January 25, 2008

Ma dhabaa Saameyn ayuu ku yeeshay Weriyaha Haatuf ee Boorama Xabsigii Mandheera!!?

Anigoo ka jawaabaya Maqaalka ku soo baxay Wargeyska HAATUF ee cadadkiisa 1633 soona baxay 23 Jan 08 cinwaankiisuna ahaa Wasiirka Hawlaha Guud muxuu uga qayb gali waayey Banaanbaxayadii uuna soo qoray Wariyaha Haatuf e ADWAL Maxammed Cumer. 

Marka hore layaab ma leh Maqaalkaasi ku soo baxay Haatuf oo waa caadadood, laakiin waxaan doonayaa maanta inaan iftiimin yar ka bixiyo warar iska soo taraayey beryahaas dhinaca magaalada Boorama kuwaas oo ku saabsanaa in Saamayn weyn uu ku yeeshay Weriye Maxamed Cumer mudadii uu ku jiray Xabsiga Mandheera ee horaantii sannadkii tagay 2007 ka dib markii sidaasi ay ku xukuntay Maxkamadda Hargeisa.

Dadka u dhuundaloola amaba si gaar ah ula socda wararka dalka iyo qorayaashoodaba ayaa tibaaxaayey  Weriyahaasi in saamayn dhinaca maskaxda  iyo habdhaqankaba ah uu ku yeeshay muddadaasi uu ku jiray Xabsigaasi.

Taasna waxaa markhaati cad u ah hadaad u fiirsato Maqaalkan uu kaga hadlaayo Wasiirka Hawlaha Guud muxuu uga qayb gali waayey Banaanbaxyaddii!!?? waa wax run ahaantii la yaab leh oo laga yaqyaqsoodo in maanta nin isku tilmaamaayey inuu yahay Saxafi kala garan kari waayo Shaqada Wasiiradda iyo sida Hawlaha loo kala leeyahay, haddaadse u sii fiirsato dulucda maqaalka waxaad dareemaysaa inaanay ujeedaduba ahayn muxuu wasiirku uga soo qayb gali waayey Banaanbaxa ee ay tahay arrin uu ku gabanayo oo cinwaan kale oo uu soo hoos galo ayuu waayey.

Wasiirka hawlaha guud markuu tagay Boorama waxay ahayd Maalintii ka horreysay banaan baxa waxaanay ahayd Arbacaddii isla maalintiina wuxuu dib ugu soo noqday magaalada Hargeisa ka dib markuu soo dhameeyey shaqadii uu u tagay, waanu ogaa ninkaasi weriyaha ahi markii Wasiirku ka soo baxaayey Boorama, waxaana qurux badnaan lahayd inaanu Weriyuhu indhaha iska tirin isagoo og xaqiiqada.

Ugu danbayntii waa caado doqoniimo ah in Weriyuhu u isticmaalo xirfadiisa iyo qalinkiisa ujeedooyin guracan, kana baxsan hanaanka iyo nidaamka saxaafada iyo saxafiyiinta.

Mukhtaar Ducaale.

Hargeisa, Somaliland.

Email: mduaale@gmail.com