January 26, 2008
Abwaan Xasan Sh. Muumin oo Beri Sabtida lagu Aasayo Boorama iyo Sida Loogu Diyaar Garoobay

Boorama, (Harowo) - Qabanqaabada u diyaargarawga Aaska Abwaam Marxuum Xasan Sh.muumin ayaa todobaadkanba ka socotay magaalada Boorama, marxuumka ayaa lagu garab Aasi doonaa xabaashii Aabihii Sh.muumin Gaafane.
Hadaba caawa ayaa si weyn looga si dareemayaa magaalada Borama, taas oo ay ugu wacan tahay dad badan oo ka qaybgalaya Aaska Xasan Sh.Muumin oo yimid magaalada, dadkaas oo ka kala yimid magaalooyinka Hargaysa, Burco, Gabilay, Berbera iyo meelo kale oo badan oo Somaliland gudaheeda ahAbwaan Daahir Maxamuud xadi oo ka mid gudida qaban qaabada Aaska marxuumka ayaa u sheegay warbaahinta in ay imanayaa Madaxda Somaliland, Abwaano iyo Hobolada Qaranka somaliland, waxa iyadna jirta ayuu yidhi Xadi in qaban qaabadu ka socotay maalmahanba dhanka magaalada Hargaysa.
Sida la noo soo sheegayna beri 8 subaxnimo ayuu soo gaadhayaa magaalada jabuuti meydka marxuumku ayuu yidhi Xadi, halkaas oo ay diyaaradi toos uga soo qaadi doonto ilaa madaarka Boorama, ka dibna laagu Aasi doono halkii uu ku dardaarmay oo ah xabaashii Aabihii garabkiisa.
Dhanka kale waxaa la filayaa in ay ka soo qayb galaan madaxda Axsaabta Qaranka ee Somaliland, hawsha aaska marxuum ayaa noqon doonta mid u dhacda si heer Qaran ah.
Hashim Goth
Harowo.com, Boorama, SL
Email: hashimgoth@hotmail.com








