January 20, 2008

Abwaan Xasan Sh. Muumin Wuxu Mudanyahay in Calanka Somaliland Hoos Loo Dhigo Maalinta Aaskiisa.

Abwaan Hassan wuxuu ahaa philosopher iyo Abwaan isku jira. Hassan wuxuu la mid ahaa ragii shucurada ahaa ee reer carbeed ee sugaanta bulshada ku talax tagay.

Sida ay ii xaqiijiyen eheladiisa khaasatan xaaskii marxuumka marwo Seynab iyo wiilkiisa Maxamed Xasan waxan rajaynaa in marxuumka usbuucan loo duuliyo dalkiisii hooyo Somaliland,aaskiisuna ka dhaco magaalada Boorama,halkaas oo ay aas qaran ugu samayn doonto dawlada Somaliland.

Abwaanka waxay daris wadaag noqon doonaan aabihii Muftigii magaca weyn lahaa ee Sheekh Muumin oo ku xabaalan badhtamaha magaalada Boorama.

Xasan Sheekh Muumin waa abwaankii sameeyey heesta calanka Somaliland.Sidaas awgeed wuxu mudanyahay in calanka hoos loo dhigo maalinta aaskiisa, isgoolada dalkana la fasaxo.

Mid kalana waa naga talo iyo xasuusin in heesta calanka soomaliland lagu qaado isgoolada subax iyo galaba marka quraanka la akhriyo ka dib si waddaniyadda loogu mudo caruurta.Somaliland madaxdeeda iyo shicibkeeda mid yaqaan ma laha heesta calanka taasina waxay wax u dhimaysaa qarannimada aan sheeganayno lafteeda.

Jawhar Cabdisamad Qalinle

Email: korwaayeel@hotmail.com