January 5, 2008
Madaxweynaha Somaliland Md. Rayaale Iyo Waftigiisi oo Casho Sharaf Caawa Loogu Sameeyay Safaarada Maraykanka ee Addis Ababa.

Hargeysa, (Harowo) - Madaxweynaha Jam. Somaliland Md: Daahir Rayaal Kaahin iyo Waftigii uu hogaaminayay oo wali ku guda jira booqashadoodi ay ku joogeen Caasimada dalka Ethiopia ee Addis-Ababa ayaa isaga iyo waftigiisu waxa Caawa Casho sharaf u sameeyay Safiirka Dawlada Maraykanka u fadhiya Magaalada Addis-Ababa.
Casha sharaftan Madaxweynaha iyo Waftigiisa iyo sidii ay u dhacday, ayaa lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland ahna la taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca War-baahinta Md: Siciid Cadaani Mooge oo nuqul ka mid ahii soo gaadhay Xafiiska Shabakadda Wararka Harowo.com ee Magaalada Hargeysa waxaanu War-saxaafadeedkaa Madaxtooyadu u dhignaa sidan.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa Caawa waxa Casho Sharaf ugu sameeyay, Xarunta Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Dalka Ethiopia, Mudane, Donald Yamamoto, oo ah Safiirka Maraykanka u fadhiya Dalka Ethiopia, cashadaasi oo ahayd soo dhaweyn loo sameeyay Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxa intii cashada socotay lagaga wada hadlay arimo farabadan oo khuseeya danaha labada waddan, iyo sii xoojinta xidhiidhka iskaashi ee ka dhaxeeya labada Dal iyo gogol xaadhka Safarka Madaxweynuhu dhawaan ugu kicitimi doono Dalka Maraykanka.
Ugu dambeyntii, Madaxweynuhu wuxuu uga mahad celiyey Safiirka soo dhaweynta qiimaha leh iyo casha sharafta uu u fidiyeyba.
Kullankaasi waxa uu ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan.


Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.Com
Hargeysa, Somaliland
Email:-daralla06@yahoo.com






