January 15, 2008

Wasiirada Daakhilga iyo Xidhiidhka Golayaasha oo Booqasho Hawleed ku Yimi Boorama

Boorama, (Harowo) - Wasiirada arrimaha gudaha iyo xidhiidhka Golayaasha, C/raxmaan Ismaaciil Cirro iyo Cabdi Xasan Buuni, ayaa galaabta fiidkii soo gaadhay Boorama.

Inkastoo labada wasiirba goor dambe ay maanta soo gaadheen magaalada, balse ilaa imika lama oga  ujeedada booqashadoodan daba socotay booqasho ay shalay ku joogeen magaalada xubnaha sarsare ee Urur siyaasadeedka Qaran oo joogitaankoodii Boorama ee shalay maamulka iyo gobolka iyo ciidamada amnigaba ku dhaliyey dareen.

Inkasta oo aanay labada wasiir midkoodna ka hadal socdaalkoodan Boorama, ayaa dhinaca kale warar ku dhawdhaw wasiiradani sheegeyaan inay la xidhiidho saddex arrimood oo kala ah:

1. Sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen ama ay u badhi itaalui lahaayeen dedaal la doonayo in lagu dejiyo dagaalka maalmahan u dambeeyeyba ka socda jiidda Harawa, halkaas oo ay beelo wada dega kililka shanaad ee Itoobiya ay maleesiyo beeleedyo kasoo jeeda dagaal ku dhex maray, isla markaana ay maamulka gobolka awdal iyo waxgaradka reer Boorama ugu taageeri lahaayeen dhaqaajinta ergooyin nabadddoon ah oo ka hawlgala deminta colaaddaasi, iyadoo dagaalkaasi haddii uu sii socdana laga yaabo inuu nabadgelyada degaanada ku dhawdhaw ee soomaaliland iyo Itoobiya waxyeelo gaadhsiiyo.

2. Arinta labaad ee la filayo inay wasiirado reer Boorama kala hadli doonaan, ayaa la filayaa inay  noqoto taakuleynta ciidamada qaranka ee Jiidda Sool iyo G/bari iyo dadweynaha ku dhaqan Laascaanood ,iyadoo in muddo ahba arrintan taakuleynta  ciidamada iyo dadweynaha Sool ku suganba laga waday gobolka.

3. Arinta saddexaad e la filayo inay la xidhiidho booqadhada labada wasiir ayaa la filayaa inay noqoto dhinaca horumarinta jidadka ee gobolka iyo sidii loo furi lahaa jid laba kiiloomitir gaadhaya oo ay dawladda Hoose ee Boorama ka samaysay magaalada.

Dhinaca kale wasiirka daakhiliga C/laahi Cirro ayaa dhinaca kale la filayaa inuu raxan ka mid ah Hay’adaha horumarinta caalamiga ee ku sugan Harageysa ku dhiirrigeliyo sidii ay taageero qalab iyo dhaqaaleba u siin lahaayeen maamulka dawladda Hoose ee Boorama si ay Golaha degaanka ugu suurowdo inay sii wadaan samaynta jidad kale oo laami ah oo Boorama laga hirgeliyo .

Wasiirka daakhilga C/laahi Ismaaciil cirro ayaa isagu hore dadweynaha Boorama ugu ballanqaaday inuu dadweynaha Boorama dawladda u weydiin doono kharashyo horumarineed oo lagu wax lagaga qabto garoonada ciyaaraha iyo waddooyinka, ballan qaadkaasoo ka dambeeyey cabashooyin sannadkii hore mar ay sideed wasiitr oo ka tirsan xukuumaddu Boorama yimaaddeen ay u jeediyeen qaar ka tirsan odayodhaqameedyada gobolku, kuwaas oo ku wargeliyey inay dawladdu iska illawday horumarinta gobolka.

Maxamed Cumar - Hyena

Harowo.com, Boorama, Sl

Email: moshimu@hotmail.com