January 19, 2008
Xaflada Balaadhan oo Caawa Lagu Soo Dhaweeynayey Marwada M/weynaha Jam. Somaliland, Huda Barkhad Aadan, Ayaa Lagu Qabtay Huteel Ku Yaal Virginia - USA
.jpg)
Washington DC, (Harowo) - Xaflad Balaadhan oo si weyn loo soo agaasimay, isla markaana la isku arkay, ayaa caawa ka dhacaday (Bestwestern Hotel, Arlington BLVD), oo ku yaal gobolka Virginia (USA), iyada oo si diiran halkaa loogu soo dhaweeyey Marwada Madaxweynaha Somaliland, Marwo Huda Barkhad Aadan.
Xafladan loogu talo galay soo dhaweynta marwada Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa waxa ka muuqatay jawi ay ku dheehanatahay farxad iyo kalgacal ay u hayaan haweenka Somaliland ee ku nool Metroplitan Washington DC (Washington DC, Maryland iyo Gobolka Virginia) Marwada Madaxweynaha.
Xafladan oo ku bilaabantay, kuna dhamaatay jawi aad u wanaagsan, iyada oo haweenkii ka soo qayb galay oo labisnaa dharka noocyadii ugu dembeeyey, ayaa waxa laga dareemayey inay halkaa wakhti fiican ku qaateen.
Dhinaca kale waftiga madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo ku sugnaa magaalada Washington DC ila iyo Jimcihii ina soo dhaafay, ayaa la filayaa inay ka ambo baxaan magaalada Washington habeen dembe, iyaga oo u sii jeeda dhinaca Somaliland.
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)






