January 31, 2008

Sixid Taariikhda Dhalasho ee Marxuum Xasan Sheekh Muumin.

Waxan horey u qornay inuu Xasan Sh.Muumin ku dhashay Magaalada Boorama 1930kii. Run ahaantii way adagtahay in qof dhashay horaantii qarnigii 20aad iyo wixii ka horeeyey la helo amintii iyo ayaantii uu dhashay.

Inta badanna Somalidu waxay ahaayeen dad reer guuraa ah oo wax qorista iyo wax akhristuba teel teel ku ahayd.

Nasiib wanaag Abwaan Xasan Sheekh Muumin wuxu ahaa wiil uu dhalay sheekh mutacalin ah oo ku soo barbaaray magaalada qadiimka ah ee Harar.Sidaas darteed waxan dhageystay cajalad laga duubay abwaanka 22-Aug-1997kii oo uu kaga waramayey taariikh nololeedkiisii iyo waxqabadkiisii.Sidaas darteed waxan jecleystay inaan dib usixid ku sameeyo qoraalkaa hore ee kusoo baxay jaraa’idada iyo websiteyada maadaama aan helnay taariikh sugan.

Abwaanku wuxu hadalkiisa ku bilaabay 01-Jan-1897  maallintii axmaaradu Harar naga qabsatay dadkayaguna si xun ugu le’day ayuu aabahay isagoo yar ka baxsaday Harar. Saylac buu ku tegay firxadkii.

Cajaladaa wuxu kaga hadley arimo badan oo ay ka midyiin Taariikhdii dhalashadiisa iyo waxyaalo kale oo badan.

Abwaanku wuxu sheegay amintii iyo ayaantii iyo aradkii uu ku dhashay.Abwaanku Alle ha u naxariistee wuxu ku dhashay magaalada Saylac 25-Dec-1931kii. Waa sida aan dhegayhayga ku dhagaystay abwaanka oo hadlaya cajal uu ka duubay qoraaga Maxamed Dahir Afrax 22-08-1997kii.

Waxad ka dhageysan kartaa radio Harowo (http://harowo.com/2008/01/29/8174/)
 
Wabillahi towfiiq

Jawhar Cabdisamad Qalinle

Email: korwaayeel@hotmail.com