January 30, 2008

Siyaasiyiinta Somaliland iyo siday uga qayb galeen aaskii suugaanyahankii weynaa, Marxuum Xasan Sh. Muumin Gorod.

Allaha u naxariistee, Xasan waxa ku timid geeri dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba, ay si weyn uga naxeen. Geeriduna waa xaq, qof walbana waa uu sugayaa. Waxase Marxuum Xasan uu nasiib u helay in lagu aaso goobtii uu ku dardaarmay. Si aan kala hadh lahayna waa loogu ururay. Ehel iyo qaraabana waxa loo sagootiyey si heer qaran ah.

Intii joogtay ee nasiibka u heshay iyo inta mediyaha kala socotayba waxa ay ka warqabeen sida fiican ee loo sagootiyey. Waxana immiga aad loo hadal hayaa, sida qaddarin la’aanta ah ee siyaasiyiinta dawladda Soomaaliland aanay uga qayb qaadan aaska marxuumkaasi, iyo filitaanka shacabka reer Somaliland oo ahaa in uu Madaxweynaha amma Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo wasiirradooda qaarkood ay ka soo qayb galaan. Mase ay dhicin. Halka, dawladda Djabuutina ay diyaarka u ahayd in ay xurmo daraaddeed, calankooda hoos ugu dhigaan geerida marxuumka. Hase yeeshee, markii loo diiday in Jabuuti lagu aaso ayaa ay ku xurmeeyeen billadda sharafta ee Djabouti. Isla markaana uu soo raacay wafdi heer qaran ah oo ka socda dawladda.

Siyaasiyiinta Soomaalilandse waxa mahadho reebay hoggaamiyaha xisbiga KULMIYE Ahmed Maxamad Siiraanyo iyo wafdi uu hoggaminayey oo uu ka mid ahaa Musharraxa Madaxweyne ku xigeenka KULMIYE Prof. Ismail Muumin Aare, oo si sharaf iyo dareen dadnimo leh uga soo qayb galay aaskaasi. Mudnaantii uu ummadda ku lahaa Marxuumkuna kaga hadlay madashii aaska.

Waxase wax laga xumaado ah dhabar jabinta ay wadaan shakhsiyaad ka socda xukuumadda, oo la sheegay in ay dagaalkooda ka muujiyeen Mediyaha, sida TV-ga Borama oo lagu eedeeyey in uu Guddoomiyaha KULMIYE ka reebay magacyada ka soo qayb galay madasha aaska Abwaan Xasan Sh. Muumin. Waxana TV-gaasi laga sugayaa in uu caddeeyo sababta ay arrintaasi u dhacday.

Ahmedweli Goth

Email: shueebi@hotmail.com