmaami karaa guushii ugu weyneyd ee Somaliland ka soo hoysay dhinaca Mareykan ilaa iyo ku dhawaaqistii gooni isu taaga Somaliland,runtii waa guul u soo hoyatay dhamaanba shacabka reer Somaliland,cadowga Somaliland-na waa gantaal wadnaha ka haleeshay.

Hadaba booqashada Jendayi fraser ay ku timid Somaliland   ayaa waxaa loo macneysan karaa dhowr arimood oo ay ka mid yihiin:-

1. Booqashadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Dahir Riyaale ku tegay dalka Mareykanka,waxay ahayd mid albaabada u furtay xidhiidhka Somaliland iyo USA,waxaa kaloo la odhan karaa waxay booqashadii Madaxweynuhu noqotay mid midho dhal ah,waana ta keentay in si deg deg  ay Jendayi Hargeysa  u timaado.

2.  Mareykanku wuxuu la dhacsan yahay Dimuqraatiyada lagu caano iyo nabadba maalay ee ka hano qaaday Somaliland,waxaana laga yaabaa in Mareykanku ka abaal mariyo Somaliland  howshaa balaadhan ee  ay qabsatay omaliland.

3. Waxaa  laga yaabaa in Maraykanku  uu  hadda fahmay in qadiyada Somaliland ay tahay furaha  dhibaatada ka taagan  guud ahaan Geeska afrika,taas oo uu doonayo in uu si fiican xilligan u kala furdaamiyo.

4. Booqashada Jandayi waxaa kaloo lagu fasiri karaa wax wada qabsi balaadhan oo dhex mara Somaliland iyo USA,kaas oo Somaliland u soo jiidi karaa maalgelin dhinacyo kale duwan leh .

5. Ugu dambayntiina Booqashadii Jendayi Fraser  waxay ahayd  guul ay  Somaliland ka soo hoysay dhinaca Siyaasada Dibada,sii xoojinta arintaasina waxay keeni kartaa is fahan ka sii wanaagsan.

Hadal iyo dhamaan Somaliland way dhaqaaqday,haddii aan si kale u idhaahdana Somaliland way gaadhay halkii Afrikaankuba  gaadhay oo ahayd in lala kulmo Jendayi Fraser,waxaana xigi doonta wax ka wada farxiya shacabka Somaliland.

Mahadsanidin.

Abdi M. Saleiman (Mingiste)

Email: Abdi M.Saleiman(Mingise
Email: abdi_saleiman@hotmail.com