January 10, 2008
Shirar ku Saabasan Isku Soo Dhaweynta Maamulka Dawladda iyo Beesha Maxamed Case (Samaroon) oo ka Socda Magaalada Boorama.
Boorama, (Harowo) - In ka badan shan xubnood oo ka tirsan baarlamaanka soomaaliland, ayaa magaalada Boorama u jooga dhexdhexaadin ku saabsan xukuumadda iyo qaybo ka tirsan beesha Maxamed Case (samarroon), kuwaas oo dhawaanahanba xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo maamulka gobolkaba Awdal kaga cabanayey dulmi iyo caddalad darro.
Waanwaantan ama isku soo dhaweyntan laba dhinaca ee xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo Ardaayada beesha Maxamed Case, ayaa waxa tan iyo xalay isku horfadhiistay xubnahaha beeshaasi kaga jira Golaha Baarlamaanka Soomaaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin Cali Gebilay, Cabdi Gaagaale Diini iyo iyo qaar ka mid ah madax dhaqameedyada beesha oo uu ka mid yahay Barkhad cumar Xaaji Khayre, isla markaana ah guddoomiye ku-xigeenka xisbiga UDUB ee G/awdal. Waxa kale oo kulamadan ka qaybgalay qaar ka tirsan madax dhaqameedyada, cuqaasha iyo siyaasiyiinta Beeshaasi.
Inkastoo aanay jirin weli wadahadaladaasi waxa kasoo baxay, balse warar ku dhawdhaw shirkan, ayaa sheegeya in qodobada laga wada hadlayey ay ugu badnaayeen bayaan dhawaan qaybo ka tirsan siyaasiyiinta iyo waxgaradka beeshaasi ka soo saareen xidhiidhka u dhexeeya beesha Maxamed Case iyo maamulka gobolka, kaasoo ay ku sheegeen inaysan la shaqayn doonin maamulka gobolka ilaa inta xukuumada dhexe ay arimahaas wax ka qabanayso.
Dadaalka loogu jiro iskusoo dhaweyntan labada dhinac, ayaa waxa wararkani sheegeyaan in shiishka lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka beesha ee la xidhiidha arrimaha siyaasadda iyo sidii ay uga bixi lahaayeen axsaabta mucaaradka.
Dhinaca Kale kulamadan, oo markii u horreysay ay isku taxalujiyey xildhibaanada iyo oadayada beesha maxamed Case kaga jira golayaasha dawladda, ayaa waxa la filayaa inay kasoo baxaan arrimo lagu dhamayn karo faraqa u dhexeeya labada Dhinac.
Wararku waxa kale oo ay intaa ku darayaan, in kulankankii xalay oo ay ka dhaceen doodo aad u kulul, kuna saabsanaa wada shaqaynta maamulka dawladda iyo qaybaha raacsan mucaaradka ee beesha Maxamed Case, ayaa loo saaray guddi ka soo arrimiya sidii beeshaasi Maxamed Case looga qancin lahaa waxyaabaha ay ka tirsanayaan maamaulka gobolka Awdal, waxana la sheegeyaa in arrintaa guddi loo saaray si ay ugu gogol xaadhaan garnaqsi ku salaysan beelaha kale ee ay eedda ka tirsanayaan Beesha maxamed Case, taas oo lagu wargeliyey in la kala saaroa nidaamka dawladda iyo nidaamka beelaha samarroon ku wada hadlaan.
Sida wararkani ay sheegayaan, waxa la filayaa in go’anka guddigaasi ku salaysnaan doono in nidaamkii dhaqanka loo maro masuuliyiinta ka soo jeeda beelaha kale ee gobolka, si loo furo wada hadal sii socda, lagana gudbo kala go’naanta maamulka dawladda iyo qaybaha kala duwan ee beesha maxamed Case.
Waa markii ugu horreysay tan iyo intii doorashooyinkii baarlamaanka Somaliland dhaceen ay xubno ka tirsan xildhibaanadii la soo doortay hawl noocan oo kala ah u yimaaddaan magaalada Boorama, iyadoo welina ay qaar sidii loo doortay uga maqanyihiin.
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, Sl
Email: moshimu@hotmail.com






