January 27, 2008
Marxuum Xasan Sh Muumin, oo Maanta Lagu Aasay Boorana iyo Jawigii Mururgada Lahaa ee Munaasabadda
Boorama, (Harowo) - Marxuum Xasan Sh. Muumin, oo toban casho ka hor ku geeriyooday dalka Noorway, ayaa maanta lagu aasay magaalada Boorama . Aaska Marxuumka oo ay ka soo qayabgaleen tobanaan kun oo qof oo ka mid ah dadweynaha Soomaaliland, Jabuuti, Itoobiya, dalalka debedda iyo meelo kaleba, ayaa dhinaca dawladda Soomaaliland waxa goob joog ka ahaa wasiirada Xidhiidhka Golayaasha, wasiirka Macdanta iy Biyaha iyo wasiirka Qorsheynta.
Dhinaca Golayaasha qaranka, waxa goob joog ka ahaa xildhibaanada gobolka awdal kaga jira baarlamaanka iyo guurtida iyo qaar kale oo ka socda gobolada kale ee Soomaaliland.
Dhinaca mucaaradka waxa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye axmed Siilaanyo, Madax weynekuxigeenkii hore C/raxmaan Aw Cali Faarax iyo masuuliyiin sare oo ka socotay xisbiga KULMIYE.
Aaskan marxuum Xasan Sh. Muumin, oo ay qabanqaabadiisa ka dambeeyeen guddi uu guddoomiyaha gobolka Awdal Maxanmuud Sh. C/laahi Cige u magacaabay oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Xasan Mataan, Xil. Maxamed Barkhad Miigane, Xoghayaha dawladda Hoose Hoose ee Boorama C/rasaaq Cali Cusmaan iyo masuuliyiin kale.
Aaska marxuumka oo dib uga dhacay wakhtigii la keeni lahaa Boorama, ayaa diyaaradiii kasoo qaadday Jabuuti keentay Boorama 12 duhurnimo, halkaaas oo lagu tukaday salaadii janaasada oo ay ka qayb qaateen dadweyna iyo masuulyiin tiro badaan, kad dibna waxa maydka marxuumka lagu qaaday gaadhi Ambulance ah oo u sii galbiyey halkii lagu aasi lahaa gaadiid aan la sooa koobi karayn tiradooda lagunma qiyaasi karo in ku dhaw 70 gaadhi.
Marxuum Xasan sheekh Muumin, ayaa la aasay saacaddu markay ahayd kawdii oo 15 daqiiqo la’ wakhtiga Boorama, inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.
Aaskkaasi ka adib, ayaa masuuliyiintii ka socotay dawladda soomaaliland oo ay ka amid ahaayeen maxamed Barkhad iyo guddoomiyaha gobolku iyo maxamed Xasan Mataan, ayey kumanaankii qof ee meesha isugu yimi ka tacsiyeeyeen geerida marxuum Xasan sheekh Muumin, iyagoo dhinaca kalena wax ka taataabtay taaiikhdiisii, magacii uu ku lahaa Soomaalida dhexdeeda iyo waayo aragnimadiisiia dhinaca suugaanta uga sheegeen halkaasi.
Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka Kulmiye, oo wax yar ka hor aaska marxuumkaasi ka hadlay, ayaa weriyayaasha u sheegay inay marxuum isu asxaab ahaayeen wakhti badanna ay saaxiib ahaayeen, sidaa darteedna uu dadweynaha reer awdal, reer Soomaaliland iyo guud ahaan soomaalida ku nool gudaha iyo debeddaba ka tacsiyeeyey geeridfa marxuum xasan sheekh Muumin.
Si kastaba ha ahaatee, jawiga Boorama, ayaa maanta u ekaa mid xambaarsan murugo, isla markaana suuqyadii iyo jidadkii magaaladu u xidhmeen dadka garaha badan ee kaga yimi gobolada kale ee Soomaaliland ,gaar ahaanna Hargheysa kuwaas oo ka kala socday qaybaha dadweynaha, masuuliyiinta dawladda qaarkood ,mucaaradka iyo muxaafidka, hoobalada Fanka iyo suugaanta soomaaliland, sida Maxamed Aadan Dacar, Aamina C/Laahi iyo kuwa kaleba.
Dhinaca kale, dadweynaha magaalada, ayaa hadal hayey isla markaana qaarkood dareen ka muujiyeen ka maqnaanshaha Madaxweyneha Soomaaliland Daahir Rayale uu ka maqnaa Aaska marxxuum Xasan Sh. Muumin, iyadoo munaasabaddan murugada xambaarsanayd uu reer Boorama ku wehelinayey Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Siilaanyo oo dadweynaha qaarkood loogu sheegay in madaxweynihii yimi, balse ay ogaadeen mar dambe inaan Rayaale goobjoog ka ahayn aaska marxuumkaasi.
Diyaaradda sidday maydka Marxuumka oo uu si gaar ah usoo ijaaray Madaxweyne Dalka Jabuuti , Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxa calanka soomaaliland ee lagu duubay maydka marxuum Xasan Sh. Muumin lagu toley bilad sharaf ka mid ah kuwa ugu qaalisan dalka Jabuuti oo Ismaaciil Cumar Geelle gacantiisa ugu tolay, iyadoo dhinaca kalena uu mayka marxuumka kusoo daray qaar ka mid ah ehelidii marxuumka iyo wakiil gaar ah oo ka socday xukuumadda Jabuuti madaxweynaheeda, iyadoo sida wararka qaarkood sheegeyaanna Ismaaciil Cumar Geelle uu maydka marxuum Xasan Sh. Muumin uu maddaarka Jabuuti ugu tegey uguna soo duceeyey intii anay kasoo kicitimin dalkaasi jaarka ah.
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, SL
Email: moshimu@hotmail.com






