January 27, 2008

Qudbigii Suugaanta - By Bashiir Goth

Tixdan oo aan ka tiriyey geeridii Abwaan Xasan Sheekh Muumin waxay taataabanaysaa kaalintii suugaaneed ee uu abwaanku kaga jiray halabuurka Soomaaliyeed. Xasan wuxu ahaa tiirarka ugu waaweyn ee riwaayadyahanka Soomaaliyeed, isaga oo si gaara ugu tilmaanaa doorka uu ka qaato wacyigelinta, gaar ahaan dhiirri gelinta tacliinta iyo naqdiga aafooyinka bulshada.

Wuxu ahaa nin afka ku xarragooda oo sarbeebtiisu xambaarsan tahay falsafad gundheer oo uu si farshaxanimo leh uu uga soo mullaaxdo suugaanta hiddaha iyo dhaqanka. Xasan wuxu ku geeriyooday magaalada Oslo, Norway, 16 January 2008, waxana lagu aasay magaalada Boorama, Somaliland, 26 January 2008.

Qudbigii suugaanta

Duniyeey qadaraleey
Qabar xumi ma oolee
Maantana qab baa dhacay
Qaylaa habeen timid
Ababshihii qoraalkiyo
Qodinkii aqoontiyo
Qudbigii suugaantiyo
Gorod baa la qaadoo
Qaddarkii haleeloo
Qalinkiisi joogsaday
 
Qorraxduu ahaa iyo
Qaxootiga madaw iyo
Qorfuhuu ku lee’daa
Qalbigay maroorshoo
Hiygaan ka qawdhamay
 
Allaylehe qod baa dhacay
Qaran baa habeensaday
Afka qiimihiisiyo
Suugaantu qurux iyo
Waxay qara lahayd iyo
Qudbigeedii baa tegey
Qalinkiyo tawaadii
Quudinaayey baa lumay
 
Af Soomali qurux badan
Oo qaayo loo dhilay
Far xariira lagu qoray
Qudbigii hadduu tegay
Ayaa soo qormaynoo
Sidii qayli darartiyo
Qaabil caanaheedii
Waayeel qulbaayiyo
Qudhqudhsiin dhallaankii
 
Murtideena qaniga ah
Sheekooyin qaydhiin
Sida aale qadaw iyo
Qooqaani roobi iyo
Qodaalkii dhulkeenii
Ku quwaystay oo baxay
Yaa qaniini oo jabin
Oo quud macaan iyo
Qumbo malab ka fuuqsani

Quruumaha wixii dhacay
Ilaa qaafo soo jiray
Taariikhda qaabka ah
Qasnadeeda yaa furi
Oo luul ka soo qubi
Ayaa dheeman qaaliyaa
Kolba meel ka soo qodi
Kuul qubatay caynkeed
Qawyada habeenkii
Kolba qaar ka soo heli
 
Ayaa qaaxo iyo cudur
Huuryo iyo qaniiniyo
Xumihii qarsoonee
Nin dantii quminayaa
Ku qadhaabanaayiyo
Wixii qooma aadmiga
Ee qabkiisa dhaawaca
Ayaa qeexi oo dhili
Oo sarbeeb ku kala qali
 
Yaa jacayl ku qaydaran
Buuraha qarkoodiyo
Qod laalay ku yaaliyo
Hulo qaabo-qawsayn
Dabayluhu qulqulayaan
Tixa loo qiyaasiyo
Qormo macallin weyn iyo
Liishaan ku soo qaban
Sida kuul qardhaasa leh
Qalanjooyin loo bogay
qoortooda soo sudhi
Qalbigooga soo luli
 
Inta uu Qurbaankiyo
Quraan ruuggu ducadiyo
Qaadkiyo lubaankiyo
Meerinaayo quulada 

Inaguna qushuuc iyo
Hawraar u qalantiyo
Gaby qiimo weyn iyo
Aan qasiido goynoo
Dikri aan u qaadnee

Qummanow saciidiyo
Xaddiyo qalweeyoo
Beylow qaraamida
Soo qabo halkeedoo

Qalabkuu jecelaa iyo
Kamankii ha quustoo
Muusigu ha qululoo
Qaaliyada dhulkeeniyoo
Oslo qoorigeediyo
Qoomka soo koraayiyo
Qaaradaha ha gaadhoo

Codkii qaaligiiyuu
Qururxdiisa joojuu
Qajeel soo gardaadshiyo
Hibo ha ugu qaadee

Mawliidow qormeeyoo
Xadhig bilan ka qaadoo

Qabnadii warkiisiyo
Sheekadiisa qubanta
Xertii gaacidaydaay
Kaalayoo ila qalindara.

Bashir Goth, 23 Jan. 2008.

Email: bsogoth@yahoo.com

Fiiro Gaara: Halabuuurka iyo fanaaniinta aan magacdooda tixda ku xusay waa dad saaxiibaday ah oo aan murti-wadaag hore lahayn iyo qaar jacaylka suugaanta iyo fanku na kulmiyey. Waxaanay kala yihiin:

1- Siciid Cabdillaahi Iimaan, waa Abwaan ku nool dalka Imaaraadka Carabta horena aan uga wada qayb galay silsiladdii Xaamiim.

2- Daahir Maxamuud Xaddi,  waa Abwaan ku nool Somaliland ahna Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Awdal, horena aan uga wada qayb galay silsiladdii Xaamiim.

3- Dr. Cabdiraxmaan Bayle, waa nin aan jeclayn in lagu tilmaamo Abwaan laakiin suugaanta curiyam ururiya oo jecel, waana dhaqaale yahan ka shaqeeya Bangiga Afrika, dhawaana wuxu tiriyey heesta Qaylo Dhaan ee uu u tiriyey tiiraanyada Calanka Soomaaliyeed haysata.

4- Axmed Xasan Caynaan (Mawliid), waa fanaan ku xeel dheer tumista kamanka, waana ninka uu Xudaydi yidhi waxan ku wareejay dhaxalkii kamanka, wuxuna ku nool yahay Imaaraadka Carabta.

5- Hibo Maxamed Hoddoon (Hibo Nuura), waa fanaanada caanka ee ku soo baxday riwaayaddii Shabeel Naagood ee Xasan Sheekh Muumin sameeyey. Hibo iyada ayaa qaaday heesaha ugu badan ee Xasan tiriyey, waxaanay ku soo kortay guriga Abwaanka yaraanteedii.

Login