January 27, 2008
Tolow Yaa Bedeli Doona Boqorkii Suugaanta Soomaaliyeed?
Marxuum Xasan Sheekh Muumin oo ahaa Alle ha unaxariistee dayax ileyskiisu dunidoo dhan iftiinshay waxa maanta lagu xabaalay magaalada Boorama. Waxa duhurnimadii maanta Sabti 26-Jan-2008 lagu xabaalay badhtamaha magaalada Boorama Alle ha u naxariistee Abwaankii caanka ahaa ee Xasan Sheekh Muumin.
Abwaan Xasan Sheekh Muumin ilaahay qabriga ha u nuuree wuxu ahaa ileys dunidoo dhan iftiinshay, nuurkiisuna waa mid aan dami doonin inta dunidu sii jirto. Abwaanka taariikhdiisii,murtidiisii iyo mahadhooyinkiisii mid aan anigu soo koobi karo maaha. Shakhsiyadiisii balaadhnaydna maaha mid aan anigu suurayn karo oo aan sawir dhamaystiran ka bixin karo,waxay ubaahantahay cid iiga aqoonbadan.
Abwaan Xasan Sheekh Muumin Sifihiisii iyo shakhsiyadiisii oo kalliya ayaa ubaahan in buug u gaar ah laga qoro.Abwaan Jamaal Miicaad Allaale oo ahaa runtii nin inbadan ay abwaanka rafiiq ahaayeen waxbadana ka qorey marxuumka,oo uu wareysi la yeeshay radioHarowo mar uu sawir ka bixinayey marxuumka,wuxu ku sifeeyey inuu abwaanku qoom soo socda xeyeysiis u haa.
Taasi oo uu mr Allaale ula jeedo inuu abwaanku ahaa filosuufi aragti dheer leh oo uunan sifihiisa kusoo koobi karin kalmad uu halkan (radiyaha)ka yiraahdo. Abwaan Xasan Sheekh Muumin Ilaahay ha u naxariistee wuxu afartan sano ka hor umadda Somalliyeed waydiiyey su’aalo waaweyn oo illaa imika jawaabtoodii aan la haynin.
Su’aalahan ama mesalooyinkan oo ah kuwo maskax aragti dheer ka soo maaxday, waxan ugu talo galaybuu yidhi abwaanku inaan afartan sano ka bacdi ka jawaabo haddii ilaah igu simo. Wuxu ii sheegay abwaanku in afartankii sano la gaadhay sidaas darteed uu sanadkan 2008 ka jawaabayo.
Ilaahay janadii haka waraabiyee tii Alle ayaa ka sokeysay. Murtidan iyo mesolooyinkani waxay ku jireen riwaayadii Shabeel naagood oo ahayd riwaayadii ugu horeysay ee laga dhigay (national theatre) Muqdisho.Heestani halxidhaalaha ah wuxu abwaanku sameeyey 1968.
Xaqiiqatan ma odhan karo heesbay ahayd,hase yeeshee waxa qaab hees ahaaneed codadkooda ku soo gaadhsiiyey bulshada, fanaanada Hibo-Nuura iyo abwaankii iyo fannaankii Cabdi Muxumed Amiin.
DAB DHAXMOODAY!!!
Doc kastoo la eego
Nolosha dunidu waa dabkee
Haddu dabkii dhaxmoodo
Maxaa lagu diiriyaa?
Waa tilmaan la daahoo
Degdeg kuma haboonee!
Adoo deggan u fiirsoo
Ujeedada ideeqsii.
Ruux haddii la dootoo
Darajada la saariyo
Xilkii daryeeli waayo
Dab dhaxmooday weeyee
Waa su’aal da’weynoo
Madaxa daalinaysee!
Wixii lagu diirinaayo
Dad weynahaa la weydiin
DUR DUR OOMAY !!!
Durdurkaa laga cabbaa
Biyihiis lagu dabaashaa
Hadduu harraad dareemo
Darkee laga waraabshaa?
Waa tilmaan leh daahoo
Deg deg kuma haboonee
Adoo degan ufiirsoo
Ujeedada ideeqsii!
Ruuxa duunyo haystee
Dahabkana barkanayee
Wixiisii deeqi waayaa
Durdur oomay weeyee
Waa su’aal da’weynoo
Madaxa daalinaysee!
Darkii laga waraabin
Dadweynahaa la weydiin.
DAWO BUKOOTAY !!!
Qofkii cudur dilaayo
Dawadaa bogsiisee
Haday dawo bukooto
Maxaa lagu dabiibaa?
Waa tilmaan leh daahoo
Degdeg kuma haboonee
Adoo degan ufiirsoo
Ujeedada ideeqsii.
Dalaalimada diintiyo
Distoorka iyo xeerka
Haddii dabool lasaaro
Dawo bukootay weeyee
Waa su’aal da’weynoo
Madaxa daalinaysee
Wixii lagu dabiibi
Dadweynahaa la weydiin
DUFAN BASAASAY !!!
Subaga dufankiisa
Dadku ku dhaashadaane
Hadduu dufan basaaso
Maxaa lagu duxdii ka qaaday
Waa tilmaan leh daahoo
Deg deg kuma haboonee
Adoo deggan ufiirsoo
ujeeddada i deeqsii
Hal xidhaalihii iyo Xasan Sheekh muumin oo la xabaalay,aakhiroy xageed naga xigtaa. Tolow yaa bedeli doona boqorkii suugaanta Soomaaliyeed.
Jawhar Cabdisamad Qalinle
Email: korwaayeel@hotmail.com
