January 22, 2008

Qabiilka Iyo Qabyaalada - Qaybtii 2aad

Qabyaalada: Qaybtii 1aad waxaynu ku soo aragnay Qabiilka waxa uu yahay, waxa Qabiilka ka dhaxeeya, waxa aan  Qabiilka dhaxaynin, waxaynu kaloo si cad u qeexnay in Qabiilka iyo Qabyaaladu yihiin wax kala duwan, waxaynu isla garanay in  Qabiilku yahay u dhalasho wax ceebana aanu lahayn, balse waxa ceebta u keenaa waa QABYAALADA oo ah marka Qabiilka loo adeegsado hab FICIL ah.

Erayga Qabyaalada wuxuu ka kooban yahay laba eray oo kala ah QAB iyo YAALAD, fasiraada ugu dhow  ee loo hayo eraygaas ayaa ah QAB oo ah isla weynaan YAALAD  oo ka yimid YEEL, marka laysku darana wuxuu noqonayaa (QAB ISU YEEL) oo loola yeedo ISLA WEYNAAN.

“Qabyaaladu waxay ka bilaabataa FICILTANKA ka dhexeeya labada  BAHOOD  ee walaalaha ah,haddii aan si kale u idhaahdana walaalaha  isku aabaha ah laakiin  kala hooyada ah ama labada walaalaha ee kala AABAHA ah,laakiinse isku hooyada ah”.

*  “Qabyaaladu marna waa hab lagu abaabulo kooxo, qoysas amase beelo isku asal ah si loo sameeyo deegaan  Qabiil ahaan loo leeyahay  balse aanay cid kale oo ka  asal duwani la lahayn”.

“Qabyaaladu marna waa dabeecad amase hab loogu daacad noqonayo qabiilka aad ka soo jeedo abtirsiimo ahaan, adigoo ku taageeraya khalad iyo sax mid kasta oo Qabiilkaagu ay isku raacaan".

* “Qabyaaladu marna waa faan been ah kuna salaysan reerkayagaa ka fara badan reerkiina amase anigaa adiga ka laandheeraysan”.

“Qabyaaladu marna waa hab colaada lagu huriyo, iyadoo loo adeegsanayo erayada ay ka mid yihiin  TOLAAAAYEEY”.

“Qabyaaladu marna waa hab loo adeegsado Siyaasada si loogu raadiyo xulafaysi Siyaasadeed, taas oo la doonayo in lagu gaadho dano gaar ah ,sida madaxtinimo iwm”

“Qabyaaladu marna waa hab ay isku raacaan ummaddo ku kala duwan dhaqanka- deegaanka -midabka iyo diintaba,qaybtan waxaa tusaale fiican u ah dadka midabkoodu madowyahay waxay iska xigsadaan dadka midabkoodu cad yahay,dadka muslimka ahina waxay iska xigsadaan ka aan muslimka ahayn, habkani waa halka ugu sareysa ee ay ficiltan ahaan Qabyaaladu gaadho,waxaana filayaa meelo badan oo dunida ka mid ah ayaa maanta Qabyaalada noocan ahi ka jirtaa.

*  “Qabyaaladu marna waa Jeermis lafaha iyo dhuuxa ka gala dadka qaarkiis,daweynteedu aad iyo aad u adag tahay ,waqti dheerna qaadato”

*  “Isku soo wada duuboo Qabyaaladu waa hab ku salaysan kala sareyn – quudhsi - cunsuriyad - yasid – eexasho-dagaal iyo isxaqiraad ku dhisan sida Qabiilooyinku u kala tiro tag iyo tamar badan yihiin”.

Hadal iyo dhamaan waxaan intaa ku soo koobayaa “Qeexitaanada kala duwan ee Qabyaaladu leedahay  kuwaas oo aynu ka soo bilownay ficiltanka ka bilowday laba walaalaha kuna dhamaaday ummaddo aan wadaagin  dhaqan –deegaan  iyo diin midkoodna ,qaybaha dambana waxayu ku eegi doonaa qasaaraha  iyo faaiidooyinka ay Qabyaalada leedahay.

mahadsanidin ——-La soco qaybta 3aad

Abdi  M. Saleiman (Mingiste)

Email: abdi_saleiman@hotmail.com