January 30, 2008

Hay’ada Copy Oo Damaanad Qaaday Kharashka Ku Baxaya Adeega Caafimaadka Ee Gobolada Awdal Iyo Tog-dheer

Agaasimaha oo Waraysi aanu kala Yeelanay in faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo kulankan ayaa waxa uu waraysigaasi u dhacay sidan, balse waxa uu ka horaysiinayaa in uu sharaxaad kooban ka bixiyo hashaasi iyo waxa uu kulankani ku xidhiidho dulucdiisu 

Barnaamijkana ay waddo maanta Copy iyo wasaarada caafimaadka. Barnaamijkani wax kale maaha waa barnaamij labada gobol ee tog dheer iyo awdal ay Copy damaanad qaadayso in ay wixii caafimaad ah ee ku baxaya ay bixiso,taasoo barnaamij EU du kaasi oo aahaa maaliyad ku jiratay oo ay soo qaadatay laba sanadood, taasoo caawin doonta systemka caafimaadka lagu xoojinaayo,markaa isu taga boorame iyo ka burco iyo BSG yadiisaba regionka, in ay caawiso weeyaan barnaamijku.
 
S
. imisaa ku baxaaya?

J. Imikay soo ban dhigayaan.

S. Qaab aad u xisaabtantaan oo aad ula socotaan  ma u samayseen?

J. Bari(maanta) ayaan lagalaynaa agreement kii, waxaanay bixin doontaa dhamaan wixii kharash ku baxay tababarada iyo hawlaha caafimaadka ee labad gobol, Awdal iyo Tog dheer.

S. Meeshan waxa nooga muuqda tobabar caafimaad, muxuu ku saabsanyahay?

J. Dhamaan wixii ku baxaya tababar ama hawl caafimaad,tobabarada waxa leh gobolkii oo ka mid tahay waana qodob ka mid ah hawlaha ay ka qabanayso labadan gobol, shaqaalaha caafimaadka ee sida Awdal iyo shaqaalaha caafimaadka Togdheer.

S. Marar badan waxaa jira agaasime in cubitaalada Magaalooyinka ama Magaalada Boorame oo kale, in aanu lahayn baankii dhiiga, meelaha ma laga caawin karyaa  iyo xataa adeegyo kale oo liita?

J. Wax alaale wixii kale ee wasaarada caafimaadku kari  wayday way ku jirtaa meesha, waan waxyaabaha la doonayo in ay wax ka qabtaan,bangiga dhiiga oo kaliya maaha  ee waxay u baahanyihiin oo dhan in ay sameeyaan, in shaqaalahana tababar siiyaan, running cost kii  isbitaalka ku baxayay,MCH-yadii, supervisionskii modern termination, centerka  supervisionkiisii,  waxaas oo dhan.

S. Marar hore ayay isku dhaceen agaasime Wasaaradda caafimaadka iyo hay’ada Copy, tusaale ahaanna mar waxay ka hawl gali jirtay cibitalka Berbera, cisbitalka Hargaysa dhamaantoodna hawlahaasi way sooxidhmeen kadib markii ay isku dhaceen Wasaaradda caafimaadka iyo hay’ada Copy?

J.Halkaa  horta aan kuyara  saxo, cusbitaalka hargaysa marna may samayn,  ka Berbera barnaamijkaasi way ku jirtay, laakiin waxaa dhamaaday mashruucii, kani waa mashruuc cusub oo ay wada galeen Wasaaradda caafimaadka iyo EU-da oo noqotay qolada funka siisay way fadhiyaan waxaana looga fadhiyaa in wixii ay soo siiyeen la isla ogaado wixii ku baxayay oo dhan.

S. Agaasime markay noqoto barnaamiyjada isbitaalada laga qabanayo, isbitaalada waalida ee Dalka Somalilandba malaha isbiltaal waaliyeed baa la yidhi e ka waran arikaa?

J. Waa su’aal fiican, muuhiimada koowaad ee aanu gudbinay ee la soo ogolaaday waxa weeyaan cusbitalada dhimirka, waxayna cusbitaalda waalidu ku dhex qarsoonyihiin cusbitaalada kale ee wadanka jira, waana in la kala madax banaaneeyo cusbitalada waalida iyo cubitalada kale haddana in la siiyo xarun kale oo xirfad lagu baro ayay noqonysaa in la sameeyo, taasina waa muhiimadayada koowaad.

S. Haddii  aanu Wdanka Somaliland u diyaarsanayn dhakhaatiir ka hawl gasha cusbitaalada waalida maxaa kaloo aad ka qaban karaysaan?

J. Waxaanu ka qaban karaynaa marka aanu goobta samayno waayo wax imanaysa shaqadii, horta goobtii samee funtskiina raadi, dhakhaatiir imika diyaar ah oo loo tababarayaa way jiraan oo waa naloo balan qaaday oo dhokumantigii directorkii  barigii dhawayd yimid oo koorasyo loo dirayo dhakhaatiir soo baranaysa qaybta dhimirka.

Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.Com
Hargeysa, Somaliland

Email:daralla06@yahoo.com