January 14, 2008
Qaar ka Tirsan Jaaliyadaha Somaliland ee Waqooyiga America oo Khasab ku Codsaday Inay Arkaan Madaweynaha

Washington DC, (Harowo) - Tan iyo doraato, ayaa waxa magaalada Washington DC ku soo qolqulayey qaybo ka tirsan Jaaliyadaha Somaliland ee dalalka Maraykanka iyo Canada, kuwaas oo si xoogle looga dareemayey caasimadda dadka Maraykanka iyo meelaha u dhow, iyaga oo dhex mushaaxaya huteelada la seexdo, makhaayadaha wax laga cuno iyo suuqyada magaalada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo loo balamay inuu la kulmo dadka reer Somaliland ee ugu yimiday magaalada Washington DC maalinta Salaasada ee Bisha Janauary 15 -2008, ayaa waxa laga dareemayaa inay dadka qaar ku fogaatay maanlinta Salaasadu, iyaga oo ku sugnaa magaalada Washington mudo dhawr casho ah.
Hadaba, maata gelinkii dembe, ayaa waxa si laxaadle ugu soo xoomay ama isa soo tubay dad fara badan fadhiga (Loby) huteelka uu degan yahay madaxweynuhu, kuwaas oo codsaday in aanay ka tageen meesha ilaa ay arkaan madaxweynahooda.
Dhinaca kale, amaanka madaweynaha, ayaa wuxuu gacanta ugu jiraa saraakiil ka tirsan ciidanka Safa Darayska (Uniformed Secret Service) ee dalka Maraykanka, kuwaas oo ay muhiim tahay inay ogolaadaan meel kasta oo uu madaxweynuhu tagayo.
Wax yar ka dib, ayaa madaxweynihii iyo ciidankii ilaalinayey hoos ugu soo degeen Loobiga Huteel May Flower, halkaas oo ay ugu dembayntii kula kulmayn dadkii codsaday inay arkaan madaxweynaha.

.jpg)
.jpg)





















