January 29, 2008

G/Waxbarashada G/Awdal In Aanu Wax Nacayb ah u Hayn Xisbiga Kulmiye

Boorama, (Harowo) - Guddoomiyaha waxbarashada G/awdal, Daahir Maxamuud Xaddi, ayaa dareen cadho leh ka muujiyey  qoraal kusoo baxay wargeysyada dalka qaarkood oo lagu sheegay in Guddoomiyuhu  waraysi uu  BBCda ka siiyey aaskii marxuum Xasan sh. Muumin 26kii bishan uu dafiray ama sheegi waayey martidii kasoo qaybgashay aaskaa ee mudnayd in looga mahadceliyo sidii reer Boorama ay ula qaybsadeen murugadii iyo aaska marxuumka.

Guddoomiyaha waxbarashada oo arrintaa waraysi ka siiyey Shabakada Wararka ee HAROWO.COM, ayaa dhinaca kale eedeymo kulul u soo jeediyey wakiilka xisbiga Kulmiye e gobolka oo uu ku tilmaamay nin an aqoon caynkaas ah u lahayn siyaasadda, dadkii gobolkan yaqaanayna ka dhigay martida.

Guddoomiyaha waxbarashada oo arrintaa ka hadlay ayaa yidhi "runtii waa nasiibd arro in dad wada deggen oo muwaadiniinta soomaaliland ka mid ah Boorama looga muujiyo necbbaasho, isla markaana  la xusi waayo magaca iyo martabadda ay leeyihiin. Waxan ka xumahay wararka uu guddoomiyaha xisbiga ee gobolku siiyey warbaahinta, isaga oo uu sheegay arrimo badan oo aan wax xidhiidh la lahayn dareenkayga, kan reer Boorama iyo kan reer Soomalilandba ee yaallay maalintaasi, isla markaana aan loo socon arrimo siyaasadeed. Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye maaha nin Boorama marti ku noqon kara, isagoo ku leh asxaab badan iyo taageerayaal badan, isla markaana ka soo baxay Dugsiga sare ee Cammuud.

Waxa kale oo siyaasigaasi naga mudan yahay inaan soo dhaweyno mar haddii uu hoggaamiyo mid ka mid ah axsaabta qaranka Soomaaliland. Idaacadda BBCda ee iga waraysanaysay sida aasku u dhacayna waxa anoo ku hadlaya magaca guddiga qabanaadaba u sheegay inaan u mahadcelinayo cid kasta oo reer Soomaaliland, Jabuuti ama dalalka kaleba ka timi, laakiin warku maa hayn mid khuseeya cidda BBCda Hargeysa u joogta.

Sidaa darteed arrinta aaska marxuumkaasi ma ahayn mid dadweynaha reer Soomaaliland la iskaga horkeeno. Waxan mar labaad u mahadcelinayaa madaxdii axsaabta qaranka ka joogtay Aaska Xasan Sh. Muumin, cid kasta oo ka timi gobolada Soomaaliland iyo dalalka deriska ahba."

Maxamed Cumar - Hyena

Harowo.com, Boorama, Sl

Email: moshimu@hotmail.com